SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Siyaasadda Cakiran ee Soomaaliya & Aragtida kala duwan ee Dunida Caalamka

Jahawareerka Siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan ayaa wuxuu u gudbay heer Caalami ah Dunida oo dhani ay khayla dhaan afka la furatay kaddib markii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen uu khilaaf ku dhexmaray Maamul hoosaadkooda ee Dib u Dhisidda Golaha Wasiiradda ee DFKMG ee Soomaaliya, taasina ay keentay inay isku maan dhaafaan arintani ayaa waxay abuurtay iska hor imaad aad u weyn oo ka dhex dhasha DFKMG ahayd iyo Dhammaan Xubnihii Baarlamaanka iyo Mucaaradkii ka soo horjeeday Dowladda oo ay abuurantay jawi Colaadeed iyo Siyaasadeed oo hore leh taasoo kaliftay inay Xaaladan Siyaasadeed ee Murugsani ay u gudubto heer ay Dunida Caalamka farageliyaan.

Murankani ayaa wuxuu Cirka isku sii shareeray kaddib markii ay Baarlamaanku go'aan ku gaareen inay ansixiyaan Kalsoonidii R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo Golihiisii Wasiiradda ,hase ahaatee waxay u cunami weyday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isaguna soo Magacowday R/Wasaare Cusub oo taasina ay noqotay in Madaxweyne Cabdullaahi uu ku mutay Ciqaab fara badan iyo Dacwooyin Lidi ku ah oo uga yimi Dowlado ka mid ah Ururada Qaramada Midoobay , IGAD, Maraykanka iyo kuwa kale uuna ka dhega adeegay isla markaana uu Magacowday Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) ,taasina ay noqon karto inay DFKMG ahi kala jabtay oo u kala jabtay Madaxweyne iyo R/Wasaare Lidi isku ah iskana hor yimi.

Siyaasiyiinta Caalamka ayaa Khilaafkani jawaab adag ka muujiyey kaddib markii ay Cunaqabatayn ku soo rogeen Madaxweynaha iyo Qoyskiisa arrinatni ayaa waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahay mid lagu doonayo in lagu soo afjaro Dagaaladan daba dheeraaday ee ka jira Dalka Soomaaliya oo maallin waliba uu Qof awood uusan lahayn u Sheegto Maadaxda iyo Howlwadeenada la Shaqeynayo taasina ay ku burburto Dowlad waliba oo loo soo dhiso Shacabka Soomaaliyeed ee sugi la' nabadda , Tallaabooyinkani waxay noqon doonaan kuwa raja geliya Hannaanka Geedi Socodka Nabadda ee ka socda Dalka Jabuuti oo is aragiisii hore uu ku dhammaaday Guul wax ku Ool ah inta dhimana la filayo in lagu soo dhammeeyo Natiijo Wanaagsan .

Haddaba , Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed maxaa la gudboon? Dowladan oo ay u hartay in ka yar Hal Sano waa inuu dib u fikiraa una Hoggaansamaa Hannaanka iyo Geedi Socodka Nabadda taasina waxay u noqon kartaa Tanaasul uu ku badbaadin karo Dalkiisa iyo Dadkiisa isaguna waxay u noqonaysaa Sharaf aad u weyn ,isla markaana uu Dib uga noqdo Tallaabooyinkii adkaa ee uu ku Dhaqaaqay ee Carada ka Muujiyey Dhammaan Dunida Caalamka iyo Baarlamaanka DFKMG ah ee Soomaaliya haddii uu arimahani uu fulliyana waxaa soo noqonaya Kalsoonidii ay u hayeen Caalamka iyo Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya ,Haddii kale waxaa imaan kara in ay Siyaasadda Soomaaliya isku bedesho Gacan ka hadal iyo Dagaal aad u fool Xun.

Hay'adda Qaramada Midoobay Xoghayeheeda ugu sareeya ee Ban ki-Moon ayaa wuxuu ku dadaalayey bilihii la soo dhaafay in uu u helo Soomaaliya u helo Ciidamo Shisheeye oo hor leh in Soomaaliya la geeyo laakiin arrintaasi wax raja ah lagama qabo in la helo Ciidamo iyo Saad kaddib markii Waddamadii uu weydiistay oo tiradooda kor u dhaafay 50 Dowladood ay ka muujiyeen Diidmo Qayaxan , sidoo kale Waddamo kale ayaa arrintan ku Mashquulsan hase ahaatee way adag tahay in la helo Ciidamo Shisheeye oo ka Howl gala Dalka Soomaaliya waxaa kaloo ay Dadku is Weydiinayaan goor may ka baxayaan Ciidamada Maxaysatada ee Itoobiya ? Ciidamadan Itoobiya ayaa waxay ka wadaan Dalka Gudihiisa arrimo fara badan oo aan ahayn oo keliya Xasuuqa ee waxay kaloo ka Wadaan Basaasnimo iyo Ururin Xog Siyaasadeed iyo Diineed oo Mustaqbalka Dhibaato weyn ku ah Shacabka Soomaaliyeed hase ahaatee waxaa haboon inay Shacabka Soomaaliyeed ay Dib isugu noqdaan Dhwxdoodana ay Heshiiyaan si Deg deg ah si loo badbaadiyo Dalka.

Kaddib markii uu khilaafku ka dhex abuurmay DFKMG ahi iyo kala jabka Baarlamaanka ee labada dhinac ayaa wuxuu keenayaa in Ciidamada Itoobiya ay helaan fursad aad u weyn oo ah inay Dalka sii joogaan hase ahaatee Afahayeen u hadlayey Qaramada Midoobay ayaa wuxuu shaaciyey in ay Hayadda Qaramada Midoobay ay ku Tilmaantay Joogitaanka Ciidamadan Itoobiya Xadgudub iyo Sharci darro ay ku soo gashay Dalka Soomaaliya Qaramada Midoobayna aysan Ogolayn inay sii joogaan Dalka Soomaaliya waxaa sii badanaaya Xasuuqa, Dilka ,Dhaca iyo Boobka ay u geysanayaan Dadka Raydka ah ee Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho iyo Dalka intiisa kale, arrimahani oo dhami ayaa waxaa loo hayaa caddaymo iyo Sawiro ay soo Ururiyeen Hay'adaha u Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Dunida iyo kuwa Soomaaliya ka Howl gala .

Haddaba Siyaasaddan Cakin ee Soomaaliya ayaa waxaa ku kala Aragti duwan Dhammaan Dunida Caalamka ,sida ay ugu kala aragti duwan yihiin kooxaha iska soo horjeeda ee Dalka Soomaaliya in kastoo ay inta badani la Aragti yihiin Rug Caddaaga Siyaasiga ah ee R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen oo isagu ah Shaqsi Soomaaliyeed oo ay dhab ka tahay Dib u Heshiisiinta Dalka Soomaaliya iyo Xal u helidda Xaaladan Murugsan ee ka taagan Dalka Soomaaliya ,R/Wasaare Nuur ayaa wuxuu dhowaan soo Afjaray is aragii ugu horeeyey ee uu la kulmay Isbahaysiga Dib u Heshiisiinta Dalka Soomaaliya Guul aad u weyna wuu ka soo hooyey kaddib markii Guddoomiyaha Isbahaysiga Sh.Shariif uu ka degay Magaalada Muqdisho ay taasi noqotay Calaamad lagu farxay oo dhab ah in lagu guulaystay Dib u Heshiisiintii ka socotay Dalka Jabuuti lana filayo in inta dhiman la in la dhameeyo.

Dhinaca kale kooxaha kale ee ka soo horjeeda DFKMG ahi ee uu Hoggaaminayo R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen waxaa haboon inay ka soo qayb galaan Shirka Jabuuti sida uu ugu Marti qaaday inay u qaataan , haddii kale wax guul ahi ma gaarayaan Sababtoo ah Geedi Socodka Nabadda ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku socdaa si Xowli ah Cidii ka hor imaadana waxay la kulmayaan Caqabad aad u weyn waxayna Dulminaayaan Shacbkooda oo maallin walba lagu hor gumaadayaa , haddaba si ay u badbaadiyaan Ummadda Soomaaliyeed oo Gacanta ugu jirto Gumeysi waa inay qaataan Heshiiskan lagu Midaynayo Ummadda Soomaaliyeed hal meelna looga soo jeesanayo Gumeystaha iyo kuwa raacay.

Gabagabadii iyo maqaalkani kor ku xusan Siyaasadda Cakiran ee Soomaaliya iyo Aragtida kala duwan ee dunida Caalamka ayaa waxay tahay mid aan qoraal ku soo koobi karayn hase ahaatee fikradaha kala duwani ee Caalamku ay yihiin sida mowjadaha Badda ay maallin waliba ay is bedbedelaan ayna ku xiran tahay Hogaamiyeyaasha Siyaasadeed ee uu Dal waliba uu leeyahay iyo sida uu u danaynayo Dalka Soomaaliya ,hase ahaatee Xaaladda Soomaaliya ayaa waxay maanta taagan tahay mid aan u Cakiran oo u baahan in ay Shacbka Soomaaliyeed kala doortaan Dowlad iyo Dowlad la'aan , Baarlamaankuna uu ku dadaalayo inuu Badbaadiyo Dowladii iyo Shacbkii oo dhan taasina ay tahay mid Xaq ah.


Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 19, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS