Askarta Puntland ma waxey noqdeen looma ooyaan?
Farriin ku socota maamulka iyo dadweynaha reer
Puntland
Marka hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay.
Kadib akhristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta qiimaha
baddan ee Islaamka (A.C.W).
Intaas kadib muddo haatan laga joogo labo sano
waxeynu ka aqrinaynay boggaga wax lagu soo qoro ee Soomaalida,
in saddex muwaadin oo u dhashay Puntland kana mid ahaa askarta
daraawiishta laga qabsaday xeebaha puntland, loona kaxeystaya
dalkaas Thailand, ayna illaa iyo hadda ku xiran yihiin xabsiyada
Thailand. Haddaba waxa isweydiin leh, maamulka cadde Muuse
Miyuusan arintaas ka warqabin, mise dan kama laha, mise waan
waan ayaa u socota mise wararka ay qorayaan Boggaga Soomaalida
ayaan waxba ka jirin. Su’aalahaas ayaa wanaagsanaan laheyd in
laga soo jawaabo.
Askartan oo sida la sheegayo ka mid ahaan jiray
ciidamada ilaaliya Xeebaha Puntland, ayaanan maqal cid warkooda
ku jirta ama xil iska saareysa, taasoo ku tuseysa in aanan dan
laga laheyn muwaadinka Soomaaliyeed ee u kacay inuu difaaco
ciidiisa, haba ugu daraadeen kuwa isku sheegaya maamulka
Puntland. Waxaan maqli jiray Askariga Soomaaliyeed qiimihiisu
waa intuu dhaqdhaqaaaqayo, oo hadduu mar dhaawacmo ama dhinto ma
jiraan cid danboo isweydiinaysaa. Way dhici jirtay waagii ay
jirtay dowlad dhexe oo xoog leh, in waxoogaa uu qadarin iska
lahaa Askariga Soomaaliyeed, laakiin maanta ma jirto cid u
doodeysa.
Dunidan aynu ku noolnahay, gaar ahaan waddamadan
reer galbeedka, iska daa Askari ama shaqsi ay howl u dirsadeen,
xitaa kuwooda iska dalxiisaya, oo laga yaabee inay danbiyo ka
galaan waddamada ay u dalxiiska tageen, haddii la xiro, ma
maleyn kartid guuxa iyo qeylada is qabsaneysa, taasoo lagu
qasbayo waddanki, xirtay inuu kusoo daayo 24 saacadood
gudahooda. Taas waxa kaaga cad in shaqsigaa u dhashay waddamada
kale in laga sareysiisyay cid walba, halka kan Soomaaliga ah uu
noqday looma ooyaan. Haddii wiilashan laga qabsan lahaa waddamo
kale ama meel uusan maamulku shaqo ku laheyn, waxeynu oran
laheyn waxey la mid yihiin Soomaalidaa kale ee daafaha
adduunyada isaga baab’aya. Laakiin deegaankaagi halaga kaxeysto,
hana ka hadlin runtii wax ay dhegaha caafimaadka qaba ay maqli
karaan maaha.
Wey dhici kartaa in uu maamulku xiriiro la
sameeyo dowladda Thailand oo laxiriirta arimaha wiilashan,
laakiin aynaan annagu ka warqabin. Haddii ay taasi jirto waxeynu
idiin leenahay naga raali ahaada, laakiin naga soo qanciya oo
nala soo socodsiiya halka xaal uu marayo. Haddii ayan jirin wax
xiriir ah oo lala sameeyay, waxaan si naxariis leh uga
codsaneynaa Maamulka Puntland, oo uu garwadeenka ka yahay
Madaxweyne Cadde Muuse in arintaasi guddi gaar ah loo saaro, oo
la xiriira dowladda Thailand. Runtii maaha arin indhaha laga
qabsan karo, maaha arin uu shaqsi damiir leh iska indho tiri
karo, maaha wax qalbiga uu jecleysayao. Weliba sida lagu soo
waramayo ragga mid ka mid ah waa dhaawac culus, oo xabsiga ayaa
lagu jir dilay, mid kale maskaxiyan ayuu u xanuunsaday.
War aaway hay’adihi isku magacaabi jiray
Xuquuqul insaan ee ka jiray Puntland, aaway wax garadkii aaway
aqoonayahnadii, aaway eheladiii wiilashan, aaway cuqaashi,
isimadii, iyo in alla inta damiirku u ehelka aheyd ee ku nool
puntland. War arintaan yaan la yareysan, runtii waa arin sumcad
xun ka tegeysa.
Waxaan qoraalkeyga kusoo afjarayaa arintaan si
wadajir ah haloogu istaago, oo maamulka puntland halagu saaro
cadaadis sidii uu arintan wax uga qaban lahaa. Haddii arintan ay
tahay mid aan wax ka jirin, iyadana halasoo cadeeyo si loola
xisaabtamo boggaga warkan meesha ay ka keeneen. Arintan waxaan
leeyahay haloo guntado oo wiilasheen arxan darada ku heysata
Thailand halaga soo furdaamiyo. Wiilashana waxaan leeyahay
sabra, oo Allaha ayaa Faraj kheyr leh idiin furi doona
Inshaa’Allaah.
Qalinkii
Cabdixakiim Jaamac Jooje.
saicentadv@yahoo.com
Aragtida dadweynaha ee ku saabsan wiilasha ku xiran Thailand