SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

FAALLO: Hirdanka iyo Is Reeb Reebka Siyaasadeed ee Odey Cabdulaahi Iyo Odey Nuur Cade Kee U harey Reerka!!!!

Soomaaliya maalinba qiso hor leh oo qalaf san ayaa soo qoton sanaysay, sida lawada ogsoon yahay markii aay burburtay Dawladdii Milateriga ahayd sannadkii 1991dii, waxaa Soomaliya oo dhan ka dhacey, dagaal sokeeye oo lawada eedey.

Dhaca, xasuuqa, barakicinta, kufsiga, dilka iyo dhamaan falalka xun xun ee ay ku kacday Dawladan Labada Odey ay madaxda U yihiin ayaa waxay gaadheen heer uu caqligu diidayo in la rumaysto, aduun waynahana la yaab ku noqotay,kumanaan qoys, iyo malaayiin qof ayaa ka barakacay gudaha Somaliya, iyagoo ku dhibaataysan daafaha dalka gudihiisa.

Hadaba hirdanka iyo loolanka is reeb reebka ahaa ee ka dhex aloosnaa labada Odey Cabdollahi Yuusuf iyo Nuur Cade, ayaa haatan maraya meel gebogaba ah.

Siyaasada soomaalida ee ku dhisan danaha gaar ahaneed ayaa waxay shalay lahayd dowlad baa jirta, maanta waxay leedahay dowladi ma jirto, shalay waxay lahaayd heshiis iyo qaranimo ayaa loo baahan yahay, maanta heshiiskii way diidan yihiin, qaranimadiina waxay ka yidhaahdeen hadii aynaan inagu horboodin waanu burburinaynaa, sida hada ka hor laga hayo nin wadaad ahaa cunto alla bari ah laga hor dhamaystay ee Xeedhadii oo madhan dul yimi ee inta uu cadhooday yidhi baa "Halkan Ijaabo iyo kama dhicin".

Odey Cabdulaahi ayaa intii uu dib igu soo laabtey Magaalada Baydhabo Isku Mashquulieyey Sidii uu nuur Cade Daaqada uga saari lahaa isagoo adeegsanaya waji kastoo uu is leeyahay waad ku ridi kartaa wajiyada u furan waxaa ka mid ah weji qabiil, weji xulafo, mid lacageed iyo waxii la hal maala, waxaa uuna ka dhabaynayaa baa la is leeyahay hadal uu dhawaan ka jeediyey xafaldii Boqorka Daarood waxaan ka mid ahaa hadaladiisa" Hadii Dawlad Dhaxe la inagaga Adkaado , Shacabka Reer Puntlan waxaan U sheegayaa Inaysan Jirin Doonin Dawlad Gobleedkooda, Sidaas Daradeed wa inaan wax kasto oo ay awoodeydu Tahay isugu Geynaa La Dagaalanka Ragaas Xulufada ah ee ku shiraya Dalka Djabuti.

Hadaba Goodiskii uu odeygu goodiey waxay dhashey Miraha Maanta Tagan oo ah inuu nuur Cade Banaanka la Istaajiyo Iyadoo loo isticmaalayo Awood Qayaxan ee Loo Yaqaano Viitowga.

Odayga ayaa maanta Shir Jaraa'id U qabtey Warbaahinta Gudaha ayuu ku sheegey inay dhacdey Xukumadii uu hogaaminayay Nuur Cade ka dib sida uu sheegey inay ku guul daraysatey Inay adkeyso Guulihii ay horey u ahaysatey Dawlada, sidoo kale waxaa uu sheegey oday cabdulahi inaysan xukumaduba aysan waxa ku soo kordhinin ka hor markii la soo magacaabey bishii November ee sandkii 2007.

Sidoo kale Nuur Cade Nuur cadde ayaa been iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeeymaha kasoo yeeray Oadey Cabdullahi ee sheegaya in xukumadiisu ay isku darsatay karti daro, musuqmaasuq, maamul xumo iyo qiyaamo qaran ayna waxba qaban weysay xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay, wuxuuna xusay in xukumadu ay wax badan qabatay, shacabka Somaliyeedna uu markhaati ka yahay , isagoo ku eedeeyey madaxweyaha inuu inta ka hartay waajibaadkiisa ka gudan waayey ka dib markii uu madaxweynuhu uu ku amray qaar ka mid ah golaha wasiirada iney is casilaan , kuwii uu ku bedelayna uu diiday inuu aqbalo.

Waxa Marag Ma doonta ah In Nuur Cade iyo Koox uu isaga Hogaaminayay ay hormuud u ahayeen heshiiskii magalada Jabuuti ku dhex maray Dawlada iyo iyo Isbahaysiga garabka Jabuuti, inta badan dadka falanqeeye siyaasada soomaaliyana ay islahayeen waxaa soo if baxaysa ifafaalo nabadeed oo ka dhacda soomaaliya, laakin wuxuu qarracan iyo filanwaa ku noqday Cabdillahi Yusuf iyo maamulka Puntland, waxaana markii heshiiska lagu dhawaaqay mar qudha cirka isku shareeray qaylo dhaan aan loo meel deyin oo afka la furtay, isla-markiiba waxa looma dhama ku dhawaaqay Cabdillahi Yuusuf, waxaa ka daba hadlay Cadde Muuse oo wakiil ka ah reer Puntland, intaas laguma hadhin waxaa ka daba qaylisay Caasha Cabdalla oo iyadu muddo ku daaqaysay ama jilaysay in ay waddaniyad tahay, balse haatan ku biyo shubatay, Fiqi tolkii kama janna tago, Cirro oo Cabdillahi Yuusuf adeer u yahay ayaa isaguna doodda VOA hooy ka dhigtay.

