SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

Cadaawadda Caalamka

            Dadka dunida joogow maxaad nagu dileysaan?
            Ma diinteenna Islaam baad nagu dileysaan?
            Ma dalkeenna barwaaqaad nagu dileysaan?
            Ma deegaanka Istaraatiiji baad nagu dileysaan?
            Ma dadkeenna firfircoon baad nagu dileysaan?
            Waa dood furane dunidu maxay nagu dileysaan? 

Dadka ka sokow, libaax ilaa bisad, gorgor ilaa tuke waxay isku raacsan yihiin in soo gaarto loo cuno kalluunka oo qolo cafisa ama ka caagan ma jirto. Kalluunku oo ah noole tabar yar oo aan lahayn xeelad difaac iyo iskaashi toona waa hilib noolaha kale nafaqo ka helo. Dhibaatada kalluunka haysata waxaa la mid ah tan haysata Somaalida maanta. Waxaa la fahmi-waayey sababta caalamku uga aamusan yahay guud ahaanba mushkiladda ka aloosan Somaaliya, gaar ahaan xasuuqa Koofurta ka socda iyo burcad badeedda ka qowleysata badaha ku meersan Somaaliya. Waxaa muuqata inuu jiro qorshe qarsoodi ah oo dulucdiisu tahay Somaaliya waa Muslim madow, waa looma-ooyaan takooran ee halayska cuno oo hilibkeeda hala kala dafo sida kalluunka.  

Xeebaha Somaaliya waxaa si rigli ah u jooga maraakiib ciidan oo ay leeyihiin waddamada: Mareykan, Ruush, Faransiis, Holland, Kanada, Isbeyn, Hindiya iyo kuwo kale. Haddana iyadoo baxaarida maraakiibta saaran ay arkayaan  ayaa hortooda waxaa ka dhacaya waxyaabo naxdin leh oo ay ka mid yihiin: tahriibeyaasha badda-cas lagu daadiyo, sunta lagu aaso badaha Somaaliya, kalluunka sida sharcidarrada ah loo jillaabto, maraakiibta la afduubo iyo kuwo kaloo kasii daran ooy ka mid tahay jallaafo iyo shirqool joogto ah oo kooxaha Somaalida laysaga horkeeno. Sababta caalamku uga aamusan yahay arrimahaas ee wax looga qaban waayey mushkiladaha murugsan ee Somaaliya ka oogan waxay u muuqataa caalamku inuu go’aansadey dhibaatada Somaaliya in cirka lagu sii shareero oo xaaladda la gaarsiiyo in Somaaliya laga ciribtiro: dhirta, xoolaha, kalluunka iyo dadkaba dabadeedna la go’aamiyo Somaaliya in laga tirtiro maabka adduunka oo loo aqoonsado dhul aan cidina lahayn “no man’s land” ugu dambeystana layska qeybsado. Shalay shan waaxood ayaa loo kala qoqobay, maantana waxaa la qorsheeyey in la tirtiro. 

Sirta uurka ku qarsan marmar bey afka kasoo fakataa. Shirqoollada qorsheysan ee Somaaliya loo maleegay, beryahaan waxbaa kasoo ifbaxaya. Guddi uu madax ka yahay Dr Tekede Alemu oo Meles Zenawi u xilsaaray arrimaha Somaaliya, waxay ku taliyeen marka hore Somaaliya in loo qeybiyo Koofur & Woqooyi  kadibna Koofur loo sii qeybiyo  shan maxmiyadood oo kala ah: Puntland, Midland, Banadirland, Bayland & Jubbaland. Madaxweynihii horee Kenya Moi isagoo Washington jooga 19/09/2003 wuxuu yiri “Somaaliya oo qaran awood leh noqota waxay halis ku tahay waddamada deriska la ah” Qareen Donald Kipkorir oo u dhuun-daloola danaha Kenya ka leedahay Somaaliya dhowr jeer wargeyska “Daily Nation” ee kasoo baxa Nairobi wuxuu ku qoray riyada madaxda Kenya, wuxuuna ku taliyey  Somaaliya in laba loo qeybiyo oo la kala raaciyo Kenya & Itoobiya. Sayid Maxamed wuxuu yiri “Yamyam iyo Qadaad-weyn miyaa maanta i daandansadey oo loo maaro-waayey” Amxaar hamiyey iyo addoon riyooday oo Ameerikaan garab siiyey ibtilada ay nala maagan yihiin, Alle ayaa naga kaafin “Xasbunallaah wa-nicma-wakiil”  Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 
Golaha Ammaanka QM  wuxuu soo saaray go’aanka tirsigiisu yahay 1725 ee 06/12/2006, qodobka 4aad waxaa lagu qeexay dowladaha xuduudda la leh Somaaliya ciidamo ka socda inaan la geyn Somaaliya “States that border Somalia would not deploy troops to Somalia” Si loo fuliyo go’aankaas Kofi Anan Xoghayihii Guud ee hore wuxuu yiri waa lagama maarmaan dowladaha deriska la ah inay debedda ka joogaan arrintan “It is essential that neighbouring governments stay out of this” QM waa laba wejile la mid ah seef laba afle ah, sababtoo ah isla go’aanka 1725 qodobka 3aad waxaa lagu qeexay IGAD inay hubeyso Kooxda Mbagathi oo waxaa lagu xusay erayadaan “Decides to authorize IGAD and Member States of the African Union to establish a protection and training mission in Somalia” 

Ninkii xoog leh ayaa xaajo u toostaa waa nidaam maanta dunida ka hirgalay. Kibirku wuxuu keenaa xooggu inuu ka sarreeyo xeerarka lagu dhaqmo. Mr Salim Lone oo ahaan jirey afhayeenka ergada QM ee Ciraaq wuxuu hoosta ka xariiqay Maraykanka iyo Xabashidu inay si cad u jebiyeen Axdiga QM “US & Ethiopia violates clearly the UN Charter” 20/11/1960 ayaa calanka Jamhuuriyadda Somaaliya laga taagey xarunta QM oo la diiwaangeliyey inay xubin rasmi ah ka tahay QM. 46 sano kadib ayaa QM ogolaatay Xabashidu inay gumeysato Somaaliya oo sharciyan ka mid ah waddamada loo aqoonsan yahay qaran xor ah.

Markale Golaha Ammaanka QM  wuxuu soo saaray go’aanka tirsigiisu yahay 1772 ee 20/08/2007. Maraykanka oo agaasima arrimaha QM ayaa qalqaaliyey go’aankan oo lagu xalaaleeyey faragelinta iyo xasuuqii Xabashidu ka wadey Somaaliya. Wargeyska “The Washington Post” 28/08/07 wuxuu qoray QM waxay sharciyeysay Xabashida oo Mareykan taageerayo inay qabsato Somaalia “UN legitimizes US-backed Ethiopian occupation of Somalia”  Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 

Madow iyo Caddaan adduunku Somaaliya waa takooray waxaa muuqata in lagu heshiiyey shacabka Somaaliyeed in si naxariisdaran loo ciqaabo. Hay’adda HRW waxay soo bandhigtay: Mareykanka, Kenya & Xabashidu inay Geeska Afrika ka fureen xabsi si gaar ah loogu ciqaabo Somaalida kasoo la mid ah kan Muslimiinta lagu ciqaabo ee ku yaal Jasiirada Kuuba. Hay’adda HRW warbixinteeda waxay kusoo afjartay in ka badan 200 saraakisha sirdoonka FIB & CIA ayaa deggan hoteelka Sheraton Adis Ababa oo baaris iyo wax weydiin ku haya maxaabiis laga soo qabqabtay Somaaliya, kuwaasoo aan lahayn qareen difaaca waxay ku jiraan xabsiyada Xabashida. “Human Rights Watch documented how USA, Kenya and Ethiopia had turned the region into Africa’s own version of Guantanamo Bay, replete with kidnappings, extraordinary renditions, secret prisons and large numbers of disappeared -- More than 200 FBI and CIA agents have set up camp in the Sheraton Hotel in Addis Ababa and have been interrogating of detainees picked up in Somalia and held without charge and without attorneys in a secret prisons in Ethiopia” Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 

Haddii laysaga dhexbaxo Somaaliya iyo Xabashida, hubaal Somaaliya ayaa adag balse markasta Xabashida waxaa u soo hiilliya Kirishtaanka oo waxaa u soo gurmadey: qarnigii 16aad ciidan Bortaqiis ah oo “Christofa da Gama” watey, 1978 ciidankii WARSO, maantana Mareykan. Sida QM u xalaaleysay faragelintii milateri, Midowga Afrika isna si cad ayuu u taageeray duullaankii Xabashidu ku qabsatay Somaaliya oo afhayeenka AU wuxuu yiri Xabashidu xaq bey u leedahay inay difaacdo qarankeeda wuxuuna bogaadiyey oo Xabashida ku gacansiiyey gulufkii milateri. “A spokesman for the African Union said Ethiopia has every right to defend its sovereignty and supported Ethiopian military actions in Somalia”   Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!  

Mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo Koofurta Somaaliya la burburiyey, ugu dambeystii Mareykanku wuxuu qirtay in ciidamadiisu ka qeyb qaateen dagaalka sharcidarrada ah ee Somaaliya lagu qabsaday iyo weliba xasuuqii Xamar ka dhacay oo ah dembi dagaal. “Washington admits role in illegal war: US troops took part in invasion of Somalia. Massacre in Mogadishu—war crime made in the USA” Wargeyska Ameerikan Madow leeyihiin tirsigii 14/08/07 wuxuu qoray Mareykanku wuxuu doorbidayaa dhibbaneyasha Somaalidu inay dhintaan iyagoo aamusan “The Journal of African American, Washington prefers the victim die in silence” Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!  

Koofur Afrika waayihii midabtakoorka, godadka laga qodo dheemmanka hadduu shaqaale madow ku dumo, si loo samatabixiyo looma gurman jirin ee godka dushisa ayaa qabri ahaan loo calaameyn jirey. Sidaas oo kale ayaa Somaaliya ka dhacday. Xasuuqii Xabashidu geysatey waxaa ugu xanuun badnaa kii dhacay 8-9/11/07 “160 qof dhimasho, 250 qof dhaawac iyo kumanyaal barakacay” Halkii adduunweynaha laga filayey gurmad aadaminimo, 10/11/07 Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon oo malaha ku wiirsaday darxumada Somaalida wuxuu yiri “gargaar iyo ciidan nabad ilaalin iska daaye xataa looma diri karo guddi soo qiimeeya xaaladda bini-aadminimo ee Somaaliya ka taagan” Hay’adda “Human Right Watch” agaasimaha laanta Afrika Mr Peter Takirambude ayaa u jawaabay Ban Ki-Moon wuxuuna yiri “masiibada Somaaliya ku habsatey hadday ka dhici lahayd Lubnaan waa loo gurman lahaa, waxase muuqata nafta dadka madow in aysan qiime lahayn oo aan loo naxeyn Somaaliya” Mr. Ken Roth oo ah agaasimaha guud ee hay’adda “Human Rights Watch” warbixin dheer oo Somaaliya laga diyaariyey 14/08/07 wuxuu ku qeexay, shacabka Xamar oo ku hoos jira qaraxa madaafiicda  “Somalia:  civilians under shell-shocked and siege in Mogadishu”  Barlamaanka Yurub EU shirkii Lisbon, 16/11/07 waxay soo jeediyeen baaritaan gundheer in lagu sameeyo xadgudubyadii Somaaliya ka dhacay. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 

Ergeyga QM Axmedu Weled Cabdalle “Muritaniya” oo ah Muslim madow wuxuu aad uga damqaday darxumada Somaaliya ku habsatey, dabadeed dhowr jeer wuxuu ku baaqay shaqsiyaadka dembiyada halista ah ka galay Somaaliya in la ciqaabo oo maxkamad lasoo taago. Murti baa leh “dibiga Doollo dhegihiisu waxsan bey maqlaan, laakiin indhahiisu ma arkaan.” Sida dibiga Doollo waan maqalnay laakiin ficil la taaban karo weli lama hayo. Aqalka Cad ee maanta adduunka looga taliyo xallinta mushkiladda Somaaliya wuxuu u xilsaaray Jendayi Frazer  oo ah habar “Rastafarian”  isla markaana aaminsan Shaydaan Xayle Sallaase inuu yahay nabi-madow. Jendayi oo malaha ku jirta riyo maalmeed iyo rejo meehanaw, had iyo jeer waxay ku andacootaa 2009 Somaaliya in laga qaban doono doorasho xor ah. Yaabka yaabkiisu waa yaxaas carrab yeeshay, tuulo kasta dagaal baa ka socda oo dab baa ka holcaya ee xageebaa doorashada laga qabanayaa? Ayaandarro Somaaliya waxay gacanta u gashay Ameerikaan ku waashay Muslim la dirir iyo Xabashi injirley aad u neceb sinjiga Somaalida. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 

Gaalo kibirtey ayaa maanta adduunka ka amar-ku-taagleysa. Caddaalad iyo xaqsoor qarniyaal ka hor ayaa la tirtiray, xataa damqasho aadaminimo adduunka kama jirto, gaar ahaan Muslimiintu waa xaq-laaweyaal xoolaha ka qiime liita. 1982 Yuhuud reer Galbeedku garab taagan yahay waxay si naxariisdaran u xasuuqdey qaxootigii Falastiin ee ku jirey xeryaha Lubnaan “Sabra & Shatila” wax ka qabasho iska-daaye xataa lama cambaareyn gumaadkii dhacay. Hoggaamiyaasha adduunku 03/06/1992 waxay ku shireen “Rio de Jinero” oo ah caasimadda Brazil, ajendaha laga hadlay ee muhiimadda gaarka ah la siiyey wuxuu ahaa badbaadinta deegaanka iyo duurjoogta. Maalmihii shirku socdey Koofurta Somaaliya, dhulkii ku caanbaxay xagasha geerida “The triangle of death” Kismaayo-Baardheere-Baydhabo, maalin walba cudur, gaajo iyo xabbad waxaa ugu dhiman jirey 500 oo qof. Murugadaas xanuunka leh ee Somaaliya ka taagneyd madashii shirka  “Rio de Jinero” xataa laguma soo hadal qaadin. 1994 xasuuqii ka dhacay Rwanda aad baa loo buunbuuniyey, shaqsiyaadkii fuliyeyna waxaa la horgeeyey maxkamadda dembiyada dagaalka oo lagu ciqaabay. Dalka Burma oo haysta quraafaadka Buudha shaqaaqooyin ka dhacay waxaa ku dhintay 10 qof, dhowr boqolna waa la xiray, mashaqadii Burma ka aloosantay muhiimad gaar ah ayaa la siiyey oo Golaha Ammaanka QM waxay ka doodeen in cunaqabateyn lagu soo rogo dowladda Burma, kadibna xallinta xiisaddaas waxaa loo xilsaaray Ibraahim Gambari oo ka mid ah ku-xigeennada Xogahayaha Guud. Mareykanka iyo Yurubta Galbeed oo markii horeba gacantooda ku abuuray dhibaatooyinka caalamka ka aloosan waxay ku dadaaleen ilaa xad inay xalliyaan qaar ka mid ah. Balse masiibada Falastiin iyo mushkiladda Somaaliya iyo qeybsanaanta Kaashmeer waa looga sii daray, waxayna eersadeen oo loo aaneeyey diintooda.  Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego!  

Doorashadii dalka Kenya ee la musuqay qarax weyn baa ka dhashay, malax muddo huursanayd ayaa mar qura sida Folkaanaha u qaraxday. Dagaalladii daafaha Kenya ka dhacay hal maalin waxaa ku nafwaayey boqol kun oo rayad ah, tiro lagu qiyaasay hal malyanna waa barakaceen. Adduunweynuhu si hagar la’aan ah ayuu ugu soo gurmadey, reer Galbeed & Mareykan waxay ku hanjabeen in laga ciqaabi doono shaqsiyaadkii ka dambeeyey xasaradda Kenya ka aloosan. Xoghayaha arrimaha debedda  “Condolezza Rice  & Kofi Anan” Xoghayihii horee QM ayaa degdeg Nairobi ku tegey. Dhexdhexaadin dhowr bilood Kofi Anan  wadey waxaa la taabbageliyey dib-u-heshiisiin ku salaysan awood qeybsi.  Taas beddelkeeda Xabashida waxaa loogu hambalyeeyey xasuuqii  ay ka geysatey Somaaliya, sababtoo ah Somaalidu waa Muslim takooran oo haba-yaraatee aan wax qiime ah lahayn, waa looma-ooyaan aan xaq u lahayn inay nabadgelyo ku noolaato, iyadoo diinteeda haysata. Xarfaha QM oo u taagan Qaramada Midoobay, nuxur ahaan marka la fasiro waxay u taagan yihiin Qaa’imada Midoobay waana godka laga qaniino Muslimiinta lagana maleego shirqoollada lagu burburiyo waddamada dunida 3aad. Maanta adduunyadu waxay halis ugu jirtaa in QM burburto sidii “League of Nations” oo kale, dunidana dagaal 3aad ka qarxo, taasoo ka iimaaneysa daneysiga reer Galbeedka iyo kibirka Mareykanka. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 

Dumintii Gidaarka Baarlin oo astaan u ahayd dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee lagu burburiyey WARSO isla markaana lagu furfuray Midowgii Sofiyeetika, waxaa lumay dheellitirkii awoodaha aduunka. Ayaandarro waxaa is beddel ku dhacay nidaamkii iyo xeerarkii dunidu hore ugu dhaqmi jirtey sida Axdiga QM, awooddii adduunkuna waxay ku uruurtay Washington oo si kibir ku dheehan yahay ka amar-ku-taagleysay dacallada dunida. Mareykanka oo bixiya inta badan kharashka ku baxa QM, qaantaas wuxuu u isticmalay QM inay noqoto waax ka tirsan hay’adihiisa hawl fulinta. Eraybixinta ‘nidaamka dunida cusub’ “The new world order” ugu horreyn Somaaliya ayaa lagu tijaabiyey oo dabayaaqadii 1992 loo soo diray 30,000 oo ah baxaarida Mareykanka, dabadeed waxaa qarxay dagaalkii 1993 dhexmaray UNOSOM & SNA ee laga allifey filimka “Black hawd down” 

Jiidistii meydka Rangers kadib UNOSOM waxay u guurtay Baydhabo si loo sii ambaqaado wixii loogu waqlalay ‘nidaamka dunida Cusub’ halkaasoo markale MFCaydiid uga daba-tegey oo dalka eryey. Mareykanka oo lebbisan shaarka QM wuxuu hindisay qaab cusub o xiliyeysan oo si joogto ah Somaaliya loogu dhibaateeyo. QM xiriirkii tooska ahaa ee ay la lahayd Somaaliya waxaa loo wareejiyey Nairobi. Hay’adaha samafalka oo dhanna waxaa la hoos geeyey QM oo laga sii dhex-abuuray waax qaabilsan arrimaha nabadgelyada hay’adaha ka hawlgala Somaaliya, waxaana madax looga dhigay sarkaal Mareykanka ah oo ka qeybgalay dagaalkii dhexmarey UNOSOM & SNA. Xafiiska Nabadgelyada ee Mareykanku dejiyey Nairobi wuxuu ku tallaabsaday Somaalida diidan santaagga Mareykanka in cunaqabateyn lagu soo rogo, kuwa dhegaha nugulna sandareerto la siiyo. Hay’adaha Samafalka oo ka shidaal qaadanaya cadowtooyada Mareykanku ku canaqabateeyey Somaaliya, waxay abuureen NGOs waddani ah oo loo xilsaaray inay sawirro argagax leh kasoo qaadaan dadka tabaaleysan si deeq-bixiyaasha looga helo dhaqaale. Kaalmada caalamku ugu deeqo Somaaliya 90% waxaa ku raaxeysta saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ee deggan hoteellada Nairobi, shacabka Somaaliyana waxaa loo qoondeeyey 10% oo ah kharash lagu bixiyo seddax magac oo kala ah: joojinta gudniinka Fircooniga iyo wacyigelinta ka hortagga cudur Shaydaanka Gaaladu abuurtay jeermigiisa HIV/AIDS iyo tirokoobka barakaceyaasha gudaha “Stop FGM practice  & Aids awareness & Censes of internal displaced persons” Kaalmada kalee Somaalidu hesho waxay tahay galley-cagaartoy iyo mesego-shamuurey WFP keento xilliga dalagga beeruhu soo go’aan. Raashinka WFP dalka keento oo la mid ah qashin-qub “dumping” wuxuu sababay inay dalka ku baahaan cudurro aan hore loo aqoon iyo beeraleydii oo noqotay hawlgab ka niyad jabtay wax-soo-saarkii tacabka beeraha.  

Hay’adahaas oo aan ogoleyn inay marnaba dhaafaan hoteellada Nairobi ayaa Axmedu Weled Cabdalle oo ah wakiilka QM ku amray inay Xamar u guuraan, dabadeed si ay uga warwareegaan tegista Xamar, waxay ciyaareen shax cusub. Sida la tuhunsan yahay waxay maleegeen dilalka qorsheysan ee sida joogtada ah loogu fuliyo aqoon-yahanda Somaaliyeed ee ka shaqeeya hay’adaha samafalka gudaha. Saraakishaas ku naaxday lacagta lagu soo yaboohiyo magaca Somaalida dhibaateysan, si aysan uga go’in barwaaqadaasi waxay si dahsoon u daadihiyaan dagaallada sokeeye oo waxay si qarsoodi ah dagaal-oogeyaasha u siiyaan lacag lagu socodsiiyo dagaallada dalka ragaadiyey. Hay’adaha samafalka ee Nairobi deggan sida ay u musuqaan kaalmada caalamku Somaaliya siiyo iyo sida ay u farageliyaan siyaasadda murugsan ee Somaaliya waxaa lagu naaneysay: dowladda dhabta ah ee dahsoon iyo samafaleyaal hubeysan “de facto shadow government & Aid workers with guns” Col ku dhac oo tuugo ku ciidamisay! Waddamada deriska la ah Somaaliya sida: Xabashida, Kenya iyo Yugaandha waxay isu bahaysteen inay si toos ah uga faa’iideystaan shirqoollada cuuryaaminta Somaaliya ee hay’adaha samafalku dhaqan geliyeen, kol haddiiba ay ka helayaan hanti isla markaana qaranka Somaaliya la burburinayo. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 

