SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CADAWGAAGA SAAXIIBKIIS WAA CADAWGAAGA

Bismilaah wacalaa sunatu Rasuulilaah (s.c.w.)

Kadib markii ay la wareegeen gacan ku heynta wadanka soomaaliya kacdoonka shacabka oo ay hormuud ka yahiin maxaakiimta islaamka soomaaliya waxaa mar qur ah afka furtay caalamka haba ugu darnaadaan reer galbeedka iyo kuwa dano gaar ah ka leh wadanka somaliya waxaa ka xumaaday isbadalka somaliya iyo nabadda ay kacdonka ku soo dabaaleen reer galbeedka uu ugu horeeyo mareykanka waxaa la furay miiska wada hadalkana la soo saaray buugi somaliya oo muddo aan lakala furin waxaa markiiba la magacaabay urur looga magac daray xiriirla caalamiga ee somaliya.

Mareykanka oo ah wadankii ku fashilmay hubeynta iyo habeynta hogaamiye kooxeedyadii somaliya qasayay ayaa markiiba taagaradiisa u wareejiyay wadan ah cadowga somaliyeed iyo kuwa damiirlaawayaal ah ee somaliya dhigay meesha ay manta taagantahay.

Dowlada mareykanka oo ku sasan ereyga ARGAGAXISO ayaa markiiba taageero buuxda ku bixisay in laga hortaga qatarta ka soo shaac baxday somaliya waa yaabe shacabkii markii ay tashadeen kana tashadeen hogaamiya kooxed iyo dhiigyacab miyaa ay Qatar noqdeen waa arrin mucjiso oo aan maskaxda dadka samaha jecel qaadan Karin

Waxaa markiiba qeylo dhaan lookala diray dunida 3aad ee reer galbeedku ku tamashleynaayaan waxaana la go,aamiyay in somaliya loo diro ciidamo nabat ilaalin waa amakaage somaliya waa goortee marka ay ciidamo u baahneyd? Jawaabta waa markii ay heysteen dhiigyacabka iyo caadaqaatayaasha waxaa haddana ka sii darnaatay markii ay dowlada Ethiopia ee aan mudada cadowga nahay soo gashay wadanka somaliya arrintasna wax ka hadlay malahan sida sharcidarada ah ee Ethiopia somaliya ku soo gashay iyo dullanka qaawan ee wadan xor ah ku soo qaaday laakiin waxaan yaqiinsanahay oo aan kawada dharagsanhay in Ethiopia ay ka mid tahay dowladaha Africa ugu faqiirsan aysan awoodin in somaliya soo gasho joogi Karirina maalin qur ah

Sidaan ogsoonahay wadanka somaliya waa la qabsaday waxaa manta somaliya ay ku jirtaa gacan shisheeye uguna horeeyo mareykanka uguna danbeeyaan kuwa laga dhigtay wadadii loo mari lahaa qabsashada kuwaa marka aan ku daraayo uma arko in ay somali yahiin waxaan u arkaa damiirlaawayaal aan caqli laheyn oo caadaqaatayaal ah.

Waxaa somaliya 28/12/2006 ay gashay gumeysi cadaw soo jiraan ahna hormuud ka yahay ee Ethiopia
U dhaadhac hoos waxaa wadankii somaliya ka bilwday kacdoon xalaal ah oo hubeysan oo hadh iyo habeen u taagan xoreynta wadanka somaliya waxaa meel uu ku kaadiyo loo diiday cadowga umadda somaliyeed waxaa is ballansaday mubaayacana wada galay shabaabka soomaalya ee xalaasha ah kana dhiidhiyay gumeysiga wadankeena uu galay
Waxaan kawada dharagsanahay in habeen iyo maalinba la weeraro hurdo iyo hadhsina loo diido gaalada wadanka ku soo duushay iyo dabadhilifkooda marka aan sidaa ku leeyahay waxaa yar weerarada lagu qaado kuwa kale ee huwan magaca AU ee dana gaar ah wadanka ka leh sida doolar aruursi iyo wax la mid ah dabcan annaga mar aan heshiinay aan iska kicinay hogaamiya kooxeedyadii umaba baahnin nabat ilaalin iyo wax la mid ah ileen nabadii waxaa soo celiyay shacabka somaliyed ay hormuud ka yahiin maxaakiimta islaamka somaliy

Si kastaba ha ahaatee, marka aan aniga u soo dhaadhaco cinwaanka maqaalka ee ah CADAWGAAGA SAAXIIBKIIS WAA CADAWGAAGA waxaan ula jeedaa in wadankii la qabsaday ayna qabsadeen ciidamo huwan ah 1 Ameraica oo ku sasan ladagaalanka argagaxisada caalamka 2 Ethiopia oo dana gaar ah ka leh somaliya bad la,aana heyso 3 Ugandha iyoBarundi oo ah ayagana dhaqaale doon iyo kuwa Somali isku sheeg ah laakiin aan damir laheyn una laheyn caqli waxaa dhacaaya.

Waxaan aniga maskaxdeeyda I tusisay in gumeysiga loola dagaalo si isku mid ah loona aabo yeelin AU ama UN wax waliba haku socdaane, waxaan meesha ka marneyn in cadawga somaliya yahay mid cadawgana maba kuu kala sokeeya kan kula dagaalamaayo iyo kan garabka siinaayo oo garoomada iyo dekedaha gacanta ku haayo.

Waxaan mujaahidiinta iyo jogaamiyayaasha kacdoonka ka codsanaayaa in ay bilaabaan halgan ka dhan dhamaan cadawga umadda soomaliyeed Ethiopia, Ugandha iyo Barundi iyo kuwa dabadhilifka u ah meel walbo oo ka mid ah somaliya.

Waxaan hadalkeyga dheer kusoo gebo gabeynayaa in umada somaliyeed INSHA,ALLAH helo doonaan xoriyadoodii mar kale cadawgana ka shaleyn iyo sheekeyn doonaan galitaanka wadanka somaliya kuwooda ka hara dabadhilifna aan garan doonin wajiga oo somaliya ugu noolaan doona waxii ka hara.

Wabilaahi towfiiq

Waxaa qoray: ahmedsandheere@hotmail.co.uk
saxaaf@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2008

 

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com