SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CALI SALAAD BARE GEESI DIIDEEY GUMEEYSIGA IYO HEERYADIISA

Muwaadinka Somaaliyeed dareenka,damiirka iyo qiiradda Wadaniyadeed leh,diidan gumeeysigaiyo heeryadiisa foosha xun waxeey la kulmeen dhibaatooyin xad dhaaf ah,tacadi aan la soo koobi kareen,tirro badan ayaad godka u galay difaaca dalkooda Hooyo iyo xurmada Diintooda Muqaska ah(Allah Naxariistii Jano Ha Siiyo).

Lama soo koobi karaayo Geesiyaasha Somaaliyeed oo Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya iyo Maryo calasto ku dileen Dalka gudihiisa,gaar ahaan Caasimadda Qaranka Muqdisho, waxaan Qoraddan gaaban ku Xusaayaa Muwaadin Somaaliyeed,Odey si cad u taageeray lana duubtay Halgankii Midoowgii Maxaakiimta Somaaliyeed xiligii ayeey Nasrigii,Karaamadii iyo Guulaha xaqa u soo hooyeeyn Shacabka Somaaliyeed,ana tuureen heeryadii iyo Dhibkii Qabqablayaasha Diinta iyo Dadlka la coloobeey kuwii Xaaraanta ka doortay Xalaasha-Marxuum-Cali Salaad Barre ahaa Muwaadin Somaaliyeed Diintiisa iyo Dalkiisa Jecelaa,Weliba ku jiray xiligaas Qaliin loogu soo sameeyey Dalka Emaaraadka.

Halyeey-Marxuum Cali Salaad Barre oo deganaa Xaafadda Xamar Bille,kana mid ahaa odayaasha magaca weyn ku lahaa Degaankaas,taakuleyn iyo u gargaarida Dadka u taagnaa,kana shaqeyn jiray midnimadda iyo difaaca dalka hooyo,Halyeeygaas iyo dhoowr qof oo Ehelkiisa ka mid ah eeyna ku jireen- Aden Dheere iyo Labo wiil oo wuu dhalay waxaa kala baxay gurigii eey ku sugnaayeen oo Xaafadda Xamar bille ah Raxan Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya oo si xoogan u qabsaday guud ahaanba Xaafada,sidda muuqatana si toos ah u raadinaayeen Odeyga- Cali Salaad oo ka mid ah ahaa Taagerayaashii Maxaakiimta, Afartaas Nin markii Ciidanka itoobiyaanku la baxeen waxeey geesteen Garaash koonaha xaafada ku yaaley,waana Goobta Markii damme laga helay Meeydkood oo Toogasho Madaxa ah lagu dileey,weliba waxaa ayaan darro in Meydkooda la helay Muddo ka dib,eeyna adkaatay aqoonsigooda,laakiin astaan iyo Dharkoodii la aqoonsaday,waana arrin tusaale u ah Tacadigga Gumeeysiga iyo Raxanta Shaqaalaha u ah,Laakiin Cali Salaaad Iyo Dhigiisuba waxeey u dhinteena Difaaca Diintooda iyo Dalka Xoriyadiisa,Taariikhada ayaa xuseeysa Doorka Wadaniga dhabta ah waxaana lagu qori doonaa bogaga dahab ah Mijrimiintuna ku Qormaa bogaga fool xun iyo ereyo ceebaad.

Anigoo ku Hadlaaya Codka iyo Magaca Wadaniyiinta u Taagan Difaaca Diintooda iyo Dalkooda,Muwaadiniinta diidan Qabsashadda iyo heeryadda Gumeeysigga waxaan halkan Tacsi uga soo jeedinaayaa Qoyskii,Eheladii iyo Guud ahaanba xaq u Dirirka Somaaliyeed Sanad guurada Dilkii ama Xasuuqii Aafartaa Halyeey ee wuu hormoodka u ahaa-Wadanigii weyn-Cali Salad Bare,waxaan si gaar ah ugu Tacsiyeeynaa Wadaniyada weyn oo heeganka u jirta Gudashada Waajibkeeda(Deeqo Cali Salaad Bare) oo safka hore ka taagan Banaan baxyada iyo howla badn oo loogu gargaaraayo Shacbka Somaaliyeed oo gudaha Dalka ku Dhiban Alle Ajar iyo axsaan ha ka siiyo wanaageeda,Sabir Iyo Iimaana ka Siiyo Aabeheeda iyo Ehelkeedii kaleba-Aamiiin.

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-10/02/2007-
- sharifhassan50@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2008

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...: 3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland ee saddexda sano (2005-2008) ku jirey xabsiga Thailand ayaa helay Xoriyadoodi, waxay hadda ku sugan yihiin..... Akhri...

G/sare C/lahi Yusuf: DFKMG waxay jiri doontaa 5-sano ka badan, Itoobiyaankuna kama bixi doonaan Soomaaliya.... Daawo Waraysi

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com