SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print

Kulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde
nuur cadde
G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...



 

Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Isbahaysiga lala hadli karo marka laga reebo kooxo Argagaxiso ah.
 

Ra’iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Somalai Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay wada hadalka la filayo inuu u furmo Dowlada iyo Isbahaysiga.Ra’iisul-wasaaraha ayaa sheegay in Somalia ay kamid tahay dalalka ugu dagaalada badan caalamka ayna kaalinta 1aad ka gashay dalalkaasi.


Mar uu ka hadlay wada hadalada ayuu sheegay inay la furi doonaan wada hadalada badi mucaaradka Asmara ku sugan marka laga reebo kooxo uu ku sheegay inay Argagaxiso yihiin kana soo dagaalameen wadamada Ciraaq iyo Afghanistan sida uu hadalka u dhigay.

“Adeer, waan la kulmeynaa inta badan mucaaradka Asmara fadhiya, marka laga reebo kooxaha aan naqaan adduunka ka diiwaan gashan ee Argagaxisada ah kana soo dagaalamay Ciraaq iyo Afghanistan” ayuu yiri Nuur Cadde.

Nuur Cadde waxuu sheegay inay xukuumadiisa la shaqeyso CIA-da Mareykanka, isla markaana ay isku kaashan doonaan sidii kooxaha uu ku tilmaamay Argagaxisada ee Somalia joogta cagta loo marin lahaa. Si kastaba ha ahaatee, hadalka Nuur Cadde ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan la filayo in kulan yeesheen Dowlada KMG ah iyo Kooxaha Mucaaradka ku ah.
 

Ciidamo Ethiopian iyo Soomaali ah oo qaraxyo xay lala beegsaday.
 

Ciidamo iskugu jira Ethiopian iyo Soomaali ayaa lagu soo waramayaa in xalay qarax lagula beegsaday inta u dhaxeysa deegaanada Carbiska iyo Tareedishe ee duleedka Muqdisho. Ciidamadaan ayaa la sheegay inay usoo socdeen magaalada Muqdisho oo ay xarumo ku leeyihiin, kuwaasoo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa qeybo kamid ah gobalka Shabeelaha Hoose.

Ilaa hada lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ee ciidamadaan kasoo gaaray labo qarax oo lala beegsaday, iyadoo qaraxyada kadib ay ciidamada rideen rasaas xoogan.Ciidamadaan Soomaalida iyo Ethiopian-ka iskugu jira ayaa baaritaano ka bilaabay goobihii ay xalay qaraxyada ka dhaceen iyagoo qabtay dad halkaasi ku sugnaa.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka ayaa iska cabin kala kulma kooxaha  kasoo horjeeda Siyaasadooda, kuwaaso qaraxyo iyo tacshiirad la beegsada.
 

Mas’uul ka tirsan Gobalka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay.
 

Waxaa xalay degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir lagu dilay allaha u naxariistee Agaasimihii guud ee arrimaha Bulshada maamulka G/Banaadir Marxuum Cabdulle Max’ed Qaasim. Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyadiin Max’ed Jurus ayaa Saxaafada u xaqiijiyay geerida mas’uulkaasi, isagoo sheegay inay dileen afar nin oo Bastoolad ku hubeysnaa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xiligii la dilayay mas’uulkaan uu kasoo baxay masjid degmada ku yaala oo uu salaadii Maqrib kusoo tukaday.Shalay ayay aheyd markii laba qarax oo waa weyn oo lagu doonayay in lagu dilo mas’uuliyiin maamulka gobalka Banaadir ka tirsan ay ka badbaadeen.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho waxaa caada ka noqay dilalka qorsheysan ee loogu geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobalka Banaadir.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com
 

Xuubsireed oo ka hadlay xaalada Madaxweyne C/laahi Yuusuf.
 

Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuubsireed” ayaa ka warbixiyay xaalada caafimaad ee Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf oo shalay Muqdisho soo gaaray.

Afhayeenka waxuu sheegay in xaalada caafimaad ee Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf aad u wanaagsan tahay, isla markaana uu daawooyin xoogan soo qaatay.

“Madaxweynaha sida loogu fasiray xaaladiisa Caafimaad ma ahan, Madaxweynaha aniga ayuuba iiga caafimaad wanaagsan yahay xiligaan” ayuu yiri Xuubsireed.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf safaro kusoo marayey dalalka caalamka, isla markaana uu mas’uuliyiinta dalalkaasi kala soo hadlay xaalada Somalia iyo sidii ay gacan ugu geysan lahaaayeen wada xaajoodka la filayo inuu dhex maro DF iyo Isbahaysiga.“Madaxweynaha waxaa ka go’an sidii dalka uu u nabadeyn lahaa, waxuuna ugu baaqayaa mucaaradka inay miiska wada hadalka kasoo xaadiraan, marka laga reebo kooxo Argagaxiso ah oo aan mudneen in lala hadlo” ayuu yiri Xuubsireed.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo markii uu yimid Muqdisho saacado kadib hoobiyaal lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo uu degan yahay.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com

Soomaalida ku dhaqan South Africa oo ka cabanaya lacag baad ah oo laga qaado.
 

Soomaliida ku dhaqan dalkan Koonfur Afrika gar ahaan gobollka Noth West, ayaa waxay cabasho ka mujiyeen lacago baad ah oo hadh iyo jeer laga qaado.Dadkan soomaalida ee cabanaaya ayaa waxay degaan yihiin gobollka Noth West ee magalada Kleksdoop, dadkan soomaalida ayaa baadidooda ganacsi ku leh tuulooyinkaas hoos yimada magalada Kleksdoop.

Hadaba ganaacsatadaan soomaalida ayaa waxay ii xaqiijiyeen in niman u dhashey wadanka oo isku sheegay in eey yihiin nabadoonada tuulooyinkaas, eey lacago baad ah ka qataan iyagoo misna ugu hanjabo hadii eey bixin waayaan lacagahaasi in eey kicin doonaan dadka madoow ee uu dhashey wadanka ee ku dhaqan tuulooyinkaasi oo ah dad aan sidaa uu caqli badneen iyagoo meshii loo hogaamiyaa hadh iyo jeer raaco.

Dhinaca kale tuulooyinkaan hoos yimada magalada Kleksdoop ayaa waxaa ka ganacsada Soomaali fara badan oo dukaamo waa weyn iyo kuwo yar yar ba ku leh, ganaacsatadan soomaalida ayaa sannadkii 2007 bishi April gabi ahaanba dukaamadoodi ciida afka loo daray ka dib markii dad careeysan oo uu dhashey wadanka ay maalin cad dukaamaadi ay boobeen.

Si kastaba ha ahaatee, booliska gobollka Noth West ayanaan kaalin muqaata kaga jiriin nabadgalyeda gobollka, iyago hadh iyo jeer tacadiyada loo geeysanayo dadka Soomaalida ee ku dhaqan gobollka eeysan waxba ka qaban.

Hassan Yeey
South Africa
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 16, 2008


bosasoDEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....
Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...: 3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland ee saddexda sano (2005-2008) ku jirey xabsiga Thailand ayaa helay Xoriyadoodi, waxay hadda ku sugan yihiin..... Akhri...

G/sare C/lahi Yusuf: DFKMG waxay jiri doontaa 5-sano ka badan, Itoobiyaankuna kama bixi doonaan Soomaaliya.... Daawo Waraysi

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com