SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Feb 23, 2008

  • Dacwo Ka Dhan Ah Saraakiisha Oo Ay Gudbiyeen Ganacsatada Gobolka Banaadir Raysalwasaraha DFKMG Nuur Cadde.
  • Qaylo Dhaan Xoogan Oo Ku Aadan Xaalada Caasimada Oo Kasoo Baxaysa Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye .
  • Qarax Dhimasho iyo Dhaawacba Gaystay Oo Ka Dhacay Agagaarka Hotel Ambasador Ee Magaalada Muqdisho.
     

Dacwo Ka Dhan Ah Saraakiisha Oo Ay Gudbiyeen Ganacsatada Gobolka Banaadir Raysalwasaraha DFKMG Nuur Cadde.

Dacwo ka dhan saraakiisha Dowlada FKMG ah ayaa waxaa abaabulay ganacsatada Gobolka Banaadir kadib markii ay u adkaysan waayeen Dhaca iyo Boobka ay u gaysanayaan ciidamo Ku Lebisan dharka dowlada KMG ah islamrkaana jabsaday maamilntii talaadada ahayd Bakhaaro iyo meelo kale oo ganacsi oo ay ka qaateen alaabadii dhex taalay halkaasi .

Dacwadan oo ay Ganacsatada Gobolka Banaadir u Gudbiyeen Raysal-wasaaraha dowlada FKMG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayay ku Tibaaxeen sida ay Noo Xaqiijiyeen Goob Joogayaal ka ag dhowaa Goobta Kulanku ku dhex maray ganacsatada iyo raysal wasaaraha oo diidey in magacooda loa shaaciyo xaalad amni awadeed Sida Foosha xun ee xoolahooda dhibaatada dhaca loogu hayo iyo weliba sidii loo badbaadin lahaa inta taala Suuqaasi oo xidhnaa mudo ka Badan 4-cisho .

Sidoo kale Kulankan Dhex maray Ganacsatada iyo weliba Raysal wasaaraha DFKMG Nuur cadde ayaa ahaa mid Hordhac ah islamrkaana la sheegay inay isku afgarteen Labada dhinac iyadoo Raysal wasaare nuur cadde uu uga Tacsiyeeyey Dhaca iyo Boobka Loo gaystay Ganacsatada iyo weliba xaalada Murugsan oo ilaa iminka Haysata ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Raysal wasaaraha DFKMG Nuur Cadde ayaa la sheegay inuu ka sokow Hadalka tacasiyeynta ah mooyee inuusan weli ku Guulaysan Inuu ka dul qaado Suuqa bakaaraha Ciidamada Ku Hareeraysan ee U Diiday Inay soo galaan dadkii Suuqaasi ka Gancsan Jiray iyo weliba Gawaarida BL-ka ee isaga kala Goosha Suuqa bakaaraha iyo Degmooyinka kale ee gobolka banaadir iyadoo mararka Qaarkoodna ay ciidamadaasi Gaysnayaan Dhaca dadka shacabka ah ee kusoo dhex lugaynaya deegaanada ku Xeeran suuqaasi islamrkaana ka qaadanaya waxyaalaha muhiimka ah sida telefoonada Gacanta iyo agabka kale ee ay sitaan.

Dacwadan ay soo abaabuleen ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa kusoo Beegmaysa xili ay ka Jiraan Suuqa weyn ee bakaaraha Xaalad cakiran islamrkaana uu weli Hakad ku jiro ganacsiga suuqaasi iyadoo ay sidoo kalena is Faham La,aan xoogani ay ka dhex jirto Saraakiisha ciidamada ku Hareeraysan Suuqa iyo weliba ganacsatada Gobolka banaadir taasoo la sheegay Inay isku afagaran waayeen Lacago la sheegay inay Ka dalbadeen Saraakiishaasi oo la sheegay in hadii lacagtaasi Laaluushka ah la siiyo ay fasaxi Doonaan Ganacsiga suuqa Bakaraaha .

Qaylo Dhaan Xoogan Oo Ku Aadan Xaalada Caasimada Oo Kasoo Baxaysa Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye .

Odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa qaylo dhaan kasoo saaray xaalada Cakiran ee amaan Xumo ee ka jirta caasimada magaalada Muqdisho ,taasoo ay ku Qeexeen sida Dadkoodii Loogu Tumanayo islamrkaana Dhaca ,Dilka iyo Boobka Loogu Hayo Waa siday Hadalka u dhigeene .

Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa Tibaaxay Sida Dhibaatada loogu hayo shacabka Beesha hawiye islamrkaana markii wax kasta la sameeyey Hadana Hantidoodii Dhaca Loogu Bilaabay Waa siduu Hadalka U sheegaye Axmed Diiriye ayaa xusay in dadka shacabka ah ee beesha Hawiye aysan Labada dhinac ee isku haya siyaasada aysan Midna La socon waloow ay Jiraan Hadii dhac iyo dil Yimaado aad raacaysid meesha kuu Roon ayuu yiri isaga oo saxaafada la Hadlaya

Nabadoonka ayaa meesha ka saaray Inay dowlada FKMG ah ay Xaqdhowayrayso Shacbka Beesha hawiye islamrkaana Carabka Ku adkeeyey inay ku Tumanayso shacabka waayo ma jiraan Cid masuul ah oo ka hadlaysa ayuu yiri Dhacii iyo Boobkii ka dhacay suuqa iyo weliba kuwa layska xasuuqayo oo la dhacauyo hantidoodii waa siduu hadalka u dhigaye .

"'Shacabkana waxaa lagu hayaa Xasuuq ,Dhac ,iyo Bililiqo baahsan mana jiraan Cid kas hadlaysa iyadoo aysan shacabku iska Hor kicinb karin kuwa Madaafiicda ku Ridaya iyo kuwa ka hor tuuraya Xabada waloow ay Dowladu dhac ku ahyso taasina ay keenayso inay shacabku marka ay u adkaysan wayaan dhibaatada ay taageero siiyaan kuywa kasoo horjeeda dowlada '' ayuu yiri Nabadoon axmed diiriye.

Hadalka waxgaradka iyo Dhaqanka beesha hawiye ayaa kusoo Beegmaya xili ay Maalintii talaadada ahayd Suuqa bakaaraha ay ciidamada dowlada FKKMG ah ee Gudaha u Galay ay u gaysteen Dhac iyo Bililiqo Xoogan taasoo ay sii Weheliyaan Dhaca kale ee ka jira agagaarka suuqasi ee Furashada telefoonada Gacanta Iyo Lacagaha ay Wataan Dadka rayidka ah ee Usoo Lugaynaya Suuqaasi islamrkaana doonaya inay Soo Eegtaan Hantidooda ku dhex xayiran suuqa weyn ee bakaaraha .

Qarax Dhimasho iyo Dhaawacba Gaystay Oo Ka Dhacay Agagaarka Hotel Ambasador Ee Magaalada Muqdisho.

Qarax Xoogan oo laga wada maqlay agagaarka Hotel ambasador ee magaalada muqdisho ayaa ka dhacay wadada Maka al-mukarama ee isku xirta Xarunta Madaxtooyada iyo KM-4 halkaasoo saaka u Xirayd Ciidamada Dowlada KMG islamrkaana loo diidey inay isticmaalaan Gawaarida BL-ka ah ee isaga kala goosha KM-4 iyo Bakaaraha .

Qaraxan oo ahaa Mid Gilgiley agaagaarka Wadadaasi ayaa la sheegay inuu Gaystay dhimashada Labo Qofood oo rayid ah oo mid kamid ah uu yahay Haweenay xiligaa ka ag dhoweyd goobtaasi Halka la sheegay inay ku dhaawacmeen In ka badan Afar Qofood oo shacab ah .

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa Nooca Rimuudka laga hago oo ku aasnaa wadada Maka almukarama agaarka Hotelka Amabasador ee magaalada muqdisho iyadoo sidoo kalena laga Cabsi qabo inay dhaawaca iyo dhimashadu intaas ka badnaan karaan .

Qaraxa kadib ayaa la sheegay inay Ciidamada dowlada KMG ahi isku Gadaameen halkaasi waloow aysan jirin cid loo qab qabtay Qaraxaasi oo lagu Tuhmay inay ka dambeeyeen.

Yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com