SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

KIINIYAA IS DAGAASHAY (Geeraar)

Maansadan waxa tiriyeye Maxamed Xirsi Guuleed. Waxay soo baxday 2008-01-31

Waxay ku saabsantahay xaaladda siyaasadeed ee dalka Kenya ee cakirantay iyo saadaasha mustaqbalka ee Soomaalida u fiicnaan lahayd. Wuxu Yidhi: 

  1. Kiiniyaa is dagaashay
  2. Doorashay isku maagtay
  3. Kun daday iska laysay
  4. Sidii daad isu jiidhe
  5. Daasaskii iska boobe
  6. Qaxu gaadh deriskooda
  7. Dalxiiskii imanaayey
  8. Haddeer sooma dagaan
  9. Kuwii sii degenaana
  10. Degdeg uuga hayaame 
     
  11. Duqaydii u sarraysay
  12. Dibnahay cunayaanoo
  13. Isma daymo bogtaan
  14. Inkastoo ergo door ah
  15. Looga soo diray meelo
  16. Way is diidan yihiin
  17. Weli doodu jiq weeye 
     
  18. Taasi waa war duleede
  19. Dad dhibaato haleeshay
  20. Inkastoon lagu diirsan
  21. Xigmad duuga ayaa leh
  22. Duul musiibo ku hoortay
  23. Dar kalaa ka macaasha
  24. Waxan uuga danleeyey
  25. Dulmigay madaxdoodu
  26. Ka galeen dariskooda
  27. Haddii uu dildillaacay
  28. Darajaale ilaahoow
  29. Dab hulaaqay ka yeel 
     
  30. Shirqoolkay dajiyeen
  31. Duullaankay lallabeen
  32. Dagaalkay holliyeen
  33. Sidii duunyo xaraasha
  34. Dadkay dhofinayeenee
  35. Ka dajeen dhul axmaaro
  36. Waxaas uuga dambeeyey
  37. Sow digniin culus maaha?
  38. DaaŽinow mahadaalow
  39. Dagaalkaa kacay maanta
  40. Dabadheere ka yeeley 
     
  41. Darajaale ilaahoow
  42. Annagoo isku diin ah
  43. Annagoo isku diir ah
  44. Annagoo isku dood ah
  45. Annagoo isku dookh ah
  46. Ayey dawlad hagaagta
  47. Dacar noo mariyeen
  48. Isku duubniyo xoogna
  49. Dembay nooga dhigeene
  50. Iyagaa kala diinoo
  51. Iyagaa kala diiroo
  52. Iyagaa kala dookhee
  53. Dallna maaha waxaasiye
  54. Dadkan laysku qasbaayo
  55. Jabbaaroow kala daadi 
     
  56. Ilaahow darajaaloow
  57. Janankii derdernaa iyo
  58. Kornaylkii dad xasuuqe
  59. Dar la jaada u yeeloo
  60. Ergadii u dadaashaba
  61. Diidnay uun kaga keen 
     
  62. Darajaale ilaahoow
  63. Waxa ay is dilaanba
  64. Marka ay isku daasho
  65. Dan alloow na bidaanoo
  66. Ergo soo dalbadaano
  67. Degdeg noogu yimaadda
  68. Farriin loogu diraayo
  69. Doolow meel la yidhaa
  70. Darmo loogu goglaayo
  71. Digniina looga dhigaa:
  72. Isk reeba nindoorka
  73. Dila kii wax yaqaanna
  74. Dafa kii hanti haysta
  75. Intiina uugu damiir xun
  76. Haddana uugu daciifsan
  77. Haysa soo dabayaacdo
  78. Degdeg noogu yimaadda
  79. Dabadeed madashaasi
  80. Dooda loogu naqaayo
  81. Dawlad loogu dhisaayo
  82. Doolow loo bixiyaa
  83. Distoorna loogu qoraayo
  84. Doolow loo bixiyaa 
     
  85. Darajaalle ilaahoow
  86. Marka ay degi waydo
  87. Askar ay dalbadaanoo
  88. Gurmad aan u dirnaayo
  89. Dabka aan ka dhignaayo
  90. Dood kaleeto furnaayoo
  91. Xalka uugu dambeeya
  92. Dulucdiisu ahaato:
  93. Kukuyooy dalka qayb
  94. Dacalkaa idiinkaa lehe
  95. Dawladdiina samaysta
  96. Luwiyeey dalka qayb
  97. Dacalkaa idiinka lehe
  98. Dawladdiina samaysta
  99. Masaayeey dalka qayb
  100. Dacalkaa idinkaa lehe
  101. Dawladdiina samaysta
  102. Kalanjineey dalka qayb
  103. Dacalkaa idinkaa lehe
  104. Dawladdiina samaysta
  105. Kambayeey dalka qayb
  106. Dacalkaa idinkaa lehe
  107. Dawladdiina samaysta
  108. Kisiiyey dalka qayb
  109. Dacalkaa idinkaa lehe
  110. Dawladdiina samaysta
  111. Meeruyey dalka qayb
  112. Dacalkaa idinkaa lehe
  113. Dawladdiina samaysta
  114. Soomaalaay dalka qayb
  115. Dacalkaa idiinka lehe
  116. Iska raaca dadkiina 
     
  117. Saacaddaa  dabadeed
  118. Haddii aad is dishaan
  119. Annagaydin difaaci
  120. Haddii laydinku duulo
  121. Annagaydin difaaci
  122. Deeradiyo ugaadhiyo
  123. Dugaagaa wax cunaayiyo
  124. Duurjoogtaad xannibteenee
  125. Dalxiiska loogu yimaadana
  126. Waysku sii dilaysaane
  127. Annagaa dabbarayna
  128. Daynna waydunku leennay 
     
  129. Digaashaa yaa afrikaan
  130. Dawladna maydun ahayne
  131. Ninkastaa ha danaysto 

Maxamed Xirsi Guuuleed

abdibashir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com