SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo Somalitalk Wareysi siisey

Drs. Caasho Axmed Cumar (Caasho Kablow) oo ahayd Gabadh wax ka baratey dalka Talyaaniga, islamarkaana tartan u gashey Abaalmarinta Haweenka Sanadka aduunka ee 2008-da oo aan kula kulmey Hoteel Daaru-salaam ee caasimada dalka Jabuuti, waxna ka weydiiyey wax qabadkeedii, halka ay wax ka bartay iyo sida ay ugu guuleysatey Abaalmarinta sanadka ayaa waxay hadalkeeda ku bilowdey

"waxaan wax ku bartey dalka talyaaniga, Jaamacada , (La sapienza di Roma Italy), waxaan ka qaatey PHD dhinaca cudurada Haweenka, waxaana ahay Gabadhii ugu horeysay oo muslimad ah, islamarkaana Afrikaan oo Soomaali ah PHD-na ka qaadatay Jaamacadan, dalka waxaan ku soo laabtey 2005-ta, isla sanadkaas ayaan goob caafimaad ka furey Magaalada Muqdisho, sida la wada og-yahay mudadii 17-ka sanadood ee dowlad la’aanta dalka, waxaa ciriiri galey Caafimaadka, waxaana mar walba dareensanaa inaan dadka iyo dalka wax u bartey, waxaana maanka ku hayey Haweenka Soomaaliyeed inaan ka haqabtiro baahida Caafimaad inta badan" ayey tiri Caasho Kablow iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartey:

Siduu allaah u yiri "Qofkii naf nooleeya wuxuu la mid yahay isagoo nooleeyay dadkoo dhan", laba sano iyo bar ayaan soomaaliya ka hawlgalayey, gaar ahaan Muqdisho, 6 bilood Hargeysa iyo Burco ayaan joogey, waxaana si dheeri ah iskugu hawley, inaan wax ka qabto caruunta xanuunadooda aan Afrika wax loogu qaban karin ee ku dhasha xaalad ka duwan tan uu Bani’aadamka ku dhasho, waana ku guuleystey inta badan , waxaan kale oo ka hirgeliyey Mash-ruuc ka hortaga Kaneecada Tuulada Jambaluul oo u dhow Af-gooye mudo lix bilood ah, markii uu dhamaadey mash-ruucaan ma jirin wax caruur ah oo u geeriyoodey cudurka Kaneecada markii la gaarey xili Roobaadkii, waxaan keloo kala dagaalamey magaalada Muqdisho dhaqano badan oo dhinaca caafimadka ah sida isticmaalka gacan-gashiga ama Galoviska hore loo isticmaaley IWM, waxaan keloo ka qayb qaatey dib u haybeynta Ururkii Dhakhaatiirtii Soomaaliyeed, hawsheydu kuma koobneyn cudurada Haweenka oo keliya, Haddana waxaan ku hawlanahay Tababar Ummulisooyin tiradoodu gaareyso ilaa 100-200 Gabdhood, waxaana Afka Soomaaliga ku qoraa Buug Ummulinta laga barto.

Somalitalk:-Ma jiraa wax caqabad ah oo aad kala kulantey intii aad ku jirtey hawshaas?.

Drs; Caasho Kablow;- wax caqabad oo iga horyimid ma jirin, marka laga reebo dawooyinka uu isticmaalo bukaanka oo aan tayadoodu wanaagsaneyn.


Drs; Caasho Axmed Cumar (Caasho Kablow)

Somalitalk:-Ma jiraa dad gacan kugu siin jirey hawlahaan aad wadey?

Drs: Caasho Kablow;- Waxaa gacan iga siin jirey dalka Talyaaniga, iyagoo ogaa xaalada Soomaaliya ay ku sugan tahay, ayaa waxaan go’aansadey in ay wax igala qabtaan dadka Soomaaliyeed ee caafimaad darida la soo gudboonaato ee aan soomaaliya wax looga qaban karin, sida dadka ku dhasha waxyaabo qayru caadi ah oo Bani’aadamku uu ku dhasho,.

Somalitalk:- Ilaa iyo imisa kiis ayaad ku guuleystey?

Drs;Caasha:-Ilaa 4 kiis oo cul culus iyo kuwo yar yar oo badan.

Somalitalk;- Maxay tahay sababaha aad ku qaadey abaalmarinta Haweenka Aduunka sanadka 2008-da?.

Drs;Caasha:- Sanadkaan waxay ugu magacdareen dowladaha horumarey dadka ka shaqeeya goobaha ay ka jiraan xaalad Bani’aadaninimo, "U ololeynta qof kasta inuu helo caafimaad" taasina waan ku guuleystey, waxaan dhaqan geliyey in ilmaha yar yar ee Soomaaliyeed ee xanuunsada inay xaq u helaan daweyn dhameystiran,

Somalitalk;- maxay tahay sababaha kugu dhaliyey inaad ka qayb gasho tartankaan?.

Drs; Caasho Kablow;- Waxaa igu dhaliyey dadaalka aan ugu jiro inuu qof kasta Soomaaliyeed, gaar ahaan Caruurta iyo Haweenka, ugu soo bandhigo aduunka, waxaana igu dhiirigeliyey Profassoradeyda Talyaaniga ahaa.


Caasha Cumar Axmed (Caasho Kablow). Gabadha Sanadka 2008-da

somalitalk;- Abaal marinta aad heshey maxay tahay?

Drs;Caasho Kablow; Abaal marinta aan heley waa Abaalmarinta Haweenka sanadka Aduunka ee 2008-da waxaana afka Talyaaniga lagu yiraahdaa "Premio Donna Dell’anno 2008-da Internazionale", tartanka waxaan uga qabgalney ilaa 44 Haween ah oo ka kala socda Aduunka, waxayna aqoontooda isugu jireen noocyo kala duwan, waxaana isugu soo harney ilaa sedax gabdhood, aniga oo gabar dhakhtarad Soomaaliyeed ah, Gabar Talyaani ahayd oo iyaduna dhinaca arimaha Bulshada uga qayb gashey iyo Gabar iiraaniyad ah oo sharciyaqaan ahayd.

Somalitalk;-Maxaad dareemeysaa adiga hada?

Drs; Caasho Kablow;-Aad ayaan ugu faraxsanahay anigoo gabar soomaaliyeed ah, inaan galo kaalimaha muhiimka ah ee aduunka, guushaasina ma ahan, mid aniga igu kooban waa mid ay ila wadaagayaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Gabadhaha Soomaaliyeed, waxaana leeyahay kuwa wax baranaya dadaalkiina sii wada dadka iyo dalka in wax loo qabto ayaan aad u taageersanahay, siduu hore u yiri abwaan Soomaaliyeed "Hilibkiisii buu cuney nin hagradey dhulkiisee".

Video-ga Hoose ka daawo Drs. Casha oo la gudoonsiinayo billada "Donna dell'Anno 2008" (FG. Filimku wuxuu ku hadlayaa Af-Talyaani...)

Warbixintii Warbaahinta Talyaanigu ka qortay abaalmarintii Drs. Caasha ka akhri halkan (Italian)
 


bidix Caasho Kablow, dhexda gudoomiyaha gobolka Valle d'aosta midig gabadhii boqorkii talyaaniga Savoia.
Isha sawirkan: http://www.12vda.it

Dhamaad

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008

BayaanWarsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis
:::Xarunta Abubakar oo ka jawaabtey dhallinyarada maqan
:::Waalidiinta oo soo Dhoweeyey Baaqa Xarunta Abuubakar
:::Khudbaddii Carafa -Xajka oo Soomaaliya lagu soo qaatay
:::Sidii looga ciidey Minneapolis, K/Afrika, Toronto & India
:::Sidii looga ciidey Garbahaareey,Dooloow, B/Xaawo, Luuq
Wararka oo dhan ka akhri halkan...... Dec 9

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS