SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print

Qoraallada Batroolka Soomaaliya: Wararka, faallada iyo maqaallada laga qoray batroolka Soomaalida. Ka akhri: www.SomaliTalk.com/oil/


Ra'iisul-wasaaraha DFKMG Nuur Cadde oo ka hadlay arrimo salka ku haya dib u heshiisiinta Somalia....


Wararkii Maanta:

  • Nuur Cadde iyo wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.
  • Faahfaahinta dagaaladii xalay ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.
  • Ciidamo Maxkamadaha ka tirsanaa oo xoog kula wareegay gaadiid iyo ciidamo ka tirsan maamulka Sh/dhexe.
  • Afhayeenka Booliska oo baaq u jeediyay dagaalyahanada Muqdisho.
  • Qarax qasaaro geystay oo xalay ka dhacay Beledweyn.
  • Ganacsato xalay lagu dilay xaafada Towfiiq ee Muqdisho.
  • Muqdisho: Ganacsatada Bakaaraha oo baaq u jeediyay Ra'iisul-wasaaraha DFKMG Cadde.
  • Dagaal xoogan oo ka bilowday Isgooyska Howl-wadaag ee Muqdisho.

Waxaa isku soo dubaridey
Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com

Nuur Cadde iyo wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Ra'iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Somalia Col. Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa saaka subaxdii hore soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

Ra'iisul-wasaaraha DFKMG oo ay safarkiisa ku wehliyaan mas'uuliyiinta ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia, waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlada, maamulka gobalka Banaadir, saraakiisha ciidamada DF, Ethiopian-ka iyo kuwa AMISOM iyo dadweyne aad u fara badan.

Intii uu saaka Muqdisho soo gaarin Ra'iisul-wasaaraha DFKMG Nuur Cadde waxaa la adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo waddooyinka soo gala, iyadoo goob kasta lagu arkayay ciidamo iskugu jira Soomaali iyo Ethiopian oo taagan.

Ra'iisul-wasaaraha ayaa loo soo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia isagoo lagu soo qaaday gawaarida AMISOM ee aan xabada karin.

Ra'iisul-wasaaraha DFKMG ayaa kulan albaabada u xiran yihiin kula yeeshay Madaxtooyada Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalka uu marayo iyo waxyaabihii ugu soo qabsoomay safaradii Ra'iisul-wasaaraha.

Waa markii ugu horeysay oo labada mas'uul ee ugu sareysa dowladda KMG ah ay ku kulmaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda wadanka Somalia.

Dhowaan ayay aheyd markii Ra'iisal wasaare Nuur Cadde safarkiisa ugu horeeyay uu ku yimid magaalada Muqdisho, hasa ahaatee safarkaasi ayaa waxaa qal qal galiyay madaafiic hoobiyeyaal ah oo lala beeg saday garoonka Muqdisho, waxyar ka dib markii uu kasoo gudbay.

Si kastaba ha ahaatee, Ra'iisul-wasaaraha DFKMG Nuur Cadde ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi, isagoo waday dadaalo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Dowlada KMG ah iyo Mucaaradka.

Faahfaahinta dagaaladii xalay ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

Isgoosyada Aadan Cadde iyo Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia iyo Kooxaha kasoo horjeeda.

Dagaalkaan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa labada dhinac lagu soo waramayaa inay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa hada lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala gaaray, iyadoo saaka lagu arkayay isgoosyadaasi ciidamada Dowlada KMG ah oo aad u tuban.

Isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee isgoosyadaas ayaa saaka cakiran, iyadoo ay jiraan rasaas ay ridayaan ciidamada DF.

Maxamed Deeq Salaad Cabdi oo kamid ah dhalinyarada degan Howl-wadaag ayaa Saxaafada u sheegay inuu saaka soo arkay dhiig fara badan oo laamiga daadsan iyo kaba yaaba isgooyska Howl-wadaag oo loogu cararay.

Si kastaba ha ahaatee, Isgooyska Howl-wadaag ayaa noqday goobta ugu daran oo ay isku fara saaraan ciidamada DF iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Ciidamo Maxkamadaha ka tirsanaa oo xoog kula wareegay gaadiid iyo ciidamo ka tirsan maamulka Sh/dhexe.

Sida uu xaqiijiyay Guddoomiye K/xigeenka maamulka Shabeelaha Dhexe Xuseen Dheere, maleeshiyo taabacsan Maxkamadihii Islaamiga Somalia ayaa xoog ku qabsadeen labo gawaari oo ay lahaayeen maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiye K/xigeenka ayaa sheegay in labadaasi gawaari ay ahaayeen Tekniko qoryo saaran yihiin, kuwaaso ay la wareegaan maleeshiyadaan taabacsan Maxkamadaha Islaamiga sida uu hadalka u dhigay.

Xuseen Dheere waxa uu sheegay inay Maleeshiyadaan sidoo kale qabsadeen Ciidamadii watay gaadiidkaasi.

"Waxa ay gaadiidka iyo ciidamada ay qabsadeen la aadeen tuulada Ceel Baraf ee G/Shabeelaha Dhexe, waana ku raadjoognaa" ayuu yiri Xuseen Dheere.

Xuseen Dheere oo markii uu Saxafaada u waramayay hadalkiisa laga dheehan karayay carro xoogan, ayaa wacad ku maray inay soo qaban doonaan ragaasi uu ku sheegay inay Maxkamadaha ka tirsanaayeen.

"Cidii kamid ah ragaasi oo aan gacanta kusoo dhigno, nolol kuma heyn doono oo dhulka ayaan ku aasi doonaa" ayuu ku goodiyay Xuseen Dheere.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa noqotay mid si weyn maanta loogu hadal hayo gobalka Sh/Dhexe iyo gobolada ku dhow dhow.

Afhayeenka Booliska oo baaq u jeediyay dagaalyahanada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Booliska gobalka Banaadir Cabdilaahi Cumar Ibraahim "Shac Shac" ayaa markii ugu horeysay baaq u jeediyay kooxaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Dowlada KMG ah.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay ciidamada Dowlada KMG ah dagaalada Muqdisho ku daaleen isla markaana ay ugu baaqayaa kooxaha kasoo horjeeda inay xabada ka daayaan.

"Dagaal labada dhinacba cid uu u roon yahay ma jirto, waxaan ugu baaqayaa kooxaha naga soo horjeeda inay xabada naga daayaan aana wada hadalno" ayuu yiri Shac Shac.

Waxaa uu sidoo kale Shac shaac ugu baqay in ay ka war sugaan dedaalada lagu doonayo xalidhinta dhibaatada taagan isla markaana ay shacaba u ogolaadaan in ay nabada ku noolaadaan waa sida uu hadalka u dhigay Shac Shaac.

Shac Shac ayaa ahaa nin inta badan guula ka sheegta dagaalada Muqdisho ku dhex mara ciidamada DF iyo dagaalyahanada kasoo horjeeda, iyadoo dabacsanaantiisa maanta ay aad dadweynaha Muqdisho u hadal hayaan.

Hadalka kasoo yeeray Shac Shac ayaa kusoo beegmaya xili habeenadii ugu dambeeyay ay Muqdisho noqotay magaalada dagaalo cul culus ku dhex maraan ciidamada DF iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Qarax qasaaro geystay oo xalay ka dhacay Beledweyn.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegayain xalay qarax loo adeegsaday bam gacmeed lagu weeraray ciidamo ka tirsan DF oo halkaasi ku sugnaa.

Ciidamadaan la weeraray ayaa dhex marayay xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyn, iyadoo qarasaaro uu soo gaaray ciidamadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamada uu dhaawac kasoo qaaray qaraxaasi, isla markaana ay qaraxa kadib ciidamada fureen rasaas xoogan.

Qaraxa ayaa sida la xaqiijiyay waxa uu dhaawac kasoo gaaray labo qof oo rayid ah kuwaaso u dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo qof kalena uu dhaawac kasoo gaaray rasaas ay rideen ciiidamada.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa saaka ka hadlay qaraxaasi, waxuuna sheegay inay ka dambeeyeen kooxaha kasoo horjeeda DF oo isagu yiraahdo Argagaxiso.

Waxuu sheegay inay wadaan dadaalo ay ku nabadeynayaan Hiiraan gaar ahaan Beledweyn, isagoo ku goodiyay inay gacanta kusoo qaban doonaan kooxaha qalaasaha ka wada gobalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Beledweyn waxa ay noqotay magaalada labaad ee ugu ammaan darada xun Somalia marka laga soo tago magaalada Muqdisho.

Ganacsato xalay lagu dilay xaafada Towfiiq ee Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ayaa xalay dil u geysteen saddex ruux oo Ganacsato ahaa, kuwaaso dukaan ku ahaa xaafada Towfiiq ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ciidamada DF ee dilkaasi geystay ay dhac u geysteen hanti taalay dukaankaasi.

Seddexdaasi ruux oo ganacsatada ah ayaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah goobtaasi uu ku naf-baxay, halka labada kale dhaawac ahaan goobtaasi laga qaaday, balse markii dambe ay u geeriyoodeen dhaawacaasi soo gaaray.

Saraakiisha ciidamada DF oo ay Saxaafada la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay arintaasi ka hadlaaan, iyadoo qaadkoodna ay beeniyeen inay ciidamada dilkaasi geysteen.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Dowlada KMG ah ee Muqdisho ku sugan ayaa caadeystay inay dhac iyo dil bareer ah u geystaan shacabka, taasoo aysan jirin ilaa imika cid ka tirsan mas'uuliyiinta sar sare ee DF oo ka hadashay.

Muqdisho: Ganacsatada Bakaaraha oo baaq u jeediyay Ra'iisul-wasaaraha DFKMG Cadde.

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad "Cali Dheere" oo maanta Saxaafada Muqdisho la hadlay ayaa baaq u jeediyay Ra'iisul-wasaaraha DF Nuur Cadde oo maanta Muqdisho yimid.

Ganacsade Cali Dheere ayaa ugu baaqay Ra'iisul-wasaaraha inuu faraha soo galiyo xaalada murugsan ee ka taagan suuqa Bakaaraha.

Ganacsadaha ayaa sheegay inaan suuqaasi lagu ganacsan ku dhawaad 8 bilood oo xiriir ah, kadib markii waddooyinka laga soo galo la dhigay ciidamo ka tirsan DF, kuwaaso weeraro kala kulma kooxaha kasoo horjeeda.

"Hadii waddooyinka suuqa soo gala laga saaro ciidamada Dowlada KMG, waxaan hubnaa inuu suuqa kusoo noqonayo sidii uu hore u ahaa" ayuu yiri Ganacsade Cali Dheere.

Ganacsadaha ayaa sheegay inay Nuur Cadde baaqaan ugu jeediyeen kadib markii ay u arkeen inuu yahay nin nabad ka shaqeeya isla markaana mar walba qaata talooyinka Ganacsatada, Aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida.

Baaqan Codsiga ah ee uu jeedinayo Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo todobaad ka badan aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo taasina ay timid kadib markii ay halkaas dhowr jeer ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag, kuwaasi oo xalay oo ugu dambeysay ay dagaalameen Kooxo ka soo horjeeda.

Si kastaba, ha ahaatee ciidamada Dowlada KMG ah ayaa fadhiya waddooyinka soo gala suuqa Bakaaraha kuwaaso mararka weerar lagu qaado rasaas lasoo beegsada dadka ku ganacsanaya suuqa gudahiisa.

Dagaal xoogan oo ka bilowday Isgooyska Howl-wadaag ee Muqdisho.

Dagaal culus ayaa daqiiqado ka hor si xoogan ugu bilowday Isgooyka Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, halkaaso isku fara saareen ciidamada Dowlada KMG ah iyo Dagaalyahanada kasoo horjeeda.

Dagaalka ayaa si xoogan iminka ugu socda (markii warkan la daabacayey) Isgooyska Howl-wadaag iyadoo dagaalka uu kusii fiday ilaa xaafada Shanta Geed ee degmada Howl-wadaag.

Labada dhinac ayaa isku adeegaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dadka deegaankana ay soo sheegayaa inuu jiro qasaare xoogan oo rayid soo gaaray.

Ilaa hada lama xaqiijin karo qasaaraha dhabta ee dagaalkaan socda uu geystay, iyadoo waddooyinka jid cadayaasha ah ee Howl-wadaag lagu arkayo dagaalyano hubeysan oo buux dhaafiyey.

Waxii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.

Jaamacada Carabta oo ciidamo usoo direysa Somalia.

Danjiraha Jaamacadda Carabta ee arimaha Soomaaliya Samiiral Xusni oo maanta u waramayay Saxaafada Masar qaarkood ayaa sheegay inay ciidamo nabad ilaalineed usoo diri doonaan dalka Somalia.

Samiir waxa uu sheegay inay muddo Jaamacada Carabta ay ka dhaga fareysanayay xaaladaha isa soo taraya ee Somalia, balse ay go'aan ku gaartay inay fara galin ku sameyso.

Danjira waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in hada la wado qorista ciidamada Somalia la keenayo Somalia, isla markaana muddo saddex bilood gudahood la geyn doono.

"Ciidamadaan Jaamacada Carabta ka socda waxa ay adkeyn doonaan ammaanka faraha kasii baxaya ee Somalia, waxeyna la shaqeyn doonaan ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM" ayuu yiri Danjira.

Sababaha ay Jaamacadda Carabta uga gaabisay arimaha Soomaaliya ayaa ku sheegay in ay tahay in ay saluugsan tahay xaalada Soomaaliya ,ayna markaas haboon tahay in ay Madaxda Soomaalidu isku timaado ayna ka tashadaan aayaha dalkooda.

Mawqifyada Jaamacadda Carabta ee Arimaha Soomaaliya ayaa marba nooc noqda ,waxa ayna Jaamacadda Carabta laga waayay dhaqaale ay horey ugu deeqday dowlada Soomaaliya markii la asaasay ayadoo ay heysteen xaalada qalafsan oo ay ka mid ahaayeen Duulaamo kaga imaanayay Hogaamiyaashii Muqdisho iyo Kooxo hoose.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo ay Jaamacada Carabta ka dhawaajiso inay ciidamo ka socda usoo diri doonto dalka ay dagaalada bur buriyeen ee Somalia.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com

Ra'iisul-wasaaraha DFKMG Nuur Cadde oo ka hadlay arrimo salka ku haya dib u heshiisiinta Somalia....

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Somalia, Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" oo shalay Wareysi dheer siiyey TV universal ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo salka ku haya dib u hishiisiinta Somalia iyo Nabad xumida ka jirta Qeybo ka mid ah Dalka,Waxaana Ra'iisul Wasaaraha uu sheegay inay Dowladiisa (FKMG) u diyaarisay Wadooyin lagu wajahayo dib u hishiisiin waarta oo Dalka ka dhacda. Akhri halkan...


caddeNuur Cadde oo markii ugu horaysay sheegay inuusan lahadlayn argagixisada Ciraaq iyo Afqaanistaan Kasoo dagaalantay...
.Itoobiyaan iyo ciidamada DFKMG oo qarax loogu qaystay Muqdisho...
.Agaasime guud oo Muqdisho lagu dilay .. Wararka oo dhan ka akhri halkan..

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com