SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maansadii Puntland 

Maansadaan hoos ku qoran waa jiifto dheer oo aan tiriyay anigoo ah Mahad Axmed Dhoore(qarnasuge), Maansadaan waxaan ugu magacdaray puntland.

waana maanso dhinacyo badan taabanaysa, waa marka horee waxa ay tibaaxaysaa sida maamulka puntland dadka majaraha u hayaa ay uga gaabiyeen inay qumaan danaha shacabka, ayna u door bideen  musuqmaasuqa, waa marka labadaade waxa ay shacabka ku bogaadinaysaa inay dulqaataan mudada bilaha ah ee u harsan maamulkaan isla markaana waxay ku bogaadinaysaa inay ka digtoonaadan  inay dib danbe u doortaan kuwa hada haya maamulka ama kuwo la mida, waxay kaloo maansadu guubaabo usoo jeedinaysaa odayaasha iyo masuuliyiinta dhaqanka ayadoo ku guubaabinayso inay doorkii looga bartay gabeen, isla markaana ku dhiirinaysa inay shacabka hagaan kana qabtaan boholaha iyo haadaamaha.

Maansadaan waxaan tiriyay 31/01/2008 aniguu ku sugan magaalada London ee cariga ingiriiska wax yar kadib markaan Somalia safar ugaga imid. 

Hadaba dadwaynow aan iskaga kiin dhex baxo idinka iyo maansadii,  
 

  • Abwaan da’yarbaan ahoo
  • La kowsaday dagaladoo
  • Dayaciyo dhibka waan aqaan
  • Halkay daashka ku furaan 
     
  • Dagaaladii sokeeyahana
  • Duruus baan ka baranayoo
  • Dayaca kasoo bixiyo
  • Diiftiisa waan garanayaa 
     
  • Hayeeshee dantayda iyo
  • Deeleeydaan maanta wado
  • Danbaan ku wadaa dadow
  • Ee dareenkaaga dhakhso iigu sahal. 
     
  • Dalbaa dayacan dadow
  • Duunyaa qariban dadow
  • Waxaan hanti door lahayn
  • Dubay bay dhoobantahay
  • Dadkii aan aaminoo
  • Masiirka dadkeena iyo
  • Dalkeena u dooranaa
  • Dariiqaas inaku hagay
  • Docdaas waxaa kaaga daran 
     
  • Doonyaha shisheeyahoo
  • Heshiisyada lala duugtaybaa
  • Badeenii duluf ka dhigay
  • Dulliga shisheeyuhuna
  • Ileen dan kamuu lahee
  • Intuu shamaag daadiyuu
  • Intuu doono kala baxaa
  • Waxii kale ayagoo dilmuu
  • Xeebaha ku daadiya
  • Dikhayntuna waa dulsaar
  • Docdaas waxaa kaaga daran 
     
  • Hooyooyinka diifta iyo
  • Dayacu ka muuqda ee
  • Suuqyada dacaska ku gada
  • Xoogaagii laga daadsadana
  • Dubaay bangiyo ku yaal
  • Bay dirito ugu dhacaan 
     
  • Caashuurta waa lagu dila
  • Dantoodana la iskugumaba dayo
  • Oo dariiq qashin lagama gurin. 
     
  • Docdaas waxaa kaaga daran 
     
     
  • Wiilashoodii deeqda iyo
  • Dadnimada ku caanbaxee
  • Dunidoo dhami wada taqiin
  • Ayagoo diifaysanbay
  • Deegta qori wada surteen
  • Oo difaac u yidaarsanyiin
  • Hadana daryeel kuma helaan
  • Oo mushaar daadah loo dhaho 
     
  • Qaar kale ayagoo daruus iyo
  • Dugsigii sare dhameeyaybay
  • Dariiqyada tumanyihiin
  • Jaamacadihii dunida kale
  • Ilaah uga soo diree
  • Tabaruca deeqihii ku yimid
  • Nimanka dubaay dagee
  • Doolarka bangiyada dhigaa
  • Caruurtoodii ku diray
  • Haraadigii soo harana
  • Dulaalbaa loo diroo
  • Duulkalaa laga beeciyaa. 
     
  • Docdaas waxaa kaaga daran 
     
  • Haldoorikii dadaalayoo
  • Dadnimadiisa kaashadoo
  • Daruustii kasoo baxoo
  • Digtooreeyd diyaariyana
  • Mid doqono liita oo
  • Magaciisa aan dirito u qorin
  • Baa doorkii shaqada ka mudan
  • Ileen dulaakuu la beelyahee
  • Dadwaynow ila fiiriyoo
  • Docwalba xaajada ka eeg 
     
  • Hadaan dulmigaas ladaynin
  • Hadaan danta guud la xeerin
  • Hadaan daacad loo ahaanin
  • Shacabka dabaqabshadiisa
  • Dar xumaa ka danbayn dubeey
  • Iyo daaraha cadcad oo la jeexday  
     
  • Deeleeydan soo marshiyo
  • Docdaan hadalka u iri
  • Diriroo kaca may  ahoo
  • Dagaal xaalkibaan aqaan
  • Ee dadwaynow ila dareen
  • Dulucda hadalkaygu waa
  • Dadaal hashii kaashatee
  • Sodon bari dayac soo martaa
  • Dulqaad maalina waa kartaa  
     
  • Daa’imkeen haduu na daayo
  • Oon dicembar waydaaratana
  • Doorashaa la galahaya guud ee
  • Digtooni ka qaata oo
  • Dantiina u dhiiba ruux
  • Daacadoo eebe garan
  • Haku dooranina qabiil
  • Waa waxa duligeer na baday 
     
  • Docda kale hadaan ka dayo
  • Diriroon xoogaa cartamo
  • Duqaydii meeday iyo
  • Ragii darajada lahaa
  • Dadkii ina soo dumee
  • Dariiqa saxdaa yiqiin
  • Darajaalihii beesha iyo
  • Boqorka la doortay mee??
  • Ragii lagu diirsadoo
  • Beeldaajaha wada ahaa  iyo
  • Dariiqii haldoorku mee??
  • Dalbaanu ahayn dagane
  • Xagee dabacaan ka yimid??
  • Ma duqaydii naga dhimataybuu
  • Duligaan daba taaganyahay?? 
     
  • Duul oo docdaas ka durug
  • Dagani xaajada u eeg
  • Duqaydiyo darajaalahow
  • Ma dadkaan idin raacsanayn??
  • Ma idinkaan dadaalinoo
  • Dayaciyo dhibaatada ka digin
  • Xagee dabaan ka yimid?? 
     
  • Anigu xaajadaan dahsoon
  • Docdayda waan garan la’ee
  • Su’aalahaas wada diirka furan
  • Dabada aan isu qabtana
  • Jawaabtoodaan doonayaa
  • Dadwaynahana waan ka sugi. 
     
  • Docda kale hadaan ka dayo
  • Duqay idinkaa yaqaan
  • Habka shacab loo dumoo
  • Dadwayne loo islaaxiyee
  • Dalkeeniyo dadka dabqabtoo
  • Dib u saxa waxii khaldamay
  • Darajadii aan lahayn iyo
  • Shacabkii idinkaa matala  ee
  • La dooda dulaalka oo
  • Kadaa sidaas ku dhaha. 
     

W/T. Abwaan, Mahad Axmed Dhoore(qaransuge)

      London, United Kingdom.

      Email: jjmahad@hotmail.com

            jjmahad@gmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com