SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

HESHIISKA JIBUUTI,BILOWGA HALGAN CUSUB!!

Dad badan ayaa ku jaho wareersan sida wax loo wado iyo halka ay wax ku danbayn doonaan, Su’aalaha ugu badan ee soo noqnoqonayana wxaa ka mid ah:-

· Yaa galay Heshiiska?
· Qolyaha galay heshiiska waa ayo dadka ay metelaan?
· Maxay samayn ah oo ay ku yeelan kartaa Muqaawamada gudaha?
· Garabka galay heshiiska Muqaamada 100kiiba imisa ayey ka yihiin?
· Malaga yaabaa in Qolyaha kale ay ku soo biiraan hanaankaas?
· Qolyaha wax isku darsaday dhankooda wax ma ka socon karan?
· Waa maxay raadka fooxsha xun ee uu reebi karo heshiiskani?
· Maxay tahay inay sameeyaan Muqaawamada gudahu?
· Waa maxay doorka Culimada Masaalixada ee xiligan?
Baarlamanka ka kooban 550ka iyo malaha 100 Wasiir oo kale ma yihiin ku wixii wax samata bixin lahaa? Hadaba Su'aalahas iyo kuwo kale ayaan ku falan qayn doonaa Maqaalkeena.

Intii qaban qaabadiisa lagu jiray Shirkan hada u muuqda gabangabada ee ka soconaya Caasimadda Wadanka Jibouti, Rag badan gaar ahaan Madaxda garabka Asmara ayaa iyagu afka labadii la yeerayey in garabka Shariifku waxa ay u dig iyo dam leeyihiin ay tahay sidii ay wax ugu darsan lahaayeen TFGda oo loo haysto soo gelinta Ciidamada Itoobiya ee xasuuqa foosha xun,barakaca iyo bur-burkaba ka gaystay gudaha Somalia, Hase yeeshee dad badan ayaa jiritaanka sheegashadaas ku soo baraarugay marka ay arintu soo gaartay heer awood qaybsi.

Sida laga wada war hayo kooxda heshiiska gashay ee uu Shariifku Madaxda u yahay waxay ahaayeen Islaamiyiin,qurba joog , bulshada rayidka iyo raggii Wasiirada ka soo waayey Dowladii Cali geedi, kadib markay ansixiyeen soogalinta Ciidamada cadawga dalka, ee iskaga carooday Barlamankii ay ka tirsanaayeen, kuwaas oo samaystay Isbahaysi lamagac baxay Dib u xoraynta Somalia,Kasokow dhaliilo badan oo loo jeedinayey wax isku darsiga Cilmaaniyiinta iyo Islaamiyiinta hadana Shariifka iyo koox ay isku aragti yihiin ayaa dhabbadii loo aas-aasay isbahaysiga ee ahayd in aan xabadda lajoojin inta wadanka laga xoraynayo islamarkaasna aan wax wadahal ah lala furin raga dhiiga gacmaha ku wata ka weeciyey,Waxayna go’aan aan horay loo sii ogayn ku gaareen in ay wadahadal ku dhamaanaya wax isku darsi ay la furaan TFGda iyadoo marka hore dadka lagu maaweelinayo in lala xaajoonayo beesha Caalamka, oo la rumaysantahay in ay tahay tan iyadu dhegta wax aan la ogayn ugu sheegtay kooxda shariifka.

Arintaasi waxa ay ka dhigtay garabka Sheikh Shariif kuwo ka maran taageerada Muqaawamada iyagoo lumiyey kalsoonida qaar badan oo ka mid ah Ururada ka dagaalama gudaha Wadanka, kadib markii uu Shariifku ugu baaqay Muqaawamada inay xabadda joojiyaan hubkana iska dhigaan,waxayna kaloo soo dadajisay kala shaki iyo Ururo kala samaysasho iyadoo sharafta magacii Midowga Maxkamadahana uu dhulka galay oo uu noqday mid laga kala cararo, maadaama qaar badan oo Muqaawamada ah ay ka xanaqsanaayen in uu wali kursigasi ku fadhiyo Sheikh shariif oo isku bedelay Siyaasi waji cusub la soo baxay.

Garabka uu hoggaamiyo Sheikh Shariif waxaa hubanti ah in anay ka gadmi Karin siyasadoodu Dalka Somaliya, oo hadiii si kale loo dhigo ay islaamiyiin magacyada soo bedeshay ay dib u qabsadeen, kuwaas oo dhammaan tood ka soo wada horjeeda waxa ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti.Tusaale ahaan Marka an ka hadlayno Koofurta Somalia oo ah halka uu dhibka ugu badan uu ka taagan yahay, ka soo bilow gobolka gedo intiisa badan haddii aan la dhihin isaga oo dhan waxaa gacanta ku haya xoogaga Al-shabaab, Jubbada hoose iyo jubadda dhexe wxaa gacanta ku haya Raaskanbooni iyo Al-shabaab iyadoo la rumaysan yahay in Sheikh Hassan Turki uu oday u yahay, Gobolada Bay iyo Bakool marka laga reebo Baydhaba oo ah xarunta Barlamanka TFGda waxaa gacanta ay ugu jirtaa Al-shabaab iyadoo meelaha qaarna ay joogaan Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed(Jabiso).Gobolka Shabeelada hoose wuxuu gacanta ugu jiraa xoogaga Al-shabaab,Gobolka shabeelada dhexe waxaa wada jooga Maxkamadaha garabka Shariika,Garabka Asmara iyo Al-shabaab,Gobolka Hiiraan sidoo kale wuxuu gacanta ugu jriaa xoogaag ka kala tirsan Gabarabyada Maxkamadaha, Al-shabaab iyo Jabiso, Gobolka Galgaduud Wuxuu gacanta ugu jiraa Xoogaga Al-shabaab iyo garabka Asmara,Gobolka Mudug Marka laga reebo Galkacyo waxaa siwayn u jooga xoogag Islaamiyiin u badan Al-shabaab.Muqdisho Waxaa ka dagaalama xoogaga Al-shabaab, Raaskanbooni, Jabiso,garab la tuhunsanyahay inay u janjeeraan dhanka Shariifka oo aad u dhimay weeraradoodii iyo Maxkamadaha ka madaxa banana 2bada garab ee Isbahaysiga.