Waxa loogu yeero beesha caalamka, runtii waa bushiga caalamka, waana barta laga falkiyo mushkiladaha caalamka hareeyey. Kooxaha ku loollamaya siyaasadda Somaaliya waxay la mid yihiin dibi laysku diray oo la hardansiiyey, maxaa yeelay waxaa laga hagaa oo majaraha looga hayo “Remote control” meel fog oo mugdi ah.  Xallinta mushkiladda Somaaliya waxay gacanta ugu jirtaa shisheeye arxamdaran oo aan marnaba ka naxayn darxumada la deristey Somaalida la dulmay. Arrimaha Somaaliya waxaa laga walaaqaa oo siyaasaddu ka saldhigi la’dahay: “Washington, Newyork, London, Rooma, Qaahira, Dooxa, Sanca, Jeddah, Kuweyt, Tehran, Adis Ababa, Nairobi, Kambala, Bujunbura, Casmara, Jabuuti, Buuraha Afqanistaan & Buuraha Lubnaan” Qolo kasta waxay Somaaliya ku leedahay kaadir fuliya danaha shisheeyaha. Dhowaan waxaan arkay koox shuuciyiin ah oo qorsheyneysa inay hub iyo hantiba ka doontaan madaxweynaha dalka Feniswela “Hugo Shaferis” Damaca kooxdan waxaa ragaadiyey oo dib u dhigay safarka Laatiin Ameerika oo aad u dheer. Reer ba’aw yaa ku leh? Dhunoo dhaygag wareernaye xagee dhaanka loo raray? Oraahdii ahayd Somaaliya Somaali baa leh waxaa lagu beddelay Somaaliya shisheeyaa leh. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 

Baqal baa caano yeeshay oo wan baraara dhalay! Weer baa ari raacay oon midna ka warjeefin! Waxaa la mid ah jahowareerka Somaaliya ka taagan. Mareykan iyo Yuhuud saaxiib ugu daacadsan ee ay ku leeyihiin waddamada Muslimka waa Amiirka Qatar Sh Hamad bin Khalifa Al-Thani. Saldhigga milateri ee ugu weyn dunida 3aad Mareykanku wuxuu ku leeyahay dalka Qatar, waxaana la rumeysan yahay maamulka dalka Qatar inuu gacanta ugu jiro sirdoonka Yuhuudda ee loo yaqaan “Mossad” oo taageero ka heshay CIA. Iyadoo xaaladda Qatar ay sidaas tahay, haddana Maxaakiimtu “qunyar-socod & seef-la-boodba” waxay kaalmo dhaqaale ka helaan Amiirka Qatar oo ay hareer fadhiyaan la-taliyena u yihiin “CIA & Mossad” Jeneraal John Abizaid  oo dhowr sano ahaa taliyaha ciidanka Mareykanka ee fadhigiisu yahay Bariga-dhexe iyo Afqanistaan oo kasoo kicitimay Dooxa, ayaa 04/12/06 Meles Zenawi kula kulamay Adis Ababa si loo dardargeliyo duullaankii huwantu kusoo qaaday Somaaliya.  

Soo saaristii shidaalka oo keentay dhaqaalaha Carabtu inuu gaamuro, waxay horseeday maalqabeen Carbeed inay abuuraan hay’ado samafal sida: Al-Xarameyn, Muslim Aid, Ibraahim Al-Ibraahim iwm. Hay’adahaasi waxay qaabilsanaayeen taakuleynta danyarta Muslimiinta ee daafaha dunida ku baahsan. Shilkii 11/09/2001 kadib Mareykanku wuxuu xayiraadku kusoo rogay samafalkii hay’adahaasi qaban jireen waxaana lagu suntay inay argagexisada kaalmeeyaan. Hay’adda Al-Xarameyn oo Somaaliya ku quudin jirtey agoon darxumeysan ayaa albaabada laysugu dhuftay. Tujaarta Muslimiimtu inay sadaqo siin kari-waayaan walaalahooda gaajeysan ayaa la gaarsiiyey. Gunnimada heerkaas gaartey ayaa Amiirka Qatar mujaahidiinta Muslimiinta taageeraa waa mucjiso maanka fayow diidan yahay oo la mid ah: adduun majahii loo rogee madaxu hooseeyo! Geel caloosha laga raray oo tuurta laga caynshay!
   
