SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Feb 23, 2008

  • Magaalada Muqdisho oo laga xusay maalinta Afka Hooyo ee Soomaaliