SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


Wararkii: Feb 22, 2008

  • Muqdisho: Faahfaahinta dagaalkii Khamiistii ka dhacay suuqa Xoolaha.
  • Muqdisho: Khasaaro ka soo gaaray ciidamada DF suuqa Bakaaraha.
  • Koofur Afrika oo QM ku eedeysay in uu ka cago-jiido arrinta Somalia..
     

Muqdisho: Faahfaahinta dagaalkii Khamiistii ka dhacay suuqa Xoolaha.

Dagaal culus ayaa subaxnimadii Khamiistii ka bilowday xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Dirirta ayaa waxa ay dhex martay Ciidamada Dowlada KMG ah iyo Dagaalyahanada aadka ugu soo horjeeda Siyaasada DF iyo joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka ee Somalia.

Dagaalka ayaa labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan hubka cul culus, kuwaaso qasaaro kasoo gaaray dad fara ku tiris ahaa oo ku dhaqnaa muddooyinkaa xaafada suuqa Xoolaha.

Xaalada ayaa iminka u eg mid degan, iyadoo labadii dhinac ee dirirta dhex martay wali ku wada sugan yihiin gudaha xaafada suuqa Xoolaha, taasoo keeni karta in dagaal daqiiqad walba uu ka bilowdo halkaasi.

Sida la xaqiijiyay 7 ruux oo iskugu jira labadii dhinac ee dagaalamay iyo rayid ayaa dagaalkii maanta ku geeriyooday, halka in ka badan 11 ruux dhaawacyo kala gadisan ay kasoo gaareen.

Dagaalka ayaa la xaqiijiyay inay gaba gabadiisii kusoo biireen ciidamada Ethiopian-ka ee fariisinka ku leh xerada Maslax ee duleedka suuqa Xoolaha, kuwaaso Madaafiic kusoo garaacayeen gudaha iyo xaafadaha la dariska ah suuqa Xoolaha.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii ugu dambeeyay ay degneed xaalada xaafada suuqa Xoolaha oo horey u ahaan jirtay garoonka kaliya ee ku ciyaaraan ciidamada DF iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Muqdisho: Khasaaro ka soo gaaray ciidamada DF suuqa Bakaaraha.

Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ayaa subaxnimadii Khamiistii howl-galo baaritaan ka bilaabay qeybo kamid ah suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ciidamadaan ayaa barqanimadii Khamiista weeraro kala gadisan kala kulmay xoogaga kasoo horjeeda, kuwaaso bambooyin iyo hubka fud fudud ku weeraray.

Sida uu xaqiijiyay Ganacsade Mukhtaar Sheekh Axmed waxaa ka geeriyooday ciidamada Dowlada KMG ah saddex askari oo isla socotay, kuwaaso rasaas lala beegsaday.

Ciidamada Dowlada FKMG ayaa rasaas la beegsanayeen maanta cid kasta oo ay arkeen, taasoo keentay in gabi ahaanba albaabada loo laabo goobihii Ganacsiga ee Bakaaraha.

Xiriiro aan la sameynay Afhayeenka booliska G/Banaadir Shacshac ayuu ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada khamiistii soo gaaray.

Si kastaba ha ahaatee, howl-galada maalmihii dambe ciidamada Dowlada KMG ah ka wadeen suuqa Bakaaraha ayaa dhaliyay qasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed.

Dagaal askar ay ku geeriyootay oo Khamiistii ka dhacay Muqdisho.

Qaar kamid ah ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa Khamiistii howl-galo ka fuliyay qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa baaritaano ka sameynayay goobaha Ganacsiga iyo guryaha dadka rayidka ah ay degan yihiin.

Ciidamadaan ayaa lagu soo waramayaa inay dhalinyaro badan ka qabqabteen xaafada KPP ee degmada Hodan, waloow intooda badan markii dambe ay sii daayeen.

Intii ay soconayeen howl galada ayaa waxaa hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo waliba isku socodkii dad weynaha ee degmadaasi.

Ciidamada Dowlada KMG ah ayaa dagaal culus kaga horyimid ciidamada DF ee howl-galada ka waday qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay xaafada African Village ee degmada Hodan, halkaaso la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen labo askari oo ciidamada ka tirsanaa kuwa kale dhaawac ka soo gaaray.

Si kastaba ha ahaatee, howl galada ay sameeyaan ciidamada dowladda ayaa waxaa ay la xiriiraan arrimaha nabad galyada, hasa ahaatee arrimahaasi ayaa wali ah mid aan wali xal loo helin.

Koofur Afrika oo QM ku eedeysay in uu ka cago-jiido arrinta Somalia.

Dowlada South Africa ayaa ku eedeysay Qaramada Midoobay inay ka caga jiideyso arrimaha dalka Somalia.

Ambassador Dumisani Kumalo oo South Africa u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa hadalkan jeediyay kadib markii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka hadalka xaalada ka taagan Soomaaliya ku xiray warbixin laga sugayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, taasi oo golaha loo soo gudbin doono 10-ka bisha Maarso ee soo socota.

Hadalka kulul ee uu sii daayay Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Dalka Koofur Afrika ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Magaalada Muqdisho uu ugu daray lix bilood oo kale, iyadoo mudadaas inta lagu jirana loogu baaqay Dalalka Midowga Afrika in Ciidamo u diraan Soomaaliya.

Kuraasta Qaramada Midodobay ay ku leeyihiin Dalalka South Africa iyo Somalia ayaa waxay yihiin kuwo isku xiga oo Danjirayaashooda ay garbaha isku hayaan, bacdamaa ay magacyada labada dal ka wada bilowdaan (So), waxaana loo maleynayaa in ay Danjirayaasha labada dal ay si weyn isu ayidaan marka ay timaado ka hadalka dalalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, eedeyntaan loo jeediyay QM ayaa keeni karta inay indhaha u kala furmo QM howlihii ay ka waday Somalia oo muddooyinkaan ahaa mid habacsanaan ku jirta.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2008

Gabre iyo Madaxweynaha DFKMG Yuusuf gacan ka hadal dhex maray.?
.Warsaxaafadeed ku saabsan Biliqadii loo geystey Bakaaraha
.Ex- Ra'iisul-wasaare DFKMG Geedi oo gaaray Addis Ababa.
.Marka: Xildhibaano lagu eedeeyay xaasidnimo
.Muqdisho: dagaal culus oo ka socda xaafada suuqa Xoolaha.
.Ciidamada DKMG oo saaka gudaha u galay suuqa Bakaaraha.
.Booliska Gaalkacyo ayaa qabtay hub la sheegay in...
Wararka oo dhan akhri... Feb 21

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com