SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

TALO BIXINTA QURBO JOOGTA KISMAYO

KU: Kooxaha Gacanta ku  Haya Kismaayo

Marka koowaad kusoo dhowaada Kismaayo oo ah magaalo madaxda  sedexaad ee wadanka Somaaliya. Marka labaad aad iyo aad ayaa la'idiinkuga mahad celinayaa imaashaha aad timaadeen Kismaayo waayo dadka reer Kismayo waxaa heysay nabadgalyo xumo aad u weyn. Sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in aad wax ka qabataan nabadgalyada magaalada iyo gobolka. Ugudambeyntii, ogaada guulaha istraatijiyadeed ee aad gaarteen waxaa ka mid ah qabsashada kismaayo.waxaana loo baahanyahay in aad meelaha kale ee la midka ah aad dag dag ku gaartaan. Mida kale  guushani waa mid xaga Alle ka ahaatay, waana mid mudan in si wanaagsan loo xuso. Waana ognahay in aad howl culus faraha kula jirtaan oo waliba bilow ah, waxaan idin leenahay haka daalina. Inkastoo wadadu tahay wado aad u qodxa badan hadana waxaa lagama maarmaan ah in aad samir kaalmeysataan.Waligiina cadaalada la jira, waayo wadadan iyo mid ka daranba ragbaa maray oo ku guuleystay waxeyna kaashadeen ALLE, SAMIR IYO CADLI. Hadeydaan caddaalad  ku dadaalin wanaaga aad qabateen waari maayo bal waxuu keeni doonaa BURBUR, XAN, XUMAAN IYO XIQDI.

Waxaan kaloo idiin sheegaynaa magaalada aad timaadeen waa magaalo weyn dadkuna waxey baahi weyn u qabaan in nidaam loo sameeeyo.Sidaas darteed waxaan idinkula talinaynaa in aad raadisaan waxgaradka deegaanka si  loo gaaro guusha oo dhameystiran waxaana lagama maarmaan ah in aad ogaataan:

1.     In aad u timaadeen bulsho toban iyo lixsano dusha looga taagnaa

2.     In aad sugtaan nabadgalyada iyo kala danbeenta  magaalada

3.     In aad mudnaanta sedexaad siisaan isugu yeertaanka dhamaan waxgaradka deegaanka sida ISIMADA Beelaha, Aqoonyahanada, Culumada.

4.     In aad samaysaan maamul (administration), ay xubin ka yihiin dhamaan  beelaha degga gobolka.

5.     In aad u cadaalad fashaan ummadaa dhibka kusoo jirtay mudada dheer

6.     Xiriir wanaagsan lasameeya dadka caqliga u saaxiibka ah ee kunool gobolka

7.     Samaynta muumul loo wada dhanyahay ogaada guusha ayuu soo dhoweynayaa.

8.     In aad magaalada ka dhigtaan magaalo Soomaaliyeed oo qof walba oo muwaadin ihi ku soo hirto maalkiisana gashan karo.

9.     In aad maleeshiyada deegaanka xareysaan, dhaqan Celina u sameysaan.

10.   In aad maamulkiina ku fidisaan degmooyinka gobalka oo dhan. Sida ugu dhaqsaha badan oo eydaan noqon sidii qolyihii idinka horeeyay ee dekeda dhuuqi jiray.

11.  In aad dadka deegaanka ka raadsataan kalsooni dheeraad ah  idinka oo siinaya talada deegaankooda

12. In aad qabataan shirweyne lagu dhisayo maamulka degmada Kismaayo Maamulkaas oo aan qabiil loo eegeyn.

Ali Darwiish Mohamed  QURBO JOOGTA KISMAYO
abuxafsa2000@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 31, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS