SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


isbahaysi

War saxaafadeed ku saabsan Qarax lala beegsaday dad rayid : 

Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya wuxuu cambaareynayaa qaraxii loo geystay dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan shalay oo taariikhdu ahayd 03/02/2008 Magaalada Muqdisho.

Waxaa falkaasi ka dambeeyey Itoobiya iyo daba dhilifyadeeda oo caadeystay inay dilaan, dhacaan, bartilmaameedna ka dhigtaan goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka.

Waxaa wax laga xumaado ah in falalka noocaas oo naxariis darrada ah oo lala beegsanaayo had iyo jeer dadka aan waxba galabsan.

Siyaasadda Isbahaysiga waxay ku qotontaa in loo gargaaro, gacanna la siiyo dadka rayidka, sidaas darteed Isbahaysigu wuxuu cambaareynayaa fal dembiyeed kasta oo lala beegsanaayo dadka rayidka ah.

Ugu dambeyntii Isbahaysigu wuxuu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga soomaaliyeed, gaar ahaanna ehellada iyo qaraabada dadkii ku baxay qaraxaas ka dhacay shalay Magaalada Muqdisho, una rajeyneynaa intii ku dhaawacantay inuu ilaahey ka bogsiiyo dhaawacooda.  

Asmara 04/02/2008 

Abaaro Ba'an oo ka tagaan Gobolka Galgaduud

Degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Galgaduud qaarkood ayaa waxaa ku sii fidaya abaaro iyo biyo la’aan baahsan, iyadoo qiimaha Biyaha lagu iibsadana uu gaarey halkii ugu saraysay, kadib markii la waayey labo xili roobaad oo si wayn looga sugayey gobolkaan.

Roobabkaan sida wayn looga sugayey gobolka Galgaduud ee aan mudada labada sano ahi ka da’in, ayaa waxa ay sababeen biyo la’aan baahsan iyo daaqii xoolaha oo gabaabsi noqda, dhanka kale waxaa cirka isku shareeray qiimaha Biyaha lagu geeyo tuulooyinka iyadoo fuustadii biyahana ay gaartey inta u dhaxaysa 50,000 Shilling Somali ilaa 100,000 Shilling Somali taasina ma ahan mid ay dadka dhamaan wada iibsan karaan.

Arinkani ayaa saamaynku yeeshay dadka ku dhaqan degaanada iyo tuulooyinka gobolkaan qaarkood oo horey u haysatay dhibaatooyin xaga nolosha ahi, hase ahaatee xaalada biyo la’aaneed iyo jiilaalka kululi ee ka jirta gobolka Galgaduud ayaa ka sii daraysay kadib markii gobolkaan ay ku soo barokaceen kumanaan qoys kuwaasi oo ka soo cararay rabshadaha ka soconaya magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee ma jiraan wax gargaar ah oo la soo gaarsiiyey qoysaskaan ku dhibaataysaan gobolka Galgaduud, marka laga reebo hay’ada CARE oo mucaawino ka qaybisay degmada Guriceel iyo tuulooyinka ku hareersan, taasina ma ahayn mid kaafi karta noloshooda laakiin waxaa la dhihi karaa waa mid ay aad ugu baahnaayeen dadkaasi.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
Somalitalk.com
Guriceel


KULAN DHEX MARAY SAFIIRKA SOOMAALIYEED EE INDONESIA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA INDONESIA

04 February 2008, Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia, Md. Maxamuud Colow Barow, waxa uu xafiiskiisa ku booqday Guddoomiyaha Baarlamanka Indonesia Dr. Agung Laksono, oo xilliga hadda madax ka ah Ururka Baarlamaanada Adduunka iyo Baarlamaanada Asia – Africa.



Safiirka, wuxuu taariikh kooban ka siiyay Guddoomiyaha taariikhda dhaqan ee soo jireenka ah ee ay wadaagaan labada shacab iyo tan siyaasadeed ee labada xukuumadood, wuxuu sidoo kale Safiirka u sharaxay marxalada adag ee uu shacbigu marayo iyo sida ay dawladda Indonesia uga qeyb qaadan karto dib u dhisida iyo horumarinta hannaanka siyaasadeed wadanka Soomaaliya, iyadoo Indonesia ay mug siyaasadeed iyo mid dhaqanba ku dhex leedahay shucuubta caalamka gaar ahaa, Ururka Islaamka, Ururka NAM, Asia –Africa, UN iyo hayado kale oo caalami ah. Safiirku wuxuu ka codsaday in Baarlamaanka Indonesia uu gacan ka geysto tayo gelinta Baarlamaanka KMG ah hadday noqon lahayd dhanka sharciyada federaalka, doorashooyinka, xawl maalmeedka Guddiyada iyo dhanka hawlwadeenada Maamulka Baarlamaanka oo u baahan koorsooyin iyo dhisid tayo hawleedkoodaba.



Kulankaas ka dib, ayaa waxa labada masuul ay saxaafadda siiyeen go’aamada kulankaas, waxa uuna tibaaxay guddoomiyuhu in uu gaarsiinayo dawladda Indonesia dhambaalka safiirka, wixii khuseeya Baarlamankana uu si deg deg ah ugu hawl gali doono sidii ay gacan uga geysan lahaayeen haddii ay noqon lahayd is dhaafsi khibradeed ama tababaro loo fidiyo hawl wadeenada Baarlamaanka iyo haddii ay noqon lahayd in uu codkiisa gaarsiiyo Baarlamaanada kale si iyagana gacan uga geystaan dhiirigelinta iyo horumarinta adeega uu Baarlamaanka KMG ah hayo oo xilli adag ku jira. Guddoomiyaha wuxuu hoosta ka xariiqey in loo baahan yahay in la garab istaago Baarlamaanka KMG oo ku shaqeynaya duruufo adag, wuxuu ka cudurdaartay inuusan hore u haysan macluumaad badan, balse haddda wixii ka dambeeya uu talaab u qaadan doono sidii boogahaas loo dhayi lahaa.

Ka dib, hadalka Guddoomiyaha ayaa isna Safiirku saxaafadda u sheegay inuu aad uga mahadcelinayo Guddoomiyaha waqtiga uu siiyay inuu ka dhageysto xaaladda adag ee uu ku jiro shacabka Soomaaliyeed marayo iyo sida uu u ballan qaaday inuu taageerayo Baarlamaanka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Kulanka wuxuu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa kulan miro dhal ah.

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia Jakarta


Embassy of the Republic of Somalia
Jl Permata Hijau Raya Block T No. 8
Kebayoran Lama, Jakarta Selatan 12210
Telp. 0062215321920, Fax: 0062215494730
Email: somalirep_jkt@yahoo.com, molow2000@yahoo.com


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2008

Isbahaysiga dib u xoraynta oo Canbaareeyey shir Madaxeedka Tobonaad ee Midowga Afrika 2008. 
.Puntland oo loo soo bandhigay Dastuur Cusub
.Qarixii labaad oo ay dadku dhinteen oo ka dhacay muqdisho
Wararka oo dhan akhri...

 

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com