Dhaqan (Qaybtii 1aad)
Mohamoud H
Nugidoon
Ottawa, Canada
mgabiley@yahoo.ca
Waxaa jirta in dadyowga adduunku ay laba arrimood ku kala
duwanyihiin: mid dhaqan, iyo mid degaan.
Dhaqanku waxa u miisaan, martabo, milgo iyo maamuusba ku
leeyhay bulshooyinka dunida dacaldeedoo dhan. In kastoo ay dadku
dhaqamada ku kala faro adagyihiin, haddana ma jirto ummad amba
bulsho dhammaan gebi ahaanteedba ka aradan, oo ka faro madhan oo
mudug ah, oo mudh-iyo-gacan ka ah hidihii awowyaalkood.Way
jirtaa inay bulshooyinka adduunka la jaan qadaan hadba wixii
cusub ee ku soo kordha. Kaasoo kaga yimaadda kagana soo butaaca
bulshooyin kale oo anay dhaqan iyo degaantoona hore uga dhexayn
balse dantu is badday ama is dhexgal xagga ganacsiga iyo
maamulku dhex maray. Waxa kaloo jirta sida aan dhammaanteenba la
socono mid aan intaan midna ahayn oo ay sabatay ku-amar
taaglayntii ka timid waayo hore ay quruumihii hore duulal kale
ku duuleen, sidii ka dhacday qaybsigii Afrika. Taasoo ka
dhalatay markay reer Yurub heleen inay farsamadii gacanta
warshadeeyaan, ka dibna wax soo saarkoodii sare u kacay,
dabadeedto ay u baahdeen meelo diihin oo ay kala soo baxaan
allaabta qaaydhiin (raw material) iyo suuqyo cusub oo ay alaabta
ay soo saaraan u iib geeyaan (consumers), oo ka xidhan suuqyada
kale ee ay kula tartamayaan saaxiibadooda kale ee reer Yurub.
Waa ta sabatay inay gugii 1884-kii ay xoogaggii Reer Yurub ku
shiraan Beerliin (Berlin) dalka Jarmalka si ay u qaybsadaan
Afrika iyo dalal kale oo addunka ka mid ah. Qoraalkani ma aha
mid ka hadlayaa taariikh ama waxyaabihii la soo maray. Waxse u
ku koobnaan doonaa 'dhaqan' oo ah sumad sooca qoraalkani.
Haddaba Soomaalidu meel ay joogtaba waxay ka mid tahay
dadyowga ay si aad ah u saamsay duruufaha wax dhaqan geddiya ee
waayo hore iyo imikaba kaga soo burqanaya dadyowga kale ee ay
mucaamiladu ka dhaxayso ama ay isku degaan dhawyihiin. Dadyowga
kale een soomaalida ahayn oo ka xadaarad fac weyn soomaalida,
sida Carabta oo raad weyn ku reebtay dhaqanka soomaalida. Heer
ay labada dhaqan, waa ka carabta iyo ka soomaalidee isku dhex
milmaan oo aan lagala garan karin mararka qaarkood.
Af Soomaaliga iyo Af Carabiga
Waabaa waxaan waydiiyay dhawr nin oo dhalin yaro ah inay ii
sheegaan bal seddexda eray ee u dhigma qureec, qado iyo casho af
soomaliga oo ah afkeena hooyo. Waxay igu jawaabeen, waa
sidaasuun waxba isma badalayaan. Midbaase gartay, wuxuu ahaa nin
dhaqankiisa ku faro adag oo dhiiran. Intii kale markaan u
sheegay, waxay igu yidhaahdeen: “ af soomaaligaa halkee lagaga
hadlaa ma Gabiley? Iyagoo ii quusinaya waa lahjad Gabiley lagaga
hadlo,maadaama aan ka soo jeedo degaankaas iyaguna isku arkayeen
inay ka soo jeedaan degaanka Hargeysa. Dhacdaaadsii aadbay ii
taabatay. Waxaan is waydiiyay intay Gabiley iyo Hargeysa isku
jiraan? Ma waxay Isku jiraan xagga dhererka dhul ahaaneed heer
ay afka ku kala durkaan, oo la is af garan waayo? Waxa
waaydiimahaa iiga soo baxay inayna degaanka ku xidhnayn ee ay
dadka wax badan oo afkeena ahi ka sii lumayaan maalinba maalinta
ka danbaysa. Oo facba faca uu ka da’ yaryahay af soomaaligu ku
sii yaraanayo.Haddaan haatan loo gurman oo aan gacan wax tar leh
laga gaysan ay adkaandoonto in dib loo soo nooleeyo. Midse
ogsoonow in af dhintay dib loosoo noolayn karo, sida Israel oo
kale. Afookii cibriga (Hebrew) ahaa oo haylaamo yayari ka sii
noolyihiin ayay dib u kiciyeen, oo ay dib u nooleeyeen. Balse
iyaga waxa caawisay dhawr kun oo sano ka hor, waa xiliyadii nebi
Muuse e ayaa la sii qoray afkooda oo wuu qornaa.Waxa kaliya ee
ay sameeyeen inay dadka dib u baraan.
Seddexda eray ee aynnu dhammaanteen wada naqaan waa af carabi
la soomaaliyeeyay. Seddexda eray waa sidan hoos ku xardhan:
Qureec: Al-quraac ( waa suuqdi ka yimid lahajadda lagaga
hadlo dalka Yemen ). Haddii al-qurca la yidhaa waa eray ku jira
af carabiga naxwaha ah. Waa walax ama shay la bakhtiyaa-nasiib
rogo sida : ‘wheel of fortune’ oo kale ).
Qado : Al-qidaa ( waa af carabi asal ah [luqa carabiya
fusxa])
Casho : Al-cishaa ( waa af carabi asal ah [luqa carabiya
fusxa])
Seddexdaa eray waxay suuqa af soomaaliga ka saareen oo ay
hadhuudhlaha ku dareen waayo hore oon dhawayn, seddex eray oo af
soomaali ah balse tol u gurmada waayay. Seddexda eray ee u
dhigma seddexdan eray een kor ku xusnay waa:
Afur = qureec
Hadhimo = qado
Xiraad = casho
Sidaa si leeg erayada:
‘ fool ‘, waxa badalkiisii galay ‘waji’.
‘ walax ‘, waxa badalkiisii galay ‘ shay ‘.
‘ Eebbe , Waaq ‘ , waxa badalkoodii galay ‘ Allaah’.
‘ Baxsi ‘ waxa badalkiisii galay ‘ tahriib ‘.
‘ Xash ‘ marka la xashayo qooshka, waxa badalkiisii galay “
cajiin, oo ka yimid tacjiin al khubz “.
‘ Cunno ama wax la calfado’, waxa badalay ‘quut oo isku rogay
quud ama arsaaq oo ka yimd al- arzaaq’.
‘ socdaal ama qayaad ‘, waxa badalkoodii galay ‘ safar ’.
‘ aqoon ’, waxa badalkiisii galay “ tacliin, oo ka yimid
tacliim”.
‘ Hadhgal (hadh-gal)’, waxa badalay halkiisii ‘ duhur ’
‘ hiraab ’, waxa galay halkiisii oo badalay ‘ suxuur ’
‘ amin ‘, waxa badalkiisii galay “ waqti ”.
‘ goor ’ sida ku jirta: goortaan is argnay, waxa badlikiisii
galay ‘ saacad ’.
' waydiin ' waxa badalkiisii galay ' su'aal '.
' fal celin ', waxa badalkiisii galay ' jawaab '.
' guur ' , waxa badalkiisii galay ' aroos ' , oo ka yimid
erayga carabiga ah ee ' caruus ', dabeetana la soomaaliyay oo
isku rogay ' aroos '.
' xaasid ' , waa eray carabiya, waana ' xaasid ', ka yimid '
xasada '. Labada eray ee af soomaali ahaan ugu dhaway waxay
noqonayaan: ka xun, sida ku jirta:
Wacays wuxuu ka xunyahay raganimada iyo kartida Rooble,
Eebbbe ku manaystay.
