SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SIDEE ARDAYDA SOOMAALIYED EE DALALKA DIBADAHA WAX KABARATA MUSTAQBALKA DALKA WAX UGA BADALI KARAN KARAAN.

Anigoo ah arday soomaaliyeed waxna ka barta Dalka Jordan jaamacada Jordan University of Science and Technology(J.U.S.T) ayaan  waxaan go'aan saday in aan maqaalkan wax ka qoro maadaama ay jiraan arday soomaaliyed oo badan oo dalalka dibadaha wax kabarata mida kale waxaan iswaydiiyaa mar walba sidee ardaydan badani mustaqbalka dhow dalka wax ugu qaban karaan .

Mase dhici kartaa in ay ardaydu  laf ahan toodu ku kala qaybsan yihiin siyasada dalka ka jirta?.

Qaarkoodse  qabiilku masaamayn karaa?

Mase jiraan ururo arday soomaaliyed oo ku salaysan hab qabiil ama siyaasad?

Dhamaan waxaan jeclahay in aad su'aalahan iswaydiisaan iyo waliba sida ay latahay ruux walba oo ka mid ah akhristayaasha sharafta leh.

Ardayda soomaaliyeed manta waxay wax ku bartan duruufo badan oo aad dareemi kartaan kuwaas oo isugu jira kuwo dhaqaale kuwo ammaan iyo waxyaabo kale oo aad u badan.

Hadaba ardayda sooamaliyeed waxaan aaminsanahay mustaqbalka dhow waxay noqon karaan kuwo wax badan wax kabadala xaga siyaasadda dalka,nolosha caafimaadka ,waxbarashada iyo dhamaan qaybaha bulshada.

Laakiin waa habkee.

Hadii ardayda soomaaliyeed  ee hada dalal badan wax kabarata  ay noqdaan arday isku xiran kuwaas oo leh ururo ku salaysan hab ka madax banan qabiil ama siyaasad kuwaas oo iskugu xiran habka is fahanka fiican ee ah hab cilmiyeed iyo sida wax loo wada qaban karo waxay noqon karaan dad wax badan bali kara tusaalena u noqon kara jiilka barito soo bixi donaa .

Waxaa kaloo muhim ah in wax badan ardaydu wax ka ogaadaan waxa loo yaqaan wadaninimo ama wadan jacayl manta waxyaabaha dhabar jabka ah waxaa ka mid ah in ay naga maqantahay dalka jacayl .

Waxaan aad u murugoodaa marka aan arko dalka aan kunoolahay  gaar ahaan ardayda aan wax isla barano sida wadankooda ay u jecelyihiin iyo waliba sida deepka ah ee ay ugu dheertahay wadaniyada ama dal jacaylka .

Hadaba waxaan markhaati u ahay in ay jiraan ururo badan kuwaas ka dhisan wadamo badan oo arday soomaaliyeed wax ka bartaan  sida SUDAN ,YEMEN, JORDAN,PAKISTAN, MALAYSIA iyo kuwa kale oo badan kuwaas oo dhamaantood  ka madax banaan qabiil iyo qurnkiisa.

Tusaale ahaan ururadan hadii ay dhamaantood samaystan hal urur oo isku xiri dhamaan wadama aan soo sheegay isku hadafna noqdaan iyo isku target waxaan dareemi karnaa in barito laheli doono dhalinyaro badan oo jaamiciyin ah oo isku xiran kuwaas oo saamayn ku yeelan kara  nolosha dalka soomaaliya waayo mar dhow waxaan rajaynayaa in ay dhamaandoonto duruufaha hada lagu jiro taasoo aad moodo in ay jiraan dad badan oo quustay lakin arintu sidan way ka baddalaan doontaa insha allah.

Xiliga dhow waxaan rajaynayaa in ay soo bixi doonaa arday badan oo fikirkoodu ka madax banaan yahay qabiilka ragaadsaday bulshada soomaaliyeed .

Bulshada waxa ugu horeeya ee wax lagu fahansiin karo ayaa waxay tahay in ay tacliimta bartaan sidii uu qofku u kala fahmo qaladka iyo saxda  waayo cilada ugu way ee soomaalida haysata ayaa waxaa ka mid ah jahliga isagoo ruuxu uuna garanayn waxa saxda ah iyo kan qaladka ah.

Hadaba anigoo soo koobayaa waxan dhamaan ardayda soomaaliyeed ugu baaqayaa qodobadan soo socda in ay tix galiyaan si ay waxbarashadoodu u noqoto mid mira dhasha.

1. Ardaygu waa in uu leeyahay ujeedooyin iyo hadaf  ku aadan waxbarashadiisa.

2. Waa in aan ku xisaabtantaa in aad ka timid dal uuna ruuxna u maqnayn oo adiga iyo kuwa kula midka ah sugayo.

3. Waa in aadan ku fikirin in aad wax u qabato kali ah qoyskaaga laakiin aad ku fikirtaa sida aad bulsha waynta soomaaliyeed wax ugu qaban lahayd.

4. Waa in aad aduunka saamayn ku yeelata aduunkana aad wax kusoo kordhisaa gaar ahaan majaalka takhasuskaaga waayo waxaa fiican in aad aduunka wax laguugu xasuusto kaga tagto.

5. Waxaa muhim ah in aad ogataa in wakhtigu uu yahay hantida dhabta ah ama ra'samaalka aad  haysato, inta badan waxay caan ku tahay soomaalidu fadhi ku dirirka iyo warka aadka u tirada badan een macnaha ku dhisnayn.

6. Isku day in aad wax badan aduunka ka ogaataa dhinac walba oo aad noqotaa ruux macluumaad badan aruuriya khibrad badana leh.

Hadaba hadii aad tahay arday soomaaliyeed waxaad ogaataa in aad ka timid dal gubanaya oo dhibaatooyin badan haystaan adigana aad tahay  ruuxii damin lahaa dabkaas iskabadaa inaad sii shido .

Ahmed-dayib moh'ed abdi.

Email: saalim20@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com