Marka aan Qiimayno garabka Sheikh Shariif waxa ay taageerayaal la dhihi karo waa hareeraysanyihiin(waxan ujedaa dhanka tiro yarida)ay joogaan meelo ka mid ah Gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.Mana muuqato rajo laga qabo in garabyada kale ee Muqaawamadu ku soo biiraan haanaanka shariifku hor boodayo,taas badelkedase waxaa muuqanaysa in halgan cusub iyo dib-u-xorayn hor leh midiyaha loo afaysanayo.Hadaba Sheikh Shariif iyo kooxdiisa ma dhici kartaa inay isbedel ku keenaan xaaladda wadanku uu hadda marayo, mise dabkii ololayey unbaa basin lagu sii shubi??

Ma jecli inaan saadaal xun oo rajo beel ku keenaysa dadkii u hanqaltaagayey dhaq-dhaqaaqa Shariifka ka bixiyo, hadana runta muuqata waxay tahay in ay halkaas ka soo bixi doonto Dowlad ka tayo liidata tii C/laahi uu hoggaanka u hayey. Tausaale:- 275tii Xildhibaan ku sheeg ee ansixiyey soogalinta Ciidamada cadawga wali wa ay soo taaganyihiin,Mushaarkooda ayaa lala'aa marka waa la laban-laabay(Malaha ceel shidaal ayaa Somalia laga helay!)Waxaa jiray Gobolo taageero u haya marka laga hadlayo TFGda sida Gobolada Puntland, taageeradaasi ma noqon doonto mid ay hesho Dowlada-isbahaysigu Waayo marka laga soo tago iska horkeenka iyo isku jebinta Muqaawamada hadana Shirkani wuxuu ahaa mid loogu dhamaynayey Odayga lagu soo shaqaystay ee la sugi waayey inta uu waqtigiisii ka dhamaysto,tiiyoo aanu waxba ka qaban balan qaadyadii uu u sameeyey dadka reer Puntland.Dad badan ayaaba is waydiinaya tolow Xarunta Dowladda-isbahaysigu ma waxay noqon doontaa Feer-feer Magaalooyinka laga taageersanyahayna Hawase,Addis ababa, Shashamane, Soodare iyo Nasared?

Meesha markasta u dahnayd Soomalida waxa la tuhunsanaa inay tahay Culimada,Raadka foosha xun iyo cirib xumada uu ku keeni karo Ummada heshiiskaasi waa in la arko wax aan horay loo arki jirin oo ah Wadaado Waranka isu haysta oo midiba kan kale gaalnimo ku xugminayo,Dabcan tan is xugminta horay ayeyba u socotay oo waan maqlnay heshiiskanina wuxuu u muuqdaa mid arinta u bedelaya ficil,arintaas oo noqonaysa Musiibadii ugu xumayd ee Soomalida lasoo gudboonaata ebed(Ilaahay ma qadaree)

Waxaan akhriyey bayaan ay Culimada Masaabaxadu ka soo saareen Heshiiska Jabuuti, Waxay ku tilmaameen mid aan waafaqsaneen Diinta Islaamka Waxayna dhanka kale muujiyeen sida anay raaliga uga ahayn in lala dagaalamo raggaasi,Hadaba Culimada musaalaxada waxaa la gudboon in si aan ganbad lahayn farta ugu fiiqaan shaqsiga ama shaqsiyadka qaldan si bulshadu uga feejignaato iskagana qabato shartooda, illayn lama wada saxsana garina laba nin kama wada qoslisee,Waxaana looga baahanyahay Culimada inay kalimadooda labac-labaclaynta ka ilaaliyaan,Fatwo sharci ahna ka soo saran waxa socda.

Somalidu waxay ku Mahmaahdaa war lahelaa talo la helaa…Qolyihii ogaa halka dhaanku ku furan doono iyo kuwii shakisanaaba maanta xaqiiqda ayaa u wada muuqata iyo halgankii in uu ku idlaaday kursi doon lana jeclaaday magacyada wasaqaysan ee sabanka sida Mudane Xildhibaan iyo Mudane Wasiir!!Sidaas darteed looma baahna in Muqaawamada guduhu ay ku mashquulaan fakir badan iyo bal maxaa xigi doona ee wixii laga fishaaba waa iyaga oo ku dhaqaaqa talaabooyin ay ka mid yihiin:-

· . In si deg-deg ah ay iskugu yimaadaan Shirwayne.
· In ay doortaan Hogaan adadag,laguna kalsonyahay.
· In khilaafaadka yaryar xal loo helo.
· In ay ku dhawaaqaan Maamul Islaami ah,maadaama wadanka intiisa badan uu hada iyaga gacanta ugu jiro.


W/Q:MMGaraad. E-mail:- garadsom@hotmail.com ama stethy1@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo uu u gaar yahay qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | December 3, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS