SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MUSTAQBALKA REER PUNTLAND, MADEXWEYNAHA KURSIGA JECEL IYO MUSHARAXIINTA YAA U GARNAQAYA

Mohamed Ali Mohamud
Nairobi-Kenya
ilkacase461@hotmail.com

Maamulka Puntland waxa udubka loo tagay sanadkii 1998 Markii loo doortay gudoomiyhii Jamhadii SSDF Col. Cabdulahi Yusuf kana noqday wadanka Madexweyha Puntland, hadana ah Madexweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaliya, intii uu xilka uu hayey Maamulka Puntland waxa sii xumanayey dhaqaalaha intastoo wadanka dhamaan dhanka amniga uu ahaa mid laysku haleenayo, dad ka Reer Puntland ayaa usoo jeestay dhismaha iyo qorxinta bilicda gobolada ilaa heer dagmo, waxana isoo tarayey Ganacsi horle lakinse dhamaan ganacsiga waxa gacanta ku hayey Culumo ka dhexmuuqata Ururka Al-itaxaad, Ururkaan ayaa ahaa mid aad iyo aad u nimcaa Madexweyne Cabdulahi Yusuf, Cabdulahina waxa u ahaa in ay yihin sharsoo baxday markii ay la galeen dagaal Sanadii 19992

Ganacsiga ayaa ahaa mid ay dowladu ay isha ku haysay lakinse Wadanka waxa uu lahaa kala dabeyn, waxa xilka la wareegay Sanadii 2005 Madexweyne Muxamud Xirsi Muuse ( Cade Muuse) Hormar la aanta la soo gudboonatay ayaa lugu sharaxaa Maaliyda dhaqaale ee soo gala Maamulka Puntland oo u leexata Dhanka Baydhabo loona diro Dowlada Federaalka ah, Wasiiro aan lala xisaabtamin oo ku tikro falaya, iyo Madexweyne Cade Muuse oo ku dhameyey Lacagtii Safaro Dibada ah Safarada ayaa ku baxa malayiin lacag ah, Sidoo kale Makinado lugu edeenayo in uu wax ku leeyahay Madexweyne Cadde Muuse ayaa lugu daabacayey Lacago faaliso ah taas oo sameysay sicir barar

Dhaqale xumida ayaa sababtay in loo wayo Ciidamda Booliska, Militariga Lacago musharaadka kadib waxa gacanta ka bacday dhamaan Amnigii, xita waxa lugu saleya in Gobolada Puntland ka maqan ay oga maqan yihin Ciidan la aan haysata Dowlada in kastoo Aqoon yahano ku xeel dheer adoorista siyaasada ay sheegeen Gobolkas in uu ku maqan yahay qaab siyaasadeed mar aan kula kulmay Sudan Dr Ali Dahir samatar oo ah Aqooyahan u dhashay Puntland kuna adaroosay arinka gobolka sool in uu yahay mid siyaasad ah

MUSTAQBALKA REER PUNTLAND

Dad ka Reer Puntland waxa ay u baahan yihiin marka kowaad Amniga dhamaan sameyey Maamulka in dib loo soo cesho, in la semeyo kaamayaal shaqaale ay ka shaqeyaan dhalinta haysata shaqo la aanta, hormarka dhaqaali sida ganacsiga
iyo xoryada Saxafada lakinse intaas oo idil ayaa ah mid riyo u taagan waa hadii uu sii hayo talada Madexweyne Cadde Muse

MADEXWEYNAHA KURSIGA JECEL

Hadii ay doortaan Mar kale Madexweyne Cadde Muuse waxa uu wadanka galayaa marxalad aad u adag waxana ka dhalan doona Dagaalo sokeeye taas oo sababtay Musharixin tiro badan oo ay wataan oday dhaqameedyo, dhalinyaro, mid kastana uu qabiilkiisa ku boorinayo mantay in uu ubahan yahay tageero hiil iyo hoo, dhaman gobolada waxa laga dareemaya Musharax kasta in uu wato tiknako tiro badan una diyaar yahay hadii ay doorashada u dhacdo si ka baxsan sida uu qabo jastuurka tani waxa ay horseedi doonta waji cusub taladana waa tan Rabi

Sadexda arin: Mustaqbalka Puntland, Musharixiinta Cusub, Jagada Regaal celin ee Madexweyne Cadde Muuse sidee ayaa loo garnaqaya

waa suurad wadata mugdi iyo iftiin qofba waa sida uu u qaate. Mustaqbalka Shacabka Puntland waa in ay helaan Amni, Hormar, kobcinta dhaqaalaha, tas waxa keeni karta in la helo qof cilmi u leh ahna qof go'aan kiisu uu yahay mid u gooni ah lalana wadaago talada marka mar xalada ay adagtahay go'aanka uu garo marka kalena latashi kala sameeyo madex dhaqameedyada aqoon yahanada, waa in xukuumada lugu soo biriyaa aqoon yahano dayar oo fir fircoon

waa in uu madex weynaha uu talada iska casilaa iskana daya in uu isku soo taago doorasha waxa tastuurka ku qoran in uu xaq u leeyahay in uu mar kale isoo sharaxo balse hada mahan waxa uu ku fashilmay tii maamulkiisa oo uu wax ka qaban wayey arihama dhaqaalaha, horamarinta Maamulka, Amniga

Musharixiintu hadii ay wayaan jagadooda waa in ay u samraan ogana kaaftoomaan waa in ay ka hiigtan in ay galiyaan wadanka dagaal sokeeye

Fikradeeyda iyo Helitaanka Jagada Madexweyne ee Maamulka Puntland

Puntland talada waxa ay gacanta ugu jirta isimada waxa go aan gaara isimada cade waxa uu haystaa kalsooni oga imaan doonta isimada ma jiraan wax qaabo qaabo doorasho ila hada uu soo bandhigay, waxan is tusay in uu wadanka galin doono xiliga doorashada dagaal lugu soo celin doono gobolada ka maqan, waxana dhici doonta in doorashada dib loodhigo, hadi ay dhici waydo arinkaan waxa iska cad in xukunka uu hali doono Cadde muuse labadaas iyaabood owgood

Mohamed Ali Mohamud
Nairobi-Kenya
ilkacase461@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 12, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS