Maalintii Guusha Muslimiinta
C/kaafi Xasan Jaamac
akaafix@hotmail.com
Maalmaha guushu way badanyihiin balse maalmaha guushu
kala wayn kalana wanaag badan, hadaba akhristayaal maalinta aynu
tilmaamaynaa waa maalintii Caynu Jaaluut, maalintani waa maalintii Alle
kor ahaaye guusha siiyay Muslimiinta jabiyayna cadawgii aadka u darnaa
ee Tataarka (Mongols). Maalintani maahan maalin looga warami karo ama
lagu soo koobi karo qoraal qof qoray, laakiin waa maalin kutub farabadan
laga qoray, waa maalin kulliyadaha taariikhda, milateriga, iyo kuwa
siyaasadaba lagu barto.
Sida lawada ogsoonyahay waxaa qarnigii todobaad ee
Hijriyada kuna beegan qarnigii sadex iyo tobnaad ee Miilaadiga dunida ka
soo baxay nimankii la oran jiray Tataar ama Maangoolyiinta nimankaani
waxay ahaayeen shar aad u dhib badan waxay ahaayeen niman aad iyo aad u
faro badan oo aysan jirin cid tiro isaga caabin karta, waxay ahaayeen
niman aad u dagaalyahansan oo aysan jirin cid dagaal isaga caabin karta,
waxay ahaayeen niman aad u hubaysan oo wata fardo, doonyo iyo qalabka
gacnata looga diriro oo aysan jirin cid la mid ah. Tataarka waxaa madax
u ahaa ninkii lagu magacaabi jiray Jangis Khan oo loo yaqaanay Khaankii
waynaa, ninkaani wuxuu ku taamayay oo raadinayay inuu samaysto
boqortooyo caalamka oo dhan bari iyo galbeedba gumaysata (World
Empire).
Cadawga Maangooliyiinta waxaa ku soo hogaamiyay
dhulka Muslimiinta nin shiicada Raafidada ahaa wasiirna ka ahaa
dawladdii Cabbaasiyiinta oo lagu magaaci jiray Ibnu Calqami oo xukun
raadis ahaa doonayayna inuu muslimiinta galiyo Raafido, khuraafaad iyo
bidcinimo balse ku hungoobay. Tataarka oo uu horkacyo gaalkii Huluga
Khan oo ahaa wiil uu awoowe u ahaa Jangis Khan, waxay soo weerareen
dhulka islaamka 656 H. waxayna qabsadeen dhamaan magaalooyinkii ku
yaalay Ciraaq iyo Shaam. Ugu horayna waxay Tataarku la wareegaan
magaalda Baqdaad waxayna ku xasuuqeen dad Muslimiin ah oo aan tiradooda
laga warami karin, waxaase la rumaysanyahay ku dhawaad labo milyan oo
qof oo aan kala sooc lahayn rag, haween, ciroole iyo caruurba dadkaas
waaxa ku jiray khaliifkii uga danbeeyay dawladii Cabaasiyiinta Muctasim
Bilaah.
Baqdaad xiligaas waxay ahayd hoyga xadaarda dunida,
waxay ahayd meesha dhaqaalaha iyo ganacsiga ugu badan yaaliin dunida,
waxay ahayd hoyga waxbarshada caalamka, waxaa looga imaan jiray dhamaan
dunida oo dhan si wax looga barto, sida culuumta sharciga islaamiga ah
iyo kuwa maadiga ah sida caafimaadka, xisaabaatka, tarjumaanimada
luaqadaha, falsafada iyo suugaanta. Qadar Alle waxaas oo dhan waxaa
cagta mariyay cadawgii Tataarka waxay wabiga ku dareen kutubtii aadka u
badnayd ee yaalay maktabadaha iyo macaahida Baqdaad, waxay kaloo cadawgu
kharibeen beerihii, keliyadii beeraha lagu waraabin jiray, dhismayaashii
iyo dhamaan kaabayaashii dhaqaalaha, masaajidii ayay burburiyeen
khamrona wayba ku dhex cabeen. Isku soo wada duuboo cadawgaasi wuxuu
baabi’iyay dhamaan dhaxalkii ummada islaamka ah iyo dhamaan wax kasta oo
kasoo horbaxaba.
Dabadeed waxay Tataarku u sii gudbeen magaalooyinka
Xalab iyo Dimishiq ee wadanka Suuriya waxayna magaalooyinkaas ka
gaysteen waxa aad u foolxun oo la mid ah wixii ay ka gaysteen Baqdaad.
Waxay Tataarku hadana u sii jahaysteen dhankaas iyo dhulalka Falastiin,
Masar iyo Waqooyiga-Afrika.
Markay halkaas marayso ayaa Eebe wayne wuxuu ummada
Islaamka ah ee dhibta wayni hasatay ka soo dhex saaray halyeey mideeya,
geesigaasna wuxuu ahaa Sayfidiin Qudhus. Suldaan Qudhus wuxuu hawl ka
bilaabay sidii uu culimada iyo waxgaradka ula tashan lahaa taasoo
keentay in la leho ummad ka midaysan dhan kasta.
Warqadii Tataarka
Gaalkii Hulugu oo ka caraysan wali inay harsantahay
ummad islaam ah oo lafaheeda dhuux ku jiro ayaa wuxuu warqad aad u
kharaar oo kibir iyo hanjabaadi ka buuxdo u soo diray Qudhus isagoo ka
dalbanaya inuu isa soo dhiibo, waxayna warqadiisi u qornayd sidaan:
Ka: Boqorkii boqorada bari iyo galbeedba Khaankii
waynaa
Ku: Qudhus-kii Mamluukiyiinta, kaasoo ka cararay
warmahayaga, waa inaad ka fakartaa waxa ku dhacay wadamada kale, waa
inaad isa soo dhiibtaa, waad maqashay sidaan u qabsanay boqortooyadii
hore una sifaynay dhulkii nidaam darada, waanu qabsanay dhulalkii hore
anagoo xasuuqnay dhamaan dadkii ku noolaa.
Kama carari kartid ciidamadayda. Halkeese u
cararaysaa? wadadeese ku cararaysaa? fardahaygu waa kuwo aad u soo
dagdaga, gamuunadayadu waa kuwo caarado dhuuban, warmahaygu waa hilaaca
oo kale, wadnayaashayadu waxay u adagyihiin sida buuraha, ciidamadyadu
waxay u badanyihiin sida ciidda, qalcad na celin kartaa ma jirto iyo
ciidan xoog nagu caabin karaa midna, baryada aad Eabe tuugaysaan nagama
kiin celin karto, waxaa kaliya oo badbaadaya cidii na magangasha. Hadii
aad wax iska caabin isku daydaan waxaad la kulmi doontaan dhib culus,
waxaanu hoy ka dhigan doonaa masaajidiina, waxaanu banaanka u soo saari
doonaa tabar darida rabigiin, kadibna waxaan isku si u xasuuqi doonaa
caruurtiina iyo ciroolihiinaba. Hada waxaad tahay cadawga kaliya oo noo
harsan.
Qudhus wuxuu warqadii kaga jawaabay isagoo surka
kawada jaray ergo kusheegii Tataarka madaxyadoodiina wuxuu ka soo lulay
ilinkii loo yaqiinay
Bab
Zuwela ee magaalada Qaahira. Xaaladii waxay isu badashay in la isugu
yimaado dagaal laguna kala baxo, labadii ciidanba waxay bisha barakaysan
ee ramadaan u soo dhaqaaqeen dhanka dhulka barakaysan ee Qudus, waxayna
ku kulmeem dhulka maant loo yaqaan Daanta Galbeed (West Bank).
Caynu Jaaluut
Ciidankii Tataarka oo uu hagaaminayo Kitbuqa oo ahaa
Generaalkii dhanka dagaalka u qaabilsanaa Hulugu iyo ciidankii
muslimiinta oo ay si wada jira u hogaaminayaan amiir Qudus iyo Ruknudiin
Baybars Bundaqari oo ahaa abaanduulihii ciidanka Muslimiinta waxay
maalin Jamce ah 25-kii Ramadaan 658-dii Hijriyada kuna baagan September
3, 1256-dii isku haleeleen Caynu-Jaaluut oo ah dooxo ay ku
hareeraysanyihiin buuro oo ku taal deegaanka Nabulis ee dhulka
Falastiin. Labada ciidanba aad ayay u tiro badnaayeen oo waxay gaarayeen
tobanaan kun, ciidan kastana wuxuu qabay kalsooni aad u wayn, ciidanka
Tataarku waxayba layaabanaayeen in ayaga oo Muslimiinta jabkii la ogayd
u gaystay in wali ay jiraan ciidamo muslimiin ah oo is hortaagi kara,
dhanka muslimiintana waxaa aad iyo aad u kacsanaa dareenkooda oo waxay
indhahoodu sii eegayeen sidii dadkoodi iyo dalkooda loo baabi’iyay oo
waxay u hamuun qabeen dhiiga cadawga waxayna rajo wayn ku qabeen in
Ilaahay guusha siin doono.
Hogaamiyayaasha labada ciidanba waxay ahaayeen rag
dagaalka khuburo ku ah, Sayfudiin wuxuu ciidankiisa kuwii ugu sii
dagaalyahansanaa ku qariyay buuraha gadaashooda si ay dhabarjabin ugu
sameeyaan ciidanka cadawga, intaa ka dib labdii ciidan fooda ayay is
dareen ciidankii Tataarka oo aan qof ka maqnayn iyo ciidankii
Muslimiinta, arini cirka ayay isku shareertay birta ayaa la,iska
waraabiyay, Baybars iyo Kitbuqa labada saf ayay si toos ah uga kala
dagaalamayeen, Tataarka oo aan waligoodba laga adkaan waxay aad isuga
dayeen inay jiiraan difaacii muslimiinta balse waa u suuragali wayday,
ciidanka muslimiinta waa ciidan isaga yimid dhulalkii muslimiinta oo
dhan waa Carab, Turki, Bershiyiin, Afrikaan iyo qowmiyad kasta oo muslim
ah.
Halkaas markay marayso oo saacado badan lays mari
waayay la iskuna riiqday ayaa ciidankii muslimiintu waxay sameeyeen dib
u garsho xeelad dagaaal iyagoo aan baqo muujinayn laakiin si aad ah u
dagaalamaya ayay dib u yara bexeen balse Tataarkii waxay u qaateen in
Muslimiintu tabar beeleen waxayna aad u soo xoojiyeen weerarkoodi iyagoo
ciidankoodi oo dhana weerarka isugu keenay. Kolkaas ayaa Qudus wuxuu
amar siiyay ciidankiisi kaydka ahaa oo ku amray inay dagaalka galaan hal
mar ayaa ciidankaasi wuxuu dhabarka iyo geesaha ka soo xiray ciidankii
cadawga ciidankii hore ee dib u gurashada ku jirayna waa soo laabteen
waxaan bilaamay dagaal kii ugu adkaa Tataarkiina waxay isku dayeen inay
horay u sii socdaan oo jiiraan ciidanka wajhada hore. Waxaa dagaalkii ku
soo biiray amiirka muslimiinta Qudhus isaga faraskiisi saaran
seeftiisuna galka ka baxsanatahay wuxuuna sadex mar ku dhaawaaqay
kalmadiisi taariikhiga ahayd “Waa Islaamaah, Waa Islaamaah, Waa
Islaamaah” oo ugu yeerayo inay muslimiinta dagaalka galaan oo Alle jano
siinayo.
Cadawgii jab xun ayaa Eebe ku riday waxaana isla
markiiba muslimiintu qoorta ka jareen hogaamiyihii ciidanka Tataarka
Kitbuqu, waxaana yimid nasrigii Alle Tataarkiina waxaa loo jaray sida
balka ama cawska oo kale firxadkoodiina dib ma soo fiirirn, waxaana sii
daba galay oo buur, banaan iyo wado kasta ku gumaaday ciidan uu
hogaaminayo amiir Ruknudiin Baybras, halkaas ayayna ka sii socotay
xorayntii dhulka muslimiinta taasoo aan waqti badan qaadan, labo
maalmood ka dib waxay Tataarku ka sii carareen Xalab iyo Dimishiq,
Hulugu isagu shaqsi ahaan waa ka badbaaday goobtaas sababtoo ah wuxuu ku
maqnaa dhulkiisi oo wuxuu jiray walaalihiis oo xukunka isku haystay.
Inkastoo boqortooyadii Tataarku labo qarni oo danbe
ay ka sii talinaysay dhulalka Shiinaha, qaybo kale oo Aasiya ka mid ah
iyo inata badan Yurubta bari oo Ruushku ku jiro hadana waxay noqotay
maalintii uga horaysay ee dunida laga dhex maqlo Tataarkii yaa laga
adkaaday waxay kaloo tani gabi ahaanba hoosta ka xariiqday dhamaadka
haysashadii dadka iyo dalka muslimiinta, waxaana laga furtay xoolihii ay
dhulka muslimiinta ka bililiqaysteen, waxaana laga sii daayay dadkii ay
qafaasheen. Waa maalin muslimiintu farxad wayn iyo isu bishaarayn galeen
halka Masiixiyiintii, Yuhuudii iyo Munaafaqtiintii Tataarka gacnata
siinayay la halaagay, Alaahu akbar.
Qisadaan waxaa ku jira xikmado waawayn oo rabbaani ah
kuwaas oo ay ugu horayso midnimada muslimiintu wanaaga ay leedahay iyo
tafaraaruqu dhibta uu leeyahay, iyo sidoo kale dhib kasta oo gaara
muslimiintu inay iyagu cirib danbeedka leeyihiin markay Alle u soo
laabtaan. Walaalyaal waxaan Alle ka baryaynaa in Eebe ummada islaamka ah
maanta u soo saaro hogaamiyayaal sabab u noqdo guul islaamku gaaro oo uu
kaga kor maro gaalada oo la mid ah Sayfudiin Qudhus, Salaaxudiin Ayuubi
iyo Daariq Binu Siyaad.
Aamiin Aamiin Aamiin
C/kaafi Xasan Jaamac
akaafix@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan