SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XUKUUMADDA DHAAR-UJOOG.

"waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay".

"waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay"  Ma'aha eray dhayal loo oran karo, ma'aha eray beec  iyo gorgortan gala, mana'aha eray loollan siyaasadeed gala, hebel ku xumee ina hebelna ku sharaf eray gala ma'a,  waa eray weyn, Allaah agtiisa ku weyn, sharciga Islaamka ku weyn, qofkasta oo muslim ah qalbigiisana ku weyn. Waa kalmad markaad maqasho mudan khushuuc iyo qaddarin, waa kalmad u baahan qofka ku dhaaranayaa inuu wax badan ka fakaro intayan afkiisa kasoo bixin, buugga hadalkiisa lagu qorayo ee maalinta qiyaame labada gacmood mid looga dhiibayana aan lagu qorin.

Haddaad u fiirsato dhibaatooyinka dunida ka taagan, gaar ahaan kuwa muslimiinta ku habsaday waxaa kuu muuqanaya musiibooyin mid markaad aragtaba tii hore kula yaraanayso, dhibaatooyinka  dadkeenna soomaalida lagu imtixaamayna waxaa ka mid ah, dhaar badnida, gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo ganacsiga, haddiise dhaarta ganacsatadu inta badan ku koobantahay mucaamalo laba ama saddex qof dhex marta waxaad mooddaa dhaarta dadka siyaasadda u gala soomaalida ama isku haysta inay siyaasad galeen in ay xargaha goosatay, waxaa yar inay nasoo marto bil ama labo aan qof soomaali ah jago loo dhaarin, isagoo si baraad la' ugu celceliya "waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay". Inta badanna wuxuu raaciyaa inuu dalka, dadka iyo diinta si daacad ah ugu shaqayn doono.

Xilligii dawladdii carta lagusoo dhisay wixii ka dambeeyey waxaa aad u kordhayay buufiska dadku u qabaan in xil loo dhaariyo, xilkaas oo mas'uuliyadda ka dhalataa ku koobantahay inuu magaca ilaahay si been ah ugu dhaarto, inuu dalka iyo dadka daacadnimo ugu shaqeyn doono, maalmahan dambana waxaad mooddaa inay arrintaasi sii korortay, dadkii ku dhaartay inay dalka iyo dadka u shaqayn doonaan waa kuwa gacanta shisheeye geliyay, welina dhaarta is-daba joogga ah wada.

Xubnaha dawladda soomaalidu maxay ka midaysan yihiin haddii la'is weydiiyo waxaan filayaa, dhaar badnida iyo mid walba inuu u heellan yahay wax walba iyo goob walba inuu ku dhaarto waxaan ahayn inaan la helayn, mar walba oo ama qof la xumaynayo ama midkale xeer loo dhiganayo waxaad mooddaa dhaartu inay noqotay arrin dareenkaas un lagu cabbiro.

Qofka muslimka ah ee garanaya qiimaha iyo qaddarinta uu mudanyahay magaca ilaahay, qalbigiisana nuurka islaamku galay; wuxuu dareemayaa murugo iyo qalbi-jab marka uu arko sida magaca ilaahay looga dhigtay halku-dhig siyaasadeed oo qof walba asagoo baraad la' uu iskaga dhaaranayo magaca Allaha weyn oo waaxidka ah, allaha nimcooyinka uu nasiiyay aan dhex dabaalanayno.

Dhaarta waayahan moodada noqotay ee qof walba u heellan yahay in mar un la yiraahdo hebel waxaa loo dhaariyay jaga hebla  waxay xambaarsantahay dambiyo waaweyn oo qofku hadduusan ka toobad keenin uu gaalo iyo munaafiqiin naarta kula darsayo, waxaana kamid ah:

MAGACA ALLAAH OO AAN XURMADUU MUDNAA LASIIN. Dhaarta laga dhigtay qodob loo cuskado qofkii la'is qabto, eray lagusoo dhaweysto kii taageero loo hayo laguna xumeeyo midkii laga horyimaado, eray manfaco dhaqaale iyo mid siyaasadeed lagu raadiyo, arrimahaas oo dhani waxay tusayaan dhaqan-xumo iyo xurmad darro magaca allaah loo isticmaalayo, iyadoo qofka muslimka ah lagu yaqaan markuu magaca Alle maqlo inuu dareemo qaddarin iyo xurmayn, Iimaan iyo cabsina kororsado.

WAA TILMAAN MUNAAFAQ: Tilmaamaha lagu garto munaafiqiinta (uur-ka-gaallada) - oo ah dadka inay muslim yihiin sheegta, qalbigana gaalada ka ah waxaa ka mid ah dhaar badnida iyo magaca Allaah oo ay ku dhaartaani inayan agtooda waxba ka ahayn. Taas oo ay sababtay iyaga oo huba inaan warkooda sahal loo rumaysanayn, waxay sheegaanna laga hoos qaadayn, ayay waxay garab ka dhigtaan dhaarta, run iyo been midkay ku dhaartaanina waa u simanyihiin.

Dhaarta munaafiqiinta qur'aamku ka sheegay way noocyo badan tahay, mar waxay ku dhaarteen inay mu'miniinta ka midyihiin, Allaahna wuxuu sheegay inay beentood tahay (Al-Tawbah 56), Mar waxay ka dhaarteen ereyo gaalnimo ah oo inay ku hadleen rasuulka sallalaahu caleyhi wassallam loosoo gudbiyay (Al-Tawbah 74). Dhaarta munaafiqiintu waxay kasimantahay dhammaanteed inay u marayaan inay dad ku raalli geliyaan, xuma ay sameeyeenna ku inkiraan, magaca Allaha wax walba og ee ay ku dhaaranayaan ayagoon meesha soo dhigan, ayay dad qancinti ku mashquulsanyihiin, waajibkuna wuxuu ahaa marka hore inay Allaah raalli geliyaan, oo ay beenta iyo khiyaanada iska dayaan (Al-Tawbah 62, 96), tilaamahaasna waxaa la wadaaga dad badan oo dhaar-ujoog ah oo an maanta arkayno iyagoo dhaaranaya ama la dhaarinayo intay kitaabka Qur'aanka kariimka ah gacanta saaraan ama ku qabtaan , marar badanna gacanta bidix !!. Qof walabana cidduu la dhaqan yahay adduunka ayuu la hoy yahay aakhiro.

DHAARTA BEENTA AH OO LAGU NAAR GALO.

Sababaha dhaar badnida keena waxaa ka mid ah beenta oo aad u faaftay, qofna markuu qof rumaysan waayay, nin walba hadalkuu sheegana calaamad su'aal la saaray, kalsoonidii dhimatay, ayaa ruux walba isku dayay inuu hadalkiisa dhaar ku kabo, bal inuu qof rumaysta helo, beentii markay nolosha ka mid noqotayna dhaartii lagu kabayayna sidoo kale ayay noqotay, qofku inuu dhaarto iyo inuusan dhaaranna isku mid ayay noqdeen.

Beentu waxay ka mid tahay dambiyada ugu waaweyn ee naarta lagu galo, rasuulkuna sallalaahu calayhi wasallam wuxuu tilmaamay qof mu'min ah inuusan been sheegin, qur'aankuna waliid ibnu muqiira oo gaaladii qureysheed kuwa ugu gaalsan ku jiray ku tilmaamay inuu yahay beenlow xaqiran.

Haddaba ayada oo beentu sidaas u khatar badantahay ayaa haddii dhaar lagu daro dembigu noqonayaa laba laab, rasuulkuna sallalaahu calayhi wasallam wuxuu cadeeyey dembiyada ugu waaweyn ee lagu naar galo inay yihiin Shirkiga, caasi waalidnimada, qof xaqdaro loo dilo iyo dhaarta naarta tiimbisa. Dhaarta naarta moolkeeda gelisa ruuxa mara waa midda beenta ah ee xil iyo xoolo midkood lagu raadinayo, waa midda badeecada suuq gelisa barakadana ka baab'isa sida uu rasuulku sallalaahu calayhi wasallam tilmaamay. Waa midda ay dad badani si dhiirran mar walba cod heer ugu yiraahdaan "waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay", si'ay qof ama beel ay markaas is hayaan culays ugu saaraan, waxayna dhab ahaan u ogyihiin dhaartaasi inay tahay waxa kaliya ee tusinaya in la magacaabay, Magaca Allaha weyni ma mudanyahay in halkaas la dhigo?, rabbigii abuurtay dadka ka sariigan waayay ee magaciisa qaddarinta mudan been iyo halagaa sheego ugu dhaartay?, anaga maxay noo hayaan?.

GUNAANAD.

Dadka aan tilmaamahooda soo sheegnay ee dhaartu sidaa ula sahlantahay, wax ay u dhaarteen iyo waxay ka dhaarteena ayan u kala soocnayn; waxaa inta badan ku kalifaya arintaas hami adduun iyo mid aakhiro midna ma xambaarsana, rabi agtiisa dan kama laha, shacabka ay dhex joogaanna sumcad kama rabaan, magaca Allaah waxaa kala weyn qadada iyo qaadka ay markaas ka cadaysanayaan qofka ama ururka ay taageereen ee ay dartood u dhaarteen, haddii dad rogmado iyo haddii dal baaba'o iyaga waa isugu hal, mood iyo nool wax ay kanaxaana ma jraan, aragtidooduna waxay ku koobantahay xoogaaga ay markaas dhalaashanayaan. Waa qoloduu gabyaagu ka yiri:

Wax bogliyo wax beerliyo nimaan beeso dacas haysan

Oo boqol ka jecel wiilka curad biimona u jooga

Inuu dunida boob ugu tashaa waw bannaan tahaye !!.

Laakiin qofka muslimka ah ee xaga Allaah rajada ka qaba, umaddiisana ka xishoonaya waxaa laga rabaa inuu dhaarta iska ilaaliyo magaca Allaah xurmeeyo, sharciguna wuxuu na amrayaa inaan dhaarta iska ilaalino, sidaas darteed ayaa Iamaamu Shaafici Allaha u naxariistee laga weriyay inuu yiri: weligey magaca ilaahay kuma dhaaran, run iyo been toona.

Bal hadalkaas iyo waxa hadda taagan isku fiiri, si'aad u ogaato qofkasta meesha magaca ALLAAH ka joogo. 
 

W.Q. C/nuur F. Cali
email: cabdi2067@hotmail.com
ama Nur.ali99@Gmail.com 

Faafin: Somalitalk.com | Dec 24, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS