SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


SAFIIRKA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA EE INDONESIA OO LA KULMAY MADAXWEYNE KU-XIGEENKA WADANKA INDONESIA

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 20 February 2008, Md. Maxamuud Colow Barrow, Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia waxa uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku-Xigeenka wadanka Indonesia Md. Mohamed Yussuf Kalla; warbixin kooban ka dib oo uu safiirku ka bixiyay taariikh labada shacab iyo dawladoodba, wuxuu si kooban uga warbixiyay xaaladda adag ee uu maanta marayo shacbiga Soomaaliyeed.

Md. Barow, wuxuu hordhigay Madaxweyne Ku-Xigeenka baahida shacab iyo xukuumadeed ee aan la soo koobi Karin, uuna ka codsaday isagoo ku hadlaya magaca ummadda iyo kan xukuumadda KMG ah in ay dawladda Indonesia gacan ka geysato si walbo oo wax loola qaban karo xukuumadda KMG ah, dhinacyada ugu daran ee ay ka jirto baahida darana ay ka mid tahay:

Gurmad ded deg ah oo ay u baahan yihiin dadka qaxay iyo kuwa guryo la’aanta ah eek u nool wadanka gudihiisa;

Tababarro aan kala sooc lahayn oo heerar kala duwan leh oo loo fidiyo dhamaan ciidamada Police-ka iyo Amniga ee Xukumadda KMG ah;

In ay ka qeyb qaataan dib u heshiisiinta shacbiga Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba, taas oo ay Indonesia khibrad gaar ah u leedahay, maadaama ay hore u xalliyeen dhibaatooyinka gobolada ay colaadaha ka taagnaayeen;

In ay ka taageeraan xukuumadda sidii sharciyada Axsaabta siyaasadda looga dhaqan gelin lahaa wadanka;

Tababarro heer walbo leh oo loo fidiyo hawlwadeenada Dawladda qeybahooda kala gedisan iyo

In ardada Soomaaliyeed loo sameeyo tixgelin gaar ah Jaamacadaha Wadanka Indonesia, gaar ahaan kuwa Engineering-ka iyo Caafimaadka.



Ka dib warbixintaas iyo codsigaas, wuxuu Madaxweyne Ku-Xigeenku uga mahadceliyay safiirka sida wacan ee uu ugu hawlan yahay, waqtigan adag samatabixinta shacbiga iyo Xukuumadda Soomaaliyeed, isagoo ballan qaaday in uu arrintaas intii ay awood u heli karaan ay qeyb qeyb wax uga qaban doonaan, uuna dhawaan fariimo u kala diri doono hayadaha shaqada ku leh qeybaha kor ku xusan si ay talo iyo wax qabad uga geysantaas arrimahaas.



Kulankaas oo qaatay muddo ka badan intii loogu talo galay, ayaa ku soo afjarmay jawi guul iyo horumar laga dheehan karo.

SAFAARADDA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED EE INDONESIA,
JAKARTA, INDONESIA

Embassy of the Republic of Somalia
Jl Permata Hijau Raya Block T No. 8
Kebayoran Lama, Jakarta Selatan 12210
Telp. 0062215321920, Fax: 0062215494730
Email: somalirep_jkt@yahoo.com, molow2000@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com