SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GOGOLDHIGGA GANACSIGA

(DURUUS TAXANE AH) 
 

QAYBTII 4AAD EE “MAAMULKA IYO MAAMULAHA” 
 

QAYBTII 2AAD EE “MAAMULIDDA SHAQAALAHA 
 
 

Qaan-dhaw ama xaq-siin 
Qaan-dhawga ama xaq-siintu waa abaal-marinta qof uu ka helo adeeg uu qabtey. Waa in wax loo siiyo shaqaalaha iyada oo la eegayo qof walba iyo hawsha uu fuliyey ama uu qabtey. Mushaaraadku waa sheyga ugu muhiimsan ee ku dhiiri-geliya shaqaalaha in ay shaqada si kal iyo laab ah ku wadaan. Qaan-dhawgaas waxaa ka mid ah; mushaarooyin, gunnooyin iyo wax-dheefka dul-socodka ah oo mushaaraadka ka dheeriga ah, sida: Guryaha, Baabuurta, Caymiska, Caafimaadka IWM. 
 

Dallacsiin 
Dallacsiintu waa kor-u-qaadidda jagooyinka shaqaalaha, taas oo shaqaaluhu uu ku helayo; sumcad iyo mushaar dheeri ah. Haddii jago ama boos uu ka bannaanaado shirkadda waxaa habboon in loo dallacsiiyo jagadaas shaqaale loo arko in uu ku mudan yahay, intii qof kale oo dibedda laga keenay uu buuxin lahaa. Tani waxay kor-u-qaadaysaa niyadda shaqaalaha shirkadda. 
 

Dhammaansho  
Hawsha shaqaaluhu waxay ku dhammaataa kolka uu ka tago shaqadaas, taasoo ay sababto, in uu isagu iskiis isu casilo, shaqo-ka-finishid, hawl-gab, ama-se dhimasho. 
 

      Xasuusin: Hannaanka maamul ee waddanka Japan ma lahan hawl-gab, weligiis qofku wuu shaqaynayaa ilaa inta uu isagu ikhtiyaarkiis uga tagayo. Ma lahan sharci dhigaya marka uu qofku gaaro da’ go’an, in uu ka fariisto shaqada. Inta kale dunidu waxay leeyihiin xilli hawl-gab lagu noqdo oo haddii qofku gaaro uu shaqada ka fariisanayo. 
       
       
       
       
       

ASTAAMAHA HABBOON EE SHAQO-CODSADEHA

 
 

Maamuluha ama qofka shaqaalaha doonaya wuxuu ka eegaa dadka shaqo-codsade-yaasha ah, astaamahaan soo-socda: 
 

    B. Muqaalka: Labbiska, nadiifsanaanta, is-turukeynta iyo caafimaad-qabka.

    T.   Dhaqanka: Isku kalsoonaanta, edeb-lahaanshaha, dabeecadda, diblomaasinimada iyo xariifnimada.

    J.    Xiiseynta: Kartida, higsashada, himadda iyo hawada.

    X.   Dareenka: Bulshanimada, la qabsashada, si saaxiibtinomo ah dadka kale isu-fahamka.

    KH. Khibradda: Xirfadda, guul-gaaridda iyo awood-u-lahaanshaha la xariirka dadka kale.

    D. Codka iyo tacbiirta: Fasiix ahaanta iyo naxwe-yaqaanimada (Naaxi ahaanta).

    R. Maskaxda: Qaan-gaarnimada, xukun wadaagga, tabta, xeesha, awood u lahaanshaha qaadashada go’aannada iyo caqli-badnida.

ASTAAMAHA AAN HABBOONEYN EE SHAQO-CODSADEHA

 
 

Waxaa jira astaamo iyo calaamado aan ku habboonayn shaqo-cosadaha in uu yeesho, haddii uu yaasho astaamahaasna ay suuro gal tahay in uusan Maamuluhu u qaadan shaqaale haan, waxaana hoos ku taxan astaamahaas: 
 

    B.    Haddii muqaalkiisa duleed, sida; labbiska, nadiifsanaanta, is-turukeynta iyo caafimaad-qabkuba uusan wanaag sanayn.

    T.   Hadii ay liidato xiisaha, himadda iyo hawada uu u qabo shaqada.

    J.    Haddii uusan ahayn mid isku kalsoon.

    X.    Haddii uu yahay mid lacag kaliya daneynaya.

    KH. Haddii uu yahay mid aan nuxurka hadalka abbaareyn uuna si fiican isha ugu hayn qofka Waraysiga la yeelanaya.

    D.   Haddii uu yahay mid aan ogo’aan qaadan karin.

    R.  Haddii uu ka soo daaho xilliga Waraysiga.

    S.    Iyo haddii ku liito Astaamaha habboon ee shaqo-codsadeha. 
     

      Xasuusin: Intaan kor xusan oo kaliya ma ahan astaamaha laga eego shaqo-codsadeha, ee waxay hadba ku xiran tahay Siyaasadda uga deggan shirkadda ama haayadda shaqaale raadiska ah Tilmaamaha shaqaalaha ay rabto.  
       
       
       

CASHARKA IYO SETIMAANKA DAMBE

Waxaad Setimaanka dambe la socon doontaan Haddii Alle Qadaro Cutub Cusub oo ka hadlaya; Ganacsiga Caalamiga ah.

 
 

Qoraha: S. Nayruus

Goobta: Karachi, Pakistan

E-mail-ka: snayruus@hotmail.com iyo nayruus@gmail.com  
Mobile-ka:  +92-345-8118910.
 
 

ILAHA XOG-URURINTA 
 

A practical Introduction to Business    By: Koontz and Fulmer

Accounting- The basis for business decisions   By: Meigs, Williams, Haka & Buttner.

Strategic Management – Concepts and Cases   By: Fred R. David.

Business Research Methods     By: Emory.

An Integrated Approach to Business Studies    By: Bruce R. Jewell

Business Accounting     By:  Frank Wood & Alan Sangster.

Business Law       By: Ronald A. Anderson.

Financial Management of the Small Firms   By: Walker W. Pitty.

Principles of Commerce and New Management  By: M. A. Khalid.

The Business – Problems and Solutions    By: Skatler.

Qaamuuska Af-Somaliga     By: Keenadiid

International Business     By: Alan & Hodgetts

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com