Dhaqanka Siyaasiyiinta Soomaali Horboodeysa oo uusan
ka mid aheyn { Xishood, Tanaasul, Iscasilid iyo Waddaninimo}
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas
kadib dhammaan akhristayaasha sharafta leh waxaad marka hore iga
gudoontaan Ciid Mubaarak, meel walboo aad joogtaanba, anigoo idiin
rajeynaynaa inshaa’allaah inaad ciidan ciideeda ku gaartaan caafimaad
qab, baraare iyo Cibaado san.
Kadib burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa
nasoo maray oo uu waayuhu Ina baray nimaan isku sheegaya siyaasiyiin, oo
aan kala garaneyn maxaa xalaal ah, maxaase xaaraan ah. Sidoo kale aan
haba yaraatee lagu arag wax damiir ah, kaasoo u ogolaan lahaa bal inay
mar uun xishoodaan ama ay is arkaan marxalada ay ku sugan yihiin.
Dunidan horumartay waxaad maqleysaa nin fulaan wuu ku
fashilmay qorshihii uu waday, oo isagoo aan laga codsan ayuu iskiis u
sameynayaa iscasilaad, uuna qirayaa in ay wax kasi noqdeen. Waxaad
arkeysaa xisbi isku soo sharaxaya doorashada waddanka, oo haddii laga
guuleysto ay iswada casilayaan raggi hormuudka ahaa, oo booska waxaa loo
banneynayaa rag cusub oo berito dadka laga iibin karo. Waxaad kaloo
arkeysaa nin mas’uul ah oo lagu qabanayo khalad yar, oo markiiba is
casilaya. Sidoo kaloo waxaa dhaqamadan reer galbeedka ka mid ah haddii
ay labo xisbi arimo isku qabtaan, in markiiba la sameeyo wax la yiraahdo
isu tanaasul.
Dhaqankeena wanaagsan ee islaamka ah haddii la dabaqi
lahaa, wax baddan ayaa inoo qabsoomo alahaa, oo diinteena macaan asyaa
had iyo jeer nagu gubaabisa waxa la yiraahdo { Xishoodka,
iskutanaasulka, Allaah ka cabsiga, in uusan qofku raadin xukun, ee uu
sugo bal inay dadku soo doortaan}. Nasiib daro iskuulkaas aan ka hadlayo
waxaad moodaan nimankan inaany weligoodba filin ku daawan, amaba ayan
weligoodba wax akhriyin.
Arimaha laga yax yaxo waxaa ka mid ah mas’uuliyiinta
ugu sareeya dowlad ku sheega kumeelgaarka ah, oo xitaa garan waayay bal
dadweynaha Soomaaliyeed Quluubtooda ilaaliya, oo khillafaadkiina
qarsada. Nasiib darro xitaa maalintii Ciidda iyagoo kuwada sugan
magaalada Baydhabo ayuu nin walba inta isaga la aragtida ah, qol yar
intuu ku xireystay halkaas lagu tukaday salaaddii ciida. Aaway qarankii,
aaway m,as’uuliyaddii ummadda, aaway damiirkii. Waxaa iyagana kasii
daran nimanka sheegta Xildhibaanada oo iyagu mar walba qiimeeyo kan
jeebka u buuxiya ama mid uu qabiilku ku noqday kansar, oo mar walba wata
miisaanka qabiilka.
Sidoo kale iyaguna waxaa wax laga naxo ah, nimanki
laga sugayay bal inay waxan wax ka duwan keenaan, caqligoodii uu isugu
soo biyo shubtay bal inay kuraas helaan. Halkee ayaa lagu arkay
Baarlamaan ka kooban 550 mudane. Ma xal baa la raadinyaa mise kuraas
doon baa la ahaa. Midda kale qolyaha Mucaaradka ah ma garan waayeen bal
inay xitaa sugaan waqtiga u dhiman qolyahan, oo ay isa soo sharaxaan
doorashada danbe, iyagoo ku caddadinaya in ay doorashadaas u dhacdo
sidii loogu talagaly. Runtii waxaa halkaas kaaga soo baxaya in aanay
Soomaali is caqli dhaamin, oo qof walba uu mansab iyo kursi u cararayo.
Dhanka kale waxaa maalin walba soo badanaya dilalka
loo geysanayo dadka aan iyagu waxba galabsan, oo loo dilaya si maalaycni
ah. Waxaa dalka kusoo badanaya nimanka la yiraahdo Burcad badeedka oo
aan illaa iyo hadda la garaneyn halka ay salka ku hayaan ama cidda
taakuleysa. Sidoo kale waxaa aad iyo aad inoogu baddan faragelinta
shisheeye oo ayan jirin cid la fahmeysaa halka ay inoo wadaan.
Haddaba waxaa isweydiin lahaa Soomaali Halkee ayeey u
socotaa, yaa u maqan waddanka, yaa inaga damiinta siyaasiyiintan
damiirka beelay, Halkee ayuu ku maqan yahay muwaadinkii dhabta ahaa,
Halkee ayeey ku maqan yihiin dadki waddankan caqliga u ahaa sida
Culumada, aqoonyahanada , waxgaradka iyo intii damiirkoodu uu noolaa.
Su’aalahaas jawaabtooda waxaan ka sugaysaa inta uu
weli noolyahay damiirkooda iyo inta u diir naxda Soomaaliweyn iyo
mustaqbalkeeda.
Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan