SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa Ku Haboon in Loo doorto Hogaaminta PL.?

Shacabka Pl waxay la Jaah wareersanyihiin Musharaxiinta Faraha badan ee ku Loolamaysa xilka Madaxtinomo ee Puntland kuwaasi oo midba waliba sheegayo inuu Puntland ka dhigayo Barwaaqo, iyo Hormar Fiican, dadku waxay Rabaan Nin Aqoon leh, karti u leh, Hogaaminta iyo Masuuliyada Puntland Dadku waxay Rabaan Muwaadin Geesi ah oo soo Celiya Gobolada Ka Maqan Puntland....... Dadku ma doonayaan Nin dhiiga daadiya, Abuura Colaad, iibsada Dalka aan dhaqaalayn Ciidamada Difaaca.

Shacabka Puntland Rayi u Rurin Balaadhan oo laga sameeyay intii u dhexaysa Labadii Bilood ee Oct, Nov, ayaa waxa lagu ogaaday inay dadku 100% doonayaan Hogaan Fiican oo dhaama kan Haatan sii dhacaya, Laakiin waxay dadku Hadal hayaan kuwa haatan isu taagay Hogaaminta Puntland ma dhaamayaan kuwaii hore ee Lumiyay Jaaniskii dhulka Barwaaqada ah ee Puntland.

Jawaabtu waxa weeyaan Markaad Aragto Musharaxiinta Haatan u taagan Hogaaminta Pl, qaarkood waxay Yimaadeen dalka Markii ay soo dhawaatay Doorashada Pl, qaar kale ayaa Joogay Dalka oo aan wax Fursad siyaasadeed ah ka helin maamulkii Markaasi jiray iyo qaar kale oo iyana Xilal ka Qabtay Maamulka Puntland ee haatan sii Liicaya... Hadaba Yaa ku Haboon intaasi Hogaaminta Puntland.

Haadii aad dhuuxdo Khubadaha dhamaan Masharaxiinta Ama aad qiimayso Shakhsi ahaan waxaad Oran kartaa qaarkood xitaa kuma Haboon inay Wasiir ka Noqdaan Dawlada Cusub ee 2009- waa Markaa aragto inay ragaasi danbiyo ka Galeen Shacabka Puntland waxa jira kuwa Lunsaday Hanti qaran oo haatan soo xidhay shaati kale, waxa jira kuwa doonaya inay qas ka Abuuraan Puntland oo ay Beelaha Walaaha ka dhex Abuuraan Dagaal....... Haba wa Ayo Ninka Nadiibta ah ee ku Haboon Hogaaminta Puntland.

Shacabka iyo Aqoonyanada Puntland waxay leeyihiin waxa ku Haboon Hogaaminta Puntland nin aan wax Danbi ah ka galin shacabka isla markaana ka Madax-Banaan is Qab Qabsigii Siyaasadeed ee Puntland Khibrad u leh Soo Celinta Gobolada Maqan, Abuuri kara shaqooyin la Dagaalami kara Budhcad Bedeeda.

Maamulka Puntland meesha uu haatan ka dooloolo waxa weeyaan dhanka Amaanka oo aad u liita, waxa loo Baahanyah nin Aqoon u leh Xoojinta Amaanka iyada oo ah Meesha kaliya ee lagu dhaliilo Maamulka haatan dhacay oo uu ku Fashilmay inay tahay wax ka qabashada Amaanka.

Musharaxiinta haatan shaaciyay inay u taaganyihiin xilka Madaxtinimo ee Puntland ayaa la sheegay inay kor u sii dhaafeen 20-musharax kuwaasi oo ay ka mid yihiin Rag Dawladii dhexe ee Jaale Maxamed Siyaad Bare ka soo qabtay xilal Cul Culus kuwaasi oo lays oran karo waxay soo Celinayaan Maamulkii lumay ee Puntland, sidoo kale waxa jira Rag Prof- ah oo Aqoon u leh Hagida Maamulka kuwaasi oo iyana ka mid ah Musharxiinta Puntland.

Laakiin shacabka Puntland ayaa aad uga Cabsi qaba inay dhaco inay Mar labaad soo Laabtaan Maamulkii hore ee Puntland kaasi oo ah mid inta badan Haataan ka Tuuray Maamulka Puntland............. Waxa la sugabaa waa Jaanyo,08,2009- oo ay doorashada Puntland ka dhacayso Magaalada Garooowe.

Waxa Qoray.

Wariye Madax-Manaan.

Jaamac Ayaanle Feyte

Feyte37@hotmail.com

Bosaaso

 

Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008

BayaanWarsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis
:::Xarunta Abubakar oo ka jawaabtey dhallinyarada maqan
:::Waalidiinta oo soo Dhoweeyey Baaqa Xarunta Abuubakar
:::Khudbaddii Carafa -Xajka oo Soomaaliya lagu soo qaatay
:::Sidii looga ciidey Minneapolis, K/Afrika, Toronto & India
:::Sidii looga ciidey Garbahaareey,Dooloow, B/Xaawo, Luuq
Wararka oo dhan ka akhri halkan...... Dec 9

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS