SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Walaalkeey Cabdalla Maxamed Cabuud Garadarro ayuu ku xiran yahey?

Diblomaasi Yemeni ah iyo Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan ayaa doonaya inay si qasab ah dhul uga qaataan?... 
 
Safiirka dalka Yemen u jooga Soomaaliya Axmed Xamiid Cumar oo adeegsanaya rag oow ugu tala galay in ow maqaar saar ka dhigto asigoo hugsan dalad dowladnimo ayow dhisay guddi jaaliyadeed taariikhdu markey aheed 13/12/2007. isla habeenkii 14/12/2007 saacaddu markey aheed 12:00pm . waxaan ka helnay warar dad ku daw-dhaw Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Safiirka dalka Yemen in ey dejiyeen qorshe ay ku doonayaan in walaalkeey Cabdalla Maxamed Cabuud ay ku soo xero geliyaan si ay  marka hore ugu adeegtaan marka xigana barnaamij ay wataan uga fushadaan kaas oo ah in ay kala wareegaan document uu reerkeenu leeyahay oo cadaynaya lahaanshaha dhulka ay ku fadhido dhismaha jaliyadda dalka Yemen,  balse Walaalkeey  Cabdalla arrintii wuu fahmay wuuna ku diiday barnaamijkoodii, laakiinse waxaa loo sheegay walaakay haddii ow ku diido in ey xeraayaan. 

Waxaa dhecday in la xeray walaalkeey Cabdalla 15/12/2007 ilaa maantana ow ku xeran yahey xarunta nabadsugidda dalka ee madaxda ka yahay Darwiish. 

waxaa nasiib darro ah darwiish oo ah nin yaqaan sharciga in ow Cabdalla ku xeray sharciga ii haay oo adduunka hadda looga dhaqmin, balse la soo dhaafay marxaladaas, isagoo ka tilaabsaday caddaalada Isla markaana fiirinayo saaxiibtinimo iyo dalladda ey hugsan yihiin oo u janjeersaday dhanka Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji iyo safiirka dalka Yemen Axmed Xamiid Cumar kuwaas raba inay xoog nooga qaataan dhul aan leenahay iyagoo adeegsanaya magaca dowladda Soomaaliyeed iyo tan dowladda Yemen. 

Gen. Ismaaciil Qaasin Naaji oo si fiican u yaqaano aabaha Cabdalla Marxuum Maxamed Cabuud Maxamed iyo caa’iladda ow ka dhashay, maxaase ku kalifay in ow qaado tilaabadaas ? maxaa ku ka lifay in ow dib ugu soo noqdo tolkiisa iyo caruurtii Marxuum Maxamed Cabuud?, waa arrin iska cad oo masaalix gaar ah ku dhisan  

Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji waxoh go’aan ku gaaray inow ku dhaqaaqo talaabo kasta oo ku heli karo qorshihiisa, markasta ow xabsiga ugu tago Cabdalla Maxamed Cabuud kuna handadayo in ow saxiixo warqad tanaasul ah dhaxaltooyadii aabihii hadii kale ow sidaa ugu jirayo godkaas. Cabdallane ow diidan yahay inow xaqiisa dhiibo, ilaa maantana ow sidaas ku wado.

Waxaa dhecday in 24/12/2007 la geeyay Cabdalla Maxamed Cabuud maxkamadda isla markaana dib loogu celiyay gacanta nabad sugidda markii loo waayay cid soo dacweysata oo soo istaagto maxkamadda horteeda. 

Waxaa dhacday in taariikhdu markey aheed 1/1/2008. Safiirka dalka Yemen asagoo ey la socdaan taliyaha ciidanka booliiska Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo madaxa Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) ey yimaadeen xaruunta ey dagan yihiin carruurta Marxuum Maxamed Cabuud una yeereen Cabdalla Maxamed hooyadiis si ey u ogaadaan arrimaha ow ku doodayo safiirka dalka Yemen Axmed Xamiid Cumar, markii ey arrimahii dhexgaleen su'aalo

ey la yeesheen Cabdalla hooyadii waxaa hadalka laga wadi waayay Axmed Xamiid Cumar oo buuq iyo hadadaad ka kiciyay meesha markii uu arkay in sidii ow wax u rabay ay noqon waysay, waxaa la faray in ow baabuurkiisa ku noqdo si ey odayaasha u dhageestaan hadalka Cabdalla hooyadiis. sidaas ayeey fursad ugu heleen dhageesi dheer iyo codsi ey u soo jeedisay Cabdalla hooyadiis duqa magaalada xamar kana codsatay in loo soo daayo wiilkeeda, waxaa ow u sheegay Maxamed Dheere in ey cadaalad jirto wiilkeedana loo soo deynayo mar alla markii ow Darwiish ka yimaado safarka. 

Nasiib darro meeshii aan ka filaynay in Walaalkey la soo daayo ayaa 5/1/2008 ayaa Cabdalla Maxamed Cabuud lagu soo celiyay maxkamadda iyadoo la soo abaabulay dad marqaati been ah sameeya kuwaas oo Maxkamadda horteeda la keenay, kuwaas oo kala ah:- 1- Xuseen Saalim Axmed  2- Cabdulkaadir Cusmaan Maxamed 3- Cali Maxamed Cali (Cali Dheere)??? (goormow noqday beesha is heysato? ayaase ku soo daray? maxaane loo adeegsanayaa? maxowna ka ogyahay arrintaani? waa nasiib darro inteeda la eg. 

Ayagoo sheeganayo in ey yahiin gudi ow soo magacaabay safiirka dalka Yemen lidna ey ku yihiin Cabdalla Maxamed Cabuud,(labda ruux ee ugu horeeyo waxey ku shaqeysan jireen magaca Jamciyad Kheyriya Alyamaniya ayagoo si N.G.O ah oo aan sharci aheen ku shaqeen jireen isla markaana daabici jireen qorina jireen warqadaha lahaanshaha guryaha la kala iibsado ee xaafadda Maana Boolyo, Kaaraan, Beexaani iyo Cabdulcasiis, kuna qori jireen in ey ayaga ka yihiin masu'ul madaama ey jamciyadaas masuul ayaga ka yihii)....waxeyna dhiibteen warqado aan ku saxiixneen magacooda iyo qaar ey isku soo aruuriyeen oo ay ku sheegayaan ama ku cadeeyanaayaan in dhulka jaaliyadda Yemen uusan lahayn Marxuuma Maxamed Cabuud Maxamed, balse ay leedahay jaaliyadda Yemen. balse maxkamada ayeey u taalaa jawaabtaas. 

Waxaa nasiib darro ah in mas’uuliyiinta uu hor kacayo Safiirka Yemen iyo Ge, Naaji iyo kuwa iska bada socda in aysanba ka war qabin taariikhda jaaliyadda Yemen ee Soomaaliya sida ay ku timid iyo  cidii samaysay iyo marxaladihii ay soo martay, waxaase rabaa inaan dadka xauusiyo in jaaliyadda Yemen uu aasaaskeeda iyo maalgelinteedaba uu lahaa Marxuum Maxamed Cabuud oo xitaa dhulkiisa uga dhisay meel ay jaaliyadda Yemen isku yimaadaan, waxaana la yaab leh in geesigaas maanta loogu abaal gudayo in la isku soo bahaysto in dhaxalkii carruurtiisa la dhaco..

Waxaase dhacday in Cabdalla Maxamed Cabuud dib loogu celiyo gacanta nabadsugidda isagoo lagu heynin arrin criminal ah .seddexda ruuxna ey si xurnimo ah ey guryahooda u joogaan???....mase awoodii u soo dhiibtay warqadahaas ayaa daba taagan? waa dad la soo dirsadee.........

Walaalkay Cabdalla weli waa xiran yahay iyadoo aysan jirin wax dambi uu dalka iyo dadka soomaaliyeed uu ka galay, ma tahdiidkii Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa weli u socto Cabdalla Maxamed Cabuud? mase awoodii Safiirka Yemen Axmed Xamiid Cumar ayaa weli dhamaanin oo laga sugayaa in ow soo fasaxo? ... mase Darwiish ayaa shaqadiisii gabay ?? mase Miskiinka xiran ee Cabdalla ayaa laga sugayaa inuu ka tanaasulo dhaxalka Aabihiis !!!???

Waxaa intaas oo dhan ka yaab badan in markii la isku dayay in arrinta tol ahaan loo galo ee wax laga weydiiyay Gen. Naaji uu yiri “aniga wax aan kala socdo ma jiraan waana arrin Qaran!” waxaan weydinayaa Macnaha Qaran ma sidaa ayaad u takhaanaa? 

Haddaba waxaan ka codsanayaa DFKMG in ay arrinta walaakay ay soo dhex gasho waxna ka qabato, sidoo kale waxaan ka codsanayaa Hay’adaha garsoorka inay caddaladda iyo xaqa fuliyaan walaakayna xoriyadiisa loo soo celiyo, boobka iyo handadaada nalagu hayana naga joojiyaan. Waxaan kaloo dhibaatada na haysata ogaysiinayaa dhamaan hay;adaha Xuquuqda aadamiga.  

“Ma anaa waalan mase Cadan baa laga heesayaa” ayaan maqli jiray Caddantii ayaaba duul dhul boob ah nooga yimid ALLOW naga samati bixi adigaa caadil ahee 
 
W/Qoray: Maxamed Cali Cabuud.

            Nayroobi Kenya

Email: abbodma@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com