Hadana Nuur Cade oo sidoo kale waxaa u sheegey "Madaxweynaha wuu u magacaabi karaa oo kaliya, hase ahaatee xil igama qaadi karo, awoodna uma laha isaga arintaas, baarlamanka ayaana awood u leh inuu xilka iga qaado, axdiga ku meel gaarka ah ayaana taas cadeynaya qodobka uu ku cuskaday arintaas waa beentiis qodob arintan wax ka quseeyaana maaha, wuxuuna ku tuntay dastuurka Qaranka, hase ahaatee aniga taas wax iga quseeyaa ma leh, baarlamanka ayaana talaabo ka qaadi doona, kaliya aniga waxaan cadeynayaa inuusan isaga xil iga qaadi karin" ayuu Nuur cadde oo intaa ku daray in dhowaan xukuumada uu soo dhisay uu hor geyn doona baarlamanka si loo ansixiyo.

Kartida ay u leeyihiin nuur cadde iyo kooxdiisu in ay Odaygan u isticmaalaan wax walba oo awoododa ah, laakin waa haddii warka Nuur Cadde la maqlo iyo in baarlamaankaan lagu dari doono ka Isbahaysiga, sidaasna lagu xaqiijinayo sii jiritaankiisa, iyo khidado kale, dooddaas wuxuu Nuur Cadde ku kasbaday ayaa la sheegayaa taageerid 156- Xildhibaan iyo Guddoomiyahooda Aden Madoobe, arrintaasi waxay meel cidhiidh ah galisay Oday Cabdillahi.

Dadka intiisa badani waxay leeyihin nuur cade iyo kooxdiisa waxay isku mashquuliyanayaan sidii ay u loodin lahaayeen ama xabadka dhulka ugu dhigi lahaayeen Oday Cabdillahi, waxay hore u soo xidh-xidheen xadhko badan, waxay beesha caalamka ka soo dhaadhiciyeen in Odaygani yahay dagaal ooge duqoobay oo howl gab ka ah maskaxda iyo jidhkaba, sidaas daraadeed aanu qaban karin wax shaqo ah, waxay tusaale u soo qaateen hadallada Odaygu uu Tuulo Buuryaqab kala yimi ee aan isku toosnayn, dhaqankiisa aan raad ku lahayn qaranimo balse ku qotoma qabyaaladda, waxayna beesha Caalamka ka codsadeen in iyaga lagu gargaaro dib-u-heshiisiin buuxda, iyo xasilinta dalka.

Hadaba iyadoo arimahaas oo dhan ay jiraan ayaa odey cabdulaahi uusan isagu naftiisa moogeen waxa loo maleegayo sidaas daradeed uuba miinka Cuskadey oo howshana uusan xalay oo dhan uusan u seexanin sidii uu ugu dhamayn lahaa Nuur cade iyo Kooxda uu hormuudka u yahay.

Si kastaba ha ahaatee qodobka uu odayga uu cuskadey nuur cade ayaa ah qodobka 11 aad ee axdiga ku meel gaark ah oo dhigayo in xukuumada ay hortagto baarlamaanka weydiisatana codka kalsoonida hal sano ka dib marka ay qaban weyso waxyaabo ay ka mid yihiin diyaarinta dastuurka federaalka, haddi la siiyo codna ay sii shaqeyso haddii kalena ay meesha ka baxdo, hase ahaatee xiligii xukuumada la ansixiyey waa 11-ka Janaayo ee sanada socda nidaamkaas ayaana xilka ku weyn karaa mana jirto meel madaxweynuhu uu ka soo galayo arintaas xilkana u uga qaadi karo isaga" ayuu yiri RW Nuur cadde oo dhinaca kale ku eedeeyey madaxweynaha inuu arimahan sharciga ka baxsan ee uu ku kacay uu ula jeedo oo kaliya inuu ku carqaladeeyo dib u heshiisiinta ka socota Somalia oo hadda meel aad u wanaagsan mareysa.

Sida qaalibka ah waxaa la ogyahay inaysan lagu fududaan karin marka xukumad la ridayo oo aysan sheekadu iska noqonin afka oo laga hadlo, hadaba riyada odey cabdullahi uu xalay ku qarway ma u rumoobi doontaa, dad badnina waxaay isha ku hayaan qofka uu osoo magacaabi doono maadama uu qabsadey odeygu mud dhan 3 cisho , laakin riyada Odey Cabdulahi ma aqbali doonaa Nuur Cade in Xukumadiisa la radio, walow dad badnina ay cabsi la soo daristey oo lagaba yaabo inayba laba xukumadood meesha ka dilaacdo, la arki doonee waxii ka soo baxaa Hirdinka iyo loolanka Labada Odey ee Cabdulahi Iyo Nuur Cade.

Mohamed Ismail

mismacil@live.co.za

Faafin: Somalitalk.com | Dec 16, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS