SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cabdullahi Yusuf  Waa tegay- ee maxaa xiga ?    

Abdirisaq Mohamoud Saleiman (Mingiste)

Xafiiska Manchester

Emailka abdi_saleiman@hotmail.com


Sida la sheegay Cabdullahi  Yusuf  wuxuu  iscasilayaa  todoobaadka,haddaba  Cabdullahi  waa tegayaa,balse waxaa jirta su,aalo  fara badan oo aan weli wax  jawaab ah loo haynin,waxaana ka mid ah:- 

Yaa bedelaya Cabdullahi Yusuf? 

Haddii la raacayo Dastuurka u yaala kooxda Imbagatti,waxaa bedelaya Cabdullahi Yusuf,Sheekh Aadan Madoobe oo ah ,Gudoomiyaha  Baarlamaanka ee kooxda Imbagatti,waxaana si cad u qeexaya Qodobka 45 ee hoos ku qoran.

QODOBKA 45 
BANNAYNTA XAFIISKA MADAXWEYNAHA

  1. haddii xafiska madaxweynuhu banaanaado sababo la xiriira; iscasilaad, geeri ama xilgudasho la’aan joogto ah darteed, gudoomiyaha golaha shacabka ayaa si dhaqsa ah ula wareegaya waajibaadka madaxweynaha, golaha shacabkuna wuxuu ku kulmayaa sodon (30) maalmood gudahoodsi ay u soo doortaan madaxweyne  cusub.

    Haddiise la raacayo habkii lagu soo heshiiyey Nairobi,waxaa laga sugayaa in ay 30 maalmood gudaood ay Beesha DAAROOD ku soo  xushaan cidii ay u doonayaan in ay u doortaan kursigaa uu Cabdullahi Yusuf baneeyey. Waxaadna  mar kasta xasuusnaataan in xilalka kooxda Imbagatti  lagu qaybsaday hab QABIIL,Qabiil kastaana uu kursigiisa iska leeyahay.

Xagee buu aadayaa Cabdullahi Yusuf:-

Iscasilaada ka dib Cabdullahi  Yusuf laba meelood ayuu mid uun aadi karaa:-

  1. Wuxuu aadi karaa Pundland amase Goboladii uu awelba ka yimid,waxaana dhici kartaa in uu ka bilaabo halkaa QASKII awelba  ka smayn jiray.Waana dhici kartaa in xilligan uu isu arko nin gaboobay oo iskaga NASTO halkaas.
  2. Waxaa dhici karta in uu aado wadanka Ingiriiska halkaas oo uu joogo dhakhtarkiisa gaar ah,waxaa kaloo jira wadamo la hadal hayo sida Yemen iyo Uganda.

Maxaa dhici kara Cabdullahi  Yusuf ka dib:- 

Aad iyo aad ayey u adag tahay in la faaleeyo waxa dhici kara ka dib Cabdullahi Yusuf,sababtoo ah waxaa jira dhowr kooxood oo runtii ay adag tahay in la sii saadaaliyo waxay ay yeelayaan waxaana ugu muhiimsan:- 

  1. Kooxda Imbagatti uu xilligan  ay hogaaminayaan Sheekh Adan Madoobe- oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka, Nuur-Cade oo isna ah Rasial-Wasaaraha kooxdaas,labaduba waxay wataan tiro badan oo kooxda ka tirsan.
  1. labada  Shariif oo iyana hogaaminaya  koox kale oo loo yaqaan “Kooxda Shirkii Jabuuti”,iyana waa tiro badan.
  1. Kooxda uu hogaamiyo Dahir Aweys ee loo yaqaan kooxda ASMARA oo ay dhici karto in ay si dhaqso ah dalka u soo gaadhaan, lehna taageerayaal badan oo gudaha dalka ku jira.
  1. Kooxda loo yaqaan Gudigga BEELAHA HAWIYE,oo aan la sadaalin karin cida ay taageeri doonaan amase waxa ay odhan doonaan xilligan hadda la joogo.
  1. Kooxda Raas Kaambooni-Kooxda EHLU SUNA WA JAMAACA oo iyana beryahan hadalkooda aynu maqalo.
  1. Dagaal Ogayaashii hore sida Cabdi Qaybdiid- Maxamed Dheere-Suudi Iwm,ma ogin waxa ay yeeli doonaan.
  1. Kooxda loo yaqaan AL-Shabaab,waa kooxda ugu ciidan iyo hub badan xilligan ,waana kooxda hadda ka talisa inta badan Soomaaliya. Kooxdani waxay ka duwan yihiin dhamaanba kooxaha kale, “MABDA’A” amase waxa ay rumaysan yihiin.

Intaas oo kooxood waa kooxaha uu dhex mari doono hirdan adag oo aan la saadaalin karin waxa ay ku dambeyn doonto Soomaaliya  mustaqbalka dhow amase sanadaha soo socda,cida keliya ee mindida daabkeeda haysaana waa “BEELAHA HAWIYE”. 

Hadal iyo dhamaan Cabdullahi Yusuf  teg,ee yaa ku xiga  oo aanu magacooda BARANAA ? 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 24, 2008

yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilaya Sabtida
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqi doona is casilaadiisa, sida laga soo xigtey afhayeenkiisa... Akhri Warka oo dhan... Dec 24

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS