SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Tallaabooyinka Raisulwasaare Nuur Cadde iyo Xukuumadiisa

Qore: Abdullahi N Osman
Asoman66@yahoo.co.uk

Dalka Soomaaliya wuxuu ku jiray dhibaato iyo dagaalo sokeeye ilaa iyo 18 kii sano ee aan soo dhaafnay , waxaana dagaaladaa naftoodi ku waayey  , ku qaxay , ku tacliin beelay, kumanaan Soomaaliyeed oo d’a walbaa leh, waxaana maanta daadsan dhammaan daafaha dunida  maatadii Soomaaliyeed , oo aad u liita , heysanina meel iyo makaan aay miciinsadaan . 

Mudadaas iyada ah waxaa socday dedaalo aay wadeen waxgarad Soomaali iyo aduunweynahaba leh , kuwaasoo ujeedadooda aheyd in xal loo helo mushkiladaan la degtay ummadda Soomaaliyeed , lagana caawiyo Soomaalida sidii aay dowladnimadooda dib ugu soo yagleelan lahaayeen, , waxaana Soomaalida loo qabtay shirar dib u heshiineed oo tobaneeyo kor u dhaafay , hase ahaatee waxaa lagu fashilmay in shirarkaas wax kazoo baxaan haba yaraatee,  marka laga reebo Shirkii Djibouti 1 &2 , ee 1991, iyo kii Carta , dhammaan shirarkaa iyo wixii kazoo baxayna  waxaa lugta ku dhuftay qableqablayaashii dagaalka oo Soomaalida iyo aduunkuba ku wareereen waxa aay doonayaan . 

Gabagabadii xiligii dowladii carta lagu soo dhisay, ayaa intii aysan dhammaan , waxaa adduunku isku dayey in shir kale oo dib u heshiineed oo lagu dhameytirayo kii Carta lagu qabto Kenya , si intii aan ka qeyb galin kii Carta loogu soo biiriyo hanaanka dib u heshiisiinta ee Carta kazoo bilowday , hase ahaatee mustawaha xal doonka ee siyaasiinta Soomaaliyeed ee shirka ka qeyb galayey oo hooseeyey, iyo qolooyinkii shirka maamulayey ( IGAD) , oo iyagaba isku heystay arinta Soomaaliya , ayaa shirkii wuxuu ka leexday ujeedadii loo qabtay, wuxuuna isu bedelay shir cusub iyo in wax kastaa kow laga soo bilabo , wuxuuna shirkii qaatey mudo aad u dheer oo laba sano ka badan , aakhirkiina waxaa lagu soo dhisay DFKG ee hada jirtaa , oo uu madaxweynaha ka yahay Mudane Abdullahi Yusuf Axmed ,  waxaana si taariikhi ah  uu Mudane C/qaasin Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii Dowladii Carta lagu soo dhisay ugu wareerjiyey xilkii madaxweynenimo Madaxweyne Abdullahi Yusuf Axmed , oo markii hore ka midka ahaa dadkii ka horyimid Dowladii Carta , wuxuuna C/qaasim ka codsaday aduunka iyo Soomaalidaba in lala shaqeeyo dowlada iyo Madaxweynaba, hase ahaatee dowladii waxaa ka dhexbilowday dagaal siyaasadeed oo is kooxeysi ku dhisan, ooaay kala hogaaminayeen Madaxeyne C/laahi Yuusuf, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan , waxaana  dhacday in intii aanba Kenya la tegin  , dagaal gacan ka hadal ah dhiig leeskaga daadiyey , halkaana lagu kala dhaqaaqey oo laba magaalo la kala degay Muqidsho iyo Jowhar,  hase ahaatee waxaa aay heshiiyeen madaxweynihii iyo gudoomiyhii Baarlamaanka 2005, waxaana leesku waafaqay in Baydhabo dowlada la dejiyo , halkaana leesugu keeno dhammaan dowlada, waana aay dhacday midaas, balse waxaa hadana la kala boodey bartamihii iyo dhamaadkii 2006, ilaa iyo hadana waaa la kala maqan yahay. 

Waxaa xusid mudan in in horaantii 2006, aay soo baxeen xoogag isbahaysi ah oo la baxay Midowga Maxkamdaha Islaamka, (MMI ) oo ka koobnaa ,  Ganacsato, Wadaado, Maamulayaal gobolo, iyo Qabqablayaal kooxo, waxeeyna dagaal xoogan la galeen qabqablayaashii Muqdisho  heystay mudada dheer , waxeeyna ku guuleysteen ineey xamar ka sifeeyeen, qabqablayaashii iyo mooryaantoodiiba, soona celiyaan amnigii iyo kala danbeyntii Caasimada, furaana Dekedii iyo Airportigii Muqdisho ee xirnaa mudada dheer , taasoo ay ku kasbadeen , taageero Caalami iyo gudaha Soomalidaba, gelisayna rajo muwaadin kastaa oo Soomaaliyeed meel kastuu joogo ,   hase ahaatee qolooyinkaa la baxay MMI, waxeey ku fashilmeen ineey la yimaadaan barnaamij siyaasadeed oo cad, waxaana loogu wareeray waxa aay doonayaan , iyo sida aay u doonayaan , waxeeyna deegeysteen ( grabka saarteen ) qoreyga iyaga oo aan si cad u sheegin ilaa iyo inta aay doonayaan ineey qabsadaan, waxeeyna gacanta ku dhigeen inta badan koofurta Soomaaliya,  gaareena xuduuda Soomaaliya la leedahay wadamada Kenya iyo Ethiopia,  taasoo wal walk u abuurtay wadamdaa iyaga ah, waayo MMI, ma jirto heshiis goboleed ama Caalami ah oo aay saxiixeen amaba qabanaya hadii aay xuduuda wadamadaa ku soo xad gudbaan, mana jirin meel looga dacwoodo waayo, ururada goboleed iyo mid caalami oo aay xubin ka yihiin ma jirto, mana aysan ku dhawaaqin ineey u hogaansamayaan dhammaan heshiisyada Caalamiga ahaa oo aay horey dowlada Soomaaliyeed u saxiixdey , sidoo kale waxaa arintaa walaac ka muujiyey Aduun weynaha siiba mareykanka oo ka welwelsanaa in MMI, aay ku dhex jiraan , amaba sutida u hayaan kood la baxday Al-Shabaab, oo ah koox aay u adagtahay in la fahmo waxa aay doonayaan, laguna tuhmay in akhyaar ajnabi  la joogaan , waxaana fashil ku dhaamadey, heshiis la rabay in iyaga iyo Dowlada la dhexdhigo, waxeeyna MMI, weerareen xaruntii DFKG, ee Baydhabo, waxaana dowlada soo gacan siiyey Ciidamada Dowlada Ethiopia, oo uu Mareykanka taageerayo, taasoo meesha looga saarey awoodii MMI,  keentayna in Ciidamada Ethiopia galaan, Muqdisho, kana dhacaan Muqdisho dagaalo xoogan oo sababay dhimasho iyo barakac xoogan, iyo bur bur hantiyadeed oo xad dhaaf ah , waxaana haatan ka qaxsan guryahooda dad aad u fara badan oo ku rafaadsan daafaha Muqdisho, heysanina gar gaar aadaninimo . 

Sidoo kale khilaaf siyaasadeed ayaa soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf , iyo Raisul wasaare Cali Maxamed Gedi , iyadoo Raisul wasaaraha lagu eedeyey waxqabad la,aan iyo maamul xumo, waxeeyna taa keentay in Ethiopia iyo Mareykanka soo fara geliyaan , laguna qasbo Mr Gedi inuu xilka baneeyo , waxeeyna dhabaha u xaartey in Mudane Nuur Xasan xuseen ( Nuur Cade) loo magacaabo Ra,isul wasaare , oo ka mid ahaan jiray dadkii kazoo shaqeeyey xaga arimaha samafalka , mudo dheerna ka mid ahaa ururkii bisha cas ee Soomaaliyeed , wuxuuna  Nuur Cade dhisay haatan xukuumad aad u kooban oo marka la fiiriyo ka tayo fiican xukumadii Mr Gedi, taasoo aay kula talyieen Beesha Caalamka , waxaana uu Nuur Cade sheegay in uu doonayo in xukuumadiisa  ahmiyada koowaad siineeyso wax ka qabadka qodobadaan : 

  1. In xukuumadiisa wax ka qabaneyso xaga ammaanka , soona celineeyso amaan leesku haleyn karo , iyada oo u mareysa wadal iyo dib u heehsiin
  2. In wadal aan shuruud ku xirneyn la gelayo dhamaan mucaaradka DFKG, lana kumayso cid walbaa oo mucaarad ah
  3. In xukuumadiisu sahleyso in gargaarka bani aadaninimo gaaro dadka ku baracay ,ama ku dhawaacmay dagaalada dalka ka jiro , suuragelineysana sidii  dadkaa guryahooda ugu soo  noqan lahaayeen

Waxaana rintaa aad u soo dhaweeye dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxgaradkeeda, oo isugu jira muxaafid iyo Mucaaradba, waxaana maalmahaan muuqda fulinta qaar  ka mid ah , balanqaadyadaa uu horey u sameeyey Mudane Nuur Cadde , waxaana bilowday in lasoo daayo dadkii u xirnaa Dowlada ee Mucaaradka ka midka ahaa, sida Axmed Diiriye, oo ahaa afhayeenkii odayada Beesha Hawiye, waxaa kaloo arkeynaa in la bilaabey in magalaada dhexdeeda laga saaro ciidamadii degenaa oo isugu jiray Ethiopian iyo Soomaali , taasoo keentay in dadka aay bannaan baxyo ku taageeraan kuna soo dhaweeyaan ..

Hadab marka aad fiirisid dhamaan wareeysiyadii uu bixiyey iyo talaabooyinkii ilaa iyo intii uu xilka hayey Mudane Nuur Cadde uu qaadey , waxuu ku kasbaday taageero aad iyo aad u weyn, waxaana aad ula dhacay hadalkiisa dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed, meel kastoo aay joogaan , waxaana xusid mudan in Nuur Cadde uu sheegay in Ciidamada shisheeye dalka laga saarayo marka ugu horeysa oo uu is faham dhex maro Mucaaradka iyo DFKMG, wuxuuna cadeeyey in wax kastaa loo baahanyahay in hab nabadeed loo maro, oo dhib danbe aanan loo celinin shacabkaan aay soo diloodeen dagaalada  iyo abaaraha , mudada dheer , loona turo maatada ku rafaadsan dhamman dunida dacaldeeda, iyo dalka gudihiisa . 

Hadaba anaga oo ka dharagsan xaalada dalkeena marayo maanta, waa talaabo mudan in lasoo dhaweeyo, la dhiiri geliyo, lana taageero, dhan walbaa  talaabooyinkaa aay ku baaqeen kuna dhaqaaqeen Ra,isul wasaare Nuur Cadde iyo xukuumadiisa, si dalkeena looga samatabixyo xaalada uu ku sugan yahay maanta , waana muhiim inaan fahamnaa in Cadawgeena aaysan marna farax gelineynin inaan heshiis iyo is afgarad arimaheena ku dhameeysano, waana midaa mida loo baahan yahay in dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo mucaaradkaba  fahmaan, aqbalaana baaqa uu soo jeediyey Mudane Nuur Cadde 

Qore: Abdullahi N Osman

Asoman66@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com