Weedhaa xagga sare ku xusan, haddii eraygii carabiga ahaa
lagu badalo dhigiisa soomaaliga ah odhaahdu waxay u dhacaysaa
sidan hoos ku xardhan:
Wacays wuxuu xaasidayaa raganimada iyo kartida Rooble, Eebbe
ku manaystay. Dadka qaar meesha ' xaasidayaa '-da waxay ku
badalaan ' xistiyayaa ',
Sida ku jirta gabaygii Salaan Carrabay ee u lahaa:
Waxba yaanu xeerkay imarin, xoolana isiine
Xaashee lilee nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaabe
Waxayna ku xidhantahay degaanka u qofkaasi ka soo jeedo. Waa
isla eraygii carabiga ahaa oo la lahjadeeyay.
Waxaanse rabnaa hal eray oo kaliyoo u dhigma.Wuu jiray jiray
kolay balse maanta lama hayo. Wuxuu ka mid yahay erayada dabar
go'ay. Lama hayo eraygii uu erayga ' xaasid ' hulada ka saaray
ee u hadhuudhlaha ku daray ilaa imika.
‘ ma ’, sida ku jirta: ma arag, ma maqal, af carabigana isla
sidaasuuna, sida ku jirta ‘ maa ra’eytu’, ‘ maa samictu’. Ilaa
maantadaa ma hayo eraygii meesha ka baxay waxaan raadinayay ilaa
todbaadanaadkii ilaa imika [waa eraygaasuune kuwa kale kuma
jiraan] Waa ‘maa’dii af carabiga ku jirtay oo la soomaliyeeyay,
erayga aynu dhammaanteen adeegsanaa. Sida eraygaasiba shaandhada
uga siibtay ee ilaa iminka cid haysaa anay jirin ayaa kuwa badan
u dun-go’ayaan haddaan loo gurmanin.
Erayada wali la daalaa-dhacaaya een is dhiibin:
Aroor = subax (waa af carabi , ka yimid erayga sabaax)
Galin danbe = casar ( waa af carabi ), casar dheer, casar
gaaban
Xafiiska socdaalka = xafiiska jawaasaadka ( ka yimid eray:
jawaaz, wadartiisuna tahay jawaazaat)
Gegada dayuuradaha = madaarka
Eray = kalima (waa carabi ), erayga = kalmadda (waa carabi la
soomaaliyeeyay oo ka yimid, kalima).
Cir = samo (asamaa).
Hu' ama dhar = labis ( waa carabi, ka yimid erayga masdarkiisu
yahay:al-labs, wadartuusuna noqonayso al-libaas).Intani waa
tusaale kooban. Intaa kuma idla, birna kuma goynine, waan yara
dulxaadiyay.
Haddaba ma ba’na in afafka la kala qaataa, oo af ingriisigan
aad argteen ee addunyada maaruqay, ee meeshaad martaba soo
mutuxanba, eed moodid inuu tigaad muruqle daaqayba, afaf aan
asalkoodu af Ingiriisi ahaynbaa ka buuxa.Bulshada u dhalatay af
Ingirisigu waxay dhaqan u leeyihiin in ay erayada aan afkooda ku
jirin ee afafka qalaad ah ku soo daraan afkooda, balse kii hore
jirayna ay sii xoojiyaan. Oo ay labadu is biirsadaan si afku u
kobco. Ee sida soomaalida eraygii horee jiray eray kale oo
qalaad kuma badlaan, oo koogii horee soo jireenka ahaana iskama
tuuraan. Waxaa xataa ku jira af Ingiriisga eray asalkiisu yahay
af soomaali oo ay inaga ergisteen, balse ay af ingirisiyeeyeen,
waana kan hoos ku xardhan:
Gerenuk (eng) = garanuug (laga yaabaa inuu eraygu ka unkamay
geri-nuug, tii geriga nuugaysay waayo sibay u qoor dheertay sida
geriga oo kale), waa deero luqun dheer leh waxa kaliya oo ay ku
nooshay Geeska Afrika waa; Somaliland, Somalia, Djibouti, Kenya
iyo Ethiopia.
Daqanka iyo Diinta
Waxa quman inay dadka soomaaliyeed kala gartaan wixii dhaqan
ah iyo wixii diin ah. Yoolkaasi, waa dhaqanka iyo diintee waa
barta igu kaliftay inaan qalinka iyo warqadda isa saaro.Waa
tabashada aan burashadda u biyaystay. Waa hawl qalbigayga ku
dhex qabyo ahayd amin aad u dheer, taniyo todobaataankii illaa
haddadaa aan joogno. Waa meesha markaan xasuustaba, haddaan
hurdo hurdada ka salalo. Haddaan tukanayona saladda ka sahwiyo.
Waxa iigu yaabka badanayd waa aan fasax u tegay dalka Ingiriiska
ayaa dadkii aanu halkaa isku baranay nin ka mid ah, maalin
woxogaa wada sheekaysanay. Waxaan, anigu qof ahaan soo bandhigay
halista uu af soomaaligu daaqayo,iyo sidaan cid u miciinta anu u
lahayn, ee u maalinba maalinta ka dabmbaysa sii gabaabsiyayo.
Halkaan wax kale ka eegaayay ayuu iigu jawaaba, “ haddaan karayo
af soomaliga gabigiisaba inta aan ka aqaan, af carabi baan ku
doorsan lahaa”. Yaab iyo amakaak! Waa maalintaan is arkay anoo
sare intaan u qaylyay leh: “Alliyo nebiiii! Dhulkow hanala
ciirin, hana nagu cabaadin. Ilaahoow riyo iiga dhig!” Qori
dhidban oo soo mutaxan uunbaanan noqon maalintaa. Haddaan dudomo
ama haadaan ahaan lahaa maalintaa, waan ciiiri lahaa baan u
malayn. Ninkaa waxa sidaa ka yeelsiiyay diin jacayl. Jacayl uu
diinta Islaamka u qabo awgeed, heer uu gaadhay inuu ku taamo
inuu afkiisii hooyo dabar gooyo, hadday u suuroobayso. “ Oo
muxuu itarayaa [af soomaaligu]”, ayuu ka daba keenay markuu
arkay sidaan u anfariiray, “ ifiyo aakhirotoona ima anfacayee”.
Eebbow adoonkaa u danbi dhaaf oo u naxariiso. Adoon afkaaga iyo
dhaqankaa midnaba badalin miyaanad Eebbe beryi karin? Miyaanad
cibaadaysan karin? Miyaanad intii lagu faray gudan karin? Waliba
adoo kuwii u dhashay af carabiga khayraadka iyo wanaagga suuban
uga badinaya kana dheeraynaya, siduu Bilaalba yeelay, ee
Salmaan Al Faarisiba yeelay, ee u Suhayb Arruumiyiba yeelay,
Allaahu Akbar! Dhammantood Eebbe ha ka raali ahaado. Kalidii ma
aha inta inaga midka ah ee sidaa u fikirtaa. Waxaan interentka
ku arkay rag kale oo iyaguna sidaa soo kale ku taamaya.
Arrimaha sidan oo kale ah, isku qaska jacaylka diinta iyo
jacaylka dhaqanka Carabta iyo afkoogaba, ma aha markii u
horaysay ee ay ka dhacdo dunida. Horay arrimahan oo kale u
dhaceen. Sida taariikhda lagu hayo gacan ku dhigistii dalka
Masar, maalintay muslimiintu ku gulaysteen ee gacanta ku
dhigeen, tiradooda ciidan ahaan waxay dhammayd 500 oo nin. Waxa
maalintaa hokaaminayay muslimiintii Masar gacanta ku dhigtay,
Camra Bin Caas,oo waaligii u horeeyay ee muslim ah ka noqday
Masar. Waxa kaloon ogsoonahay inay Masar tahay dalka xagga
tirada dadka ugu faro badan dalalka Carbeed oo idil. Is
waydiintu waxay tahay ma shantii boqol ee nin ee ka yimid
Jaziiratul Carab ayaa tarankoodii ka tiro batay dadkii
waligoodba ku noola Masar taniyo Faraaciinadii iyo intii kaloo
dhan ee lagaga yimid dhulkii carbeed ee waqtigaasi?
Fal celintu (jawaabtu) waxay tahay maya. Dadkii dhulka loogu
yimid, waa Masaariye, ayaa diintii, dhaqankii iyo afkiiba
qaatay. Iyagoo daadshay dhaqamadii, afkoodii iyo
caadooyinkoogiiba. Waxayna noqdeen Al carab Al Mustacraba,
Carabta la Carabeeyay, marka laga reebo in tiro yar oo lagu
qiyaaso 20% oo wali ku dhegsan diintoodii, afkoodii iyo
caadooyinkogoodii oo la yidhaa Qibdiyiin Al Misr (The Egyptian
Copts). Masar oo qudha maahee arrintaasii waxay kaloo ay ka
dhacday; Liibiya, Marooko (Maqrib), Aljeeriya (Aljazaa’ir),
Tuniisiya, Suudaan, Muritaaniya iyo dalal kaloo badan. Waxana
lagu xusaa xagga taariikhda inay yihiin Carabtii la carabeeyay
(Al Carab Al Mustacraba).
Adiga kuma ogi waxaad yeeli, balse anigu maanta gadahaa aan
joogo in la i carabeeyo ama aan aniguba is dhaqan dooriyo igama
suurowdo. Diintayda waan hasyanayaa, hiddahayga waan ku jeeni
qaaranayaa. Dhaqankayga waan ku laafyoonayaa. Afkayga waan ku
gabyayaa oon ku geeraarayaa, oon ku goohayaa, oon ku
gunuunuxayaa haddaan doono. Caadooyinkaygana (intii wanaagsan
een hayb takoor, hayb sooc, dir sooc iyo diin ka carar lahayn)
calanbaan dul sudhayaa oo sida gamaan la shirabaan u
gaangaanbinayaa. Hiddahayga waan haysanaya. Iskama xuurayo. Haa,
waan haysanayaa, waanan u han waynahay. Waxaan ku taamayaa
hadday tayda noqoto inaan af soomaliga ku faafiyo dunida
dacaladeeda sida dadyowga kaleba yeeleen ee afafkooda ku
faafiyeen dunida dafaheeda.
Akhristow cilmigu ma aha oo kaliya afafka qalaad intaad si
fiican u baratid aad ku talax tagtid dabeeto afkaaga hooyo hoos
u eegto, daymo quudhsi leh! Waxaan ogahay mareego ay dad
soomaaliyeed yagleeleen, tifaftiraan, maamulaan oo haddana ka
mamnuucay kana yaqyaqsooda inay qoraalada af soomaliga ku
qorani mareegahooda ku soo tebiyaan! Waa arrin lala yaabo. Waa
dhaawac inagu maqan, Waa dhoohanaan waliba isla wayniyi ku
dheehantahay. Waa dhabano hays iyo dhabar jab dhuuxa ka habaya.
Waa daba dhilifnimo dhaqan shisheeye. Waa dhalinteenoon la
dhaxal tiraayo, ilayn afka iyo dhaqanku waa dhaxal ay
awooyaasheen inooga tageene. Waa qoraalka af soomaligoo si aanu
u gaamurin, una taabo galin la curdan dhadhinaayo.Waa dhegxumo
weyn oo aan laga dhuuman karin. Waa dhalaan habaabis nin raacay
oo dhaxanta meeraaya. Waa dhuxul dambas huwan u baahan in laga
foojignaado. Waa dhegar laga galay dhaqankeenna. Aaan u aarnee
qalin ku wayteeya. Weedhaha waraabuhu raqayo weerax la ogaada.
Wadaad iyo waranleba foojigo ogaada.
Waxaa soo scoda, haddii Eebbe idmo, qaybo kale oo ah: Dhaqan
Labaad iyo Dhaqan Seddexaad oo dhamays tiri doona qoraalkan:
Dhaqan
Mohamoud H Nugidoon
Ottawa, Canada
mgabiley@yahoo.ca