1995tii Koofurta Muqdisho waxaa ku diriray MFCaydiid iyo Cismaan Caato, nin kasta jufadiisa iyo saaxiibadi ayuu taageero ka helay. Jeneraal Caydiid wuxuu ciidankiisa taliye uga dhigay sarkaal la oran jirey Shariif Geesaweyne oo ay xigto ahaayeen Cismaan Caato. Alle ha u naxariistee Shariif Geesaweyne oo ahaa sarkaal nadiif ah wuxuu  ka cagajiidey inuu ka qeybgalo dagaal mindhicireedkii beesha ka dhex aloosnaa, waxase loo qaatay inuu hagranaayo MFCaydiid. Maadaama ay Cismaan Caato isku jufo ahaayeen, MFCaydiidna ay saaxiib ahaayeen waxaa lagu naaneysay taliyaha labada ciidan. Sidoo kale kooxaha Somaaliya waxay leeyihiin hal taliye ciidan. Maleeshiyada Kooxda Mbagathi ee ka garab dirirta ciidanka Xabashida iyo Mucaaradka kasoo horjeeda waxaa muuqata in hal meel “Washington” laga wada hago oo ay leeyihiin hal taliye guud, dabcan Kooxda Mbagathi  waxaa amarka loo soo mariyaa Adis Ababa, Kooxdana Mucaaradkana waxaa amarka loo soo mariyaa Dooxa. Jeneraal John Abizaid oo asal ahaan kasoo jeeda Masiixiyiinta Lubnaan si fiican buu u yaqaan afka-Carabiga, sida la sheegay markuu Dooxa joogo isagoo qamiis iyo cimaamad lebbisan Kooxda Mucaaradka wuxuu ku guubaabiyaa Aayadaha iyo Axadiista ku saabsan jihaadka, markuu Adis Ababa joogana isagoo dharka milateriga lebbisan Kooxda Mbagathi wuxuu ku booriyaa inay ciribtiraan argagexisada. Marka si dhugmo leh loogu fiirsado ruwaayadda Somaaliya ka socota, waxay u eg-tahay Jeneraal John Abizaid inuu yahay taliyaha labada ciidan. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 

Mareykanku markuu Ciraaq weeraray wuxuu yiri, hub casri ah ayaa lagu gumaadayaa mujaahidiinta, biiriqaateyaashana dollar ayaa afka uga buuxinayaa. Qorshahaasi waa meelmaray oo shacabka Ciraaq iyaga ayaa hubka laysugu dhiibay oo waxaa laysaga horkeenay Kurdi, Sunni iyo Shiico. Askartii Mareykankuna waxay noqdeen dhex-ku-bari si raaxo leh u tamashleeya. Shirqoolkii shacabka Ciraaq lagu kala furfuray mid ka sii qotadheer ayaa Somaaliya laga hirgeliyey. Gulufkii hore mujaahidiinta Somaaliya weerar aan kala joogsi ahayn ayey ku qaadeen Tigreega iyo Tuunjigooda, markii jab iyo hoog la gaarsiiyey waxaa lagu kallifey inay dhufeysyada ku uruuraan, kuna calaacalaan waan baxaynaa ee xabbadda hanalaka joojiyo.  

Guushaas taariikhiga ah ee mujaahidiintu gaareen kadib, gumeysteyaashu waxay ku guuleysteen inay kala furfuraan xoogaga wax iska-caabinta oo ay noqdaan dhowr iyo toban firqo. Ugu horreyn Maxaakiimta waxaa loo kala saaray qunyar-socod iyo seef-la-bood, dabadeed kooxda Ashabaab ayaa gees loo faquuqay oo “Washington” ku dartay liiska waxa loogu yeero argagexisada. Kooxda Ashabaab oo weligeed safka hore uga jirtey halganka dib-u-xoreynta Somaaliya waxaa dhiigga looga tallaalay jeermi halis ah oo la mid ah “virus” dhaliya “AIDS-ka” Shabaabul Mujaahid si sumcadda looga dilo oo shacabka looga horkeeno waxaa lagu barxay oo ku dhex milmay Shabaabul Mushabah. Maleeshiyada lagu soo tababaray Godey ee loo yaqaan “Copy Amxaaro” waxaa laga dhex abuuray qowleysato loogu waqlalay Shabaabul Mushabah, kuwaasoo gees-ka-gees daafaha dalka lagu firdhiyey. Waa wiilal madaxu u duuban yahay oo dadka masaajidda ku dhex dila, haweenka kufsada, baabuurta dhaca, mobeylada dafa. Wiilashaan oo si toos ah ula shaqeeya Nabadsugidda Xabashida, falka waxashnimo markey fuliyaan waxay ku andacoodaan Allaahu Akbar, waxayna sheegtaan inay ka tirsan yihiin mujaahidiinta Ashabaab, taasoo looga golleeyahay bulshadu inay Ashabaab u aqoonsato Mooryaan ka arxamdaran cadowga Xabashida. Mashruucaasi waa meelmaray oo wuxuu noqday mirodhal najaxay. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! 

Dherigii fara badiyaa waa fuud qaraar yahay. Sidaan kusoo qoray sadarada lasoo dhaafay, ugu yaraan 20 waddan ayaa Somaaliya ku leh kaadir fuliya awaamiirta loo soo tebiyo kooxaha ku dagaallamaya Somaaliya oo ah wakiillo dano  shisheeye. Xataa Yuhuudda waxay Somaaliya ku leedahay kaadir fuliya danaheeda. Ayaandaran Somaali oo kal iyo mooye dhex gashay waxay la mid noqotay hashii ninka gurani dheelmay ee labada dhinacba laga uleeyey. Madaafiicda Xabashida oo har iyo habeenba joogto ah iyo meyd-garaaca Maleeshiyada Mbagathi waxaa usii dheer gaboodfalka ay geystaan Shabaabul mushabaha loo yaqaan “sharwadeenka sheegta shabaabka”  Waxay marinhabaabiyeen hadafkii halganka isla markaana waxay magac-dileen haybaddii Shabaabul mujaahid. Shabaabul mushabah cimaamad leh oo halkudhegoodu yahay Allahu Akbar ayaa qof kastoo ay qoonsadaan ama Xabashida iyo xulufadeedu farta ugu fiiqaan si fudud u dila. Waxay hoobiye ka dhex tuuraan xaafadaha dadweynuhu ku badan yahay, dabadeed Xabashida iyo Yugaandheyska iyo Maleeshiyada Dhafoorqiiq ee saldhigeedu yahay madaxtooyada ayaa madaafiic kusoo hoggaamiya meeshii hoobiyaha laga soo riday. Guuxa dadweynuhu Shabaab laba kooxood ayuu u kala saaray, waxaana la yiri:
                  Alshabaabka runtah,
                  Raacay shiinka Qur’aanka,
                  Oon shakiba lagu beerin,
                  Oo shurufleyda Amxaariyo
                  Shisheeyaha la jihaada,
                  Shar Allow ka xijaab,
                  Raabiyow sharaf sii,
                  Oo jannadii shug ku sii.
                        *****
                  Koox kalaa shubahaa,
                  Iska sheegta shabaabka,
                  Sharwadeen ibliiska,
                  Cadaawaha la shaqeeya,
                  Hunguri sheedda ka tuuray,
                  Oo shacabkeenna gumaada,
                  Allow naar shug ku sii,
                  Shishiyo meel fogna gee. 

Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! Shabaabul mushabah hoobiyaha ay xaafadaha ku dhex ridaan wuxuu usoo jiidey in si weyn loo necbeysto oo ay soo uraan laguna naaneyso “sahan madfac iyo dhafoor jebiye” Sh Cali Maxamed Dhiblawe iyo Sh Yusuf Negeeye Sabriye iyo Axmed Cardoofe Ugaas Maxamed oo salaad casri kasoo baxay ayaa agagaarka daarta seddax dabaq “tre piano” lagu toogtay. Nin u dhuun-daloola kooxaha wax dila oo aan macariif ahayn ayaan weydiiyey sababtii loo diley Sh Yusuf Negeeye oo 91 jir ah. Wuxuu yiri, xaq bey ahayd in la dilo maxaa yeelay wuxuu la socdey Sh Cali-dheere oo ah garsoore u shaqeeya Kooxda Mbagathi, maadaama Sh Cali-dheere oo ridoobay uu la socdey gar bey ahayd in isna la dilo oo labada munaafaq lays raaciyo. Markale waxaan weydiiyey oo nimankii diley maxay helayaan? Wuxuu yiri waa mujaahidiin ahlu janno ah. Cajiib! Amxaar iyo adeege la shaqeeya mooyee, addoon rumeysan Alle iyo maalinta aakhiro hubaal ma dilin Sh Yusuf Negeeye oo 91 jir ah, haddiise dilkiisa janno lagu helayo qof naar gelayaba ma jiro xataa George Bush. Carroole Maxamed Kali oo ka gabyey kadeedkii ay shacabka u geysteen askartii Yusuf Keenadiid, wuxuu yiri: 

      “Raqda kii dhigay iyo kii la yiri reerka orod caymi,
      Iyo dhagar-qabaha haatan soo rucleyn iima kala roona”  

Xusuusin: Qoraalkani waa qeyb ka mid ah buugga TAANIGA TIGREEGA oo dhowaan soo bixi doona, insha-Allaah… 

C/qaadir  Aroma
Shirwac55@hotmail.com  
 

Afeef: Aragtida qoralkan waxaaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 22, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS