SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SIDEE BAYNU CARURTEENA UGA DHIGI KARNAA DAD WAX ALIFA

Hal-abuurku waa qof kasoo dhexbaxay dadka uu la noolyahay kun soo shaac baxay shay gaar ah waxayna kasoo unkantaa guriga, dugsiga, kadibna sidas bay dad waynaha kusoo gadhaa iyo warfaafinta sidas ayey bulshada oo dhan ku gaadhaa.

Hal-abuurku maha sida ay somalidu u taqaan sida abwaanada iyo heesaaga balse waa qof walboo aduunka wax kusoo kordhiya.

Sifadu hal- abuurnimada waxay kamid tahay nimcooyinka ilaahay bixiyo ee uu siiyo caruurta laga bilaabo malintay dhashaan ilaa koritaankooda ilaa iyo hana qadkooda. Hadaba sifadaas iyo nimcadaas waxay u bahan tahay horimarin, dhirigalin, iyo taba barid si awoodooda aqooneed kor loogu qado si ay bari ugu gudbiyaan jilka ka danbeeya.

Hadaba sifooyinka hal-aqoonimo waxa lagu garan kara qofka leh, inuu yahay qof xor u ah fikirkiisa, kartina uleh kalsoonina kuqaba naftiisa lana janqadi kara wax kasta ama daruuf kasta oo ka hor timadaada hamigiisuna uu fogyaha.

Hawsha hal-abuurnimo ama mufakarnimo waxay ka shidaal qadataa awooda uu qofku awoodi karo inuu si deg dega uu wax usoo sari karo ama uu ku alifi karo fahamna uu uleeyahay mawqifna uu ka qadan karo waxa hareerihiisa ka dhacaya, samaysana kara xidhidh cusub oo ka dhexeya isaga iyo bulshada uu la nool yahay, dhalina kara ama samayn kara fikrado cusub oo ah kuwa la alifay iyo kuwo aan la’alifin ba.

Inuu leyahay diyaar garow nafsi ahaan iyo aqoon ahanba kuna wajihi karo ama kusamayn karo hal abuur cusub isagoo ilalinaya asalka oo ah dinta iyo dhaqanka kana tagayn asturada shayga.

Dhinaca kale waxa looga bahan yahay inuu uruuriyo wixi macluumada si uu uhoro mariyo hawshiisa hal abuurnimo una noqdo ka ugu fican madi ahaan (waxsoosaar, wax abuur,ama fikrad cilmia uu keno) macniwi ahaana (talintisa uu sii wato, horimar shakhsi ahaaneed iyo xalinta dhibatooyinka) hadaba darasadaasi waxay ina tusaysaa inuu guriga yahay hogoaamiyaha ugu horeya ee horimarku ka iman karo si uu qofku ugadhi lahaa waxa uu higsanaayo.

Su’asha is waydiinta leh waxay tahay side caruurtiina ugu diyaarinaa inay noqdaan dad mufakariina ama aqoon u leh inay wax alifikaraan? Jawabtuna waxay noqon kartaa sidan hoos kuqoran: -

Ø In gurigooda ilmaha lagu soo baro diintiisa, dhaqankisa suban oo labadiisa walid kusoo bar baariyaan bar barin toosan tasoo ilmaha ku hogaaminaysa dagananshiyo naf ahaaneed iyo mid bulshoba.

Ø In labadooda walid ay ilmahooda siyaan wakhti ay kutarbiyadeeyaan una shegaan waxa xun iyo waxa wanagsan kanala qayb qataan nashaadaadkooda fikrika ah iyo kuwa alifaada ah si uu u helo xoriyad fikri ah iyo mid madba ah. Nagula jaheyo asluubta wanagsan si loo xaqijiyo jiritankooda dad nimo,

Ø Inta uu ilmuhu yar yahay waxa looga bahan yahay labada walid inay baraan waxkasta oo wanagsan oo ilmaha maskaxdiisa ku korayso haday noqoto shekooyinkiii dadkii wanagsaanaa , asxabtii nabiga SCW iyo in labaro tignoolajiyada casriga ah si uu ilmhu uu wax u akhristo uguna fududaato hal abuur ahaan iyadoo laga barayo dhanka wanagsan .

Ø In laga ilaliyo inuu siba’an u cayilo ama unaaxo tasoo ka hor joogsan karta hormarkisa dhaqdhaqaaq iyo mid fikri ahanaydba.


Ø Waa inaanay noqon waxyabaha guriga loo dhigo ee ay ku ciyaraan kuwo kumaararoobaan oo kaliya balse ay noqdaan kuwo ka qayb qadanaya tarbiyadooda ,taclintooda, iyo aqoontoodaba tasoo wax kadhisaysa maskaxdooda

Ø Ciyartu waa inaanay noqon wax ka mashquuliya wajibaadkooda oo aan dalina waa inay noqotaa mid hoos udhigta nacaybka ay uqadayaan guirga iyo dadka ay la nool yihin. Waa inaynu ku dadaalnaa sidii aynu ugu doori lahayn wax wanagsan ay kuciyaraan iyo meel wanagsan ay ku ciyaraan tasoo ku xidhan mar xalad kasta ama da’ kasta oo ay marayaan iyo wax kasta oo u gara bulshadooda ama aqoontooda korna uqadaysa xirfadooda .

RUNTA IYO KHIYAALKA

Waxa run ah oo jirta in ay caruurtu ku jirto caalam isugu jira dhab iyo khiyaal ama waaqac ama khiyaal xor ah taas oo ay ka soo maaxanayso maskaxdooda su’aalo, fikrado iyo mawduucyo tiro badan oo ay doonayaan wax ka ogadaan adunyadan ay kunool yihiin waxayna xaq uleeyihiin in jawaabo munaasab ah laga siyo su’alahaas faraha badan ee kasoo maaxanaya maskaxdooda.

Waa in aynu caruurta sinaa daruuf ku munaasib ah si aynu u ogaano waxa kujira gudahooda iyo dibadoodaba sida xasuustooda, maskaxdooda, dareenkooda aqooneed, iyo in aynu si aan toos ahayn waxyabaha malin walba dhaca waxna kawaydiino aragtidooda.

In aynu barno nadaafada iyo quruxda maxa yelay (ilahay qurux badan yahay waxanuna jecel yahay quruxda) inagoo ku cadaadinayn in sidaynu doonayno ay wax u arkaan waa inaynu barnaa siday ugu fakari lahaayeen fakir wanaagsan.

QIIMAYNTA NAFTA

Waa inaynu ku dhiiri galino siday isku qimayn lahayeen haday noqoto dhex galka guriga, malcamada, iskulka iyo asxaabta ay leeyihiin qiimayn macquul ah ama munasib ah mid walbana aynu kudhiiri galino wixii uu kuwanagsan yahay barnona khaladaadkooda si aanu bari ugu noqon.

Hana ilawina inaad hadiyado siisaan marka ay madarsada ama malcamada ama iskulka horimar kasameyaan ama imitixaanka darajo wanagsan kenan. Ixtiraamana mawhibooyinkooda, una korisaan siwanagsan,

Waxaad sifican ugu doortaan iskulaadkooda iyo manaahijta ay kubaranayaan tasoo ka qayb qaadan karta hibooyinkooda iyo dadaalkooda si ay ula tartamaan ardayda madaarista ama iskuulada kale iyo jamacadaha kale.
Waxaan kusoo gaba gabaynayaa maqaalkan in umada somaliyeen ee msulinka ah ixtiramaan qadariyaana cilmiga iyo culimadaba siyaana fursad ay kusoo sari karaan jiil aqoon leh dhan kastaba. Siyaana culimada abaalmarino yagoo kusharfaaya kuna dhiiri galinayaa sida wanagsan ay ubadkooda wax ubareen.

Qore: - Mohamud Jama Ahmed (Naxiif)

naxiif@hotmail.com

Johannesburg S/Africa

 

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS