SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Doorashada Puntland iyo Dareenka Dadwaynaha

Waxaa la filayaa in ay dhacdo dorashadii maamul goboleedka Puntland

9/feb/2009 waxaa muuqda musharaxiin badan oo ay ka yimi dibada iyo kuwo dalka hore u sii joogay oo qaarkood ka mid ahayeen maamulkii hore u jiray oo uu hogaamiyo Mahamuud Muuse Xirsi ( Cade)  

Hadaba dalku male xisbiyo, dadwaynuhu male cod, ee yaa waxa doorta?

Waxaa wax doorta 66 xildhibaan oo lagu soo xulay hab beeleed intooda badanina ayan lahay aqoon iyo waaya aragnimo siyaasadeed uuna codkooda ku tashado hadba ninkii jeeb rooni.

Hadaba waa side dareenka dadwayhanu maxase ku taamayaan: dareekan dadwaynahu waa baqdin, welwel, walaac, seexan waa, iyo aamusnaan. 

Waxay ka baqayaan: is dhinaca yaacani in u isku dhac keeno,

Waxay ka welwelsanyihiin:in kii la doortaaba uusan iyaga dan uhayn

Walaacoodu: waa in maamulkii hore soo noqdo

Seexan Waagu:waa habeen walba wiil baa ladilay oo yaa dilay lama yaqaan amaan daro baan indhu is qaban Waayeen. 

Waa Amusan yihiin Waayo cid ay dhacdooyinkan kala xisaabtamaan mayaqaaniinin, odayaal dhaqameedkii oo ay isku halayn jireena beryahan hadalba waa daayeen intaa shir bay ku jiraan go’aan gaaristiina waa ka baqaan lamana yaqaan sababta. 

Dadwaynihii ma cabiri karaan fekerkooda, ma dooran karaan kay doonayaan, cashuurtoodii oo Ciidankii ka mushahar la yahay oo caruurtoodii iskuulkii laga soo eryey, guryihii laga saaray markay kiradii bixin waayeen, dukaankii biilku soo eryey, ka dibana nolol maalmeedka diriska wax ku yar dhamaa u daweriyo ayaa mushaharkiisii lagu gadanayaa codka kii isaga beeshiisu u gaysay barlamanka in uu metelo. 

Hadaba waxaan is waydiin leh goormaan gaari doonaa doorasho xor ah  oo qof walabaa codkiisa siiyo qofka uu u arko in uu dadka iyo dadka u danaynayo.

Sideese lagu heli karaa yaanba dadwayne waxa doorane Barlamaan metela bulshadiisa ee aan dhuuni raac ahayn oo codkooda uusan ku xisaabtamin hadab kii jeebku qoyan yahay.

Maxaa laga Dhaxalay: waxaa laga dhaxalay nin baahani geedo kama waabtee in ay Bulshada habeenkii mobilada ka boobaan, qaarkood bada u qaraabtagaan, qaarkoodana weli difaaca ugu jiraan dalkaa lagu dulmiyey iyaga iyo ubadkooda iyo umulaha aqalka baahida kula huursan. 

Waxaan rabi ka idaynaa in uu talada na waafajiyo oo dadwaynahu cod yeesho oo dalku xisbiyo yeesho oo xoriyatu qawl la helo. 

Qore AAM

L/H Bossaso

Puntland Somalia 

Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008

BayaanWarsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis
:::Xarunta Abubakar oo ka jawaabtey dhallinyarada maqan
:::Waalidiinta oo soo Dhoweeyey Baaqa Xarunta Abuubakar
:::Khudbaddii Carafa -Xajka oo Soomaaliya lagu soo qaatay
:::Sidii looga ciidey Minneapolis, K/Afrika, Toronto & India
:::Sidii looga ciidey Garbahaareey,Dooloow, B/Xaawo, Luuq
Wararka oo dhan ka akhri halkan...... Dec 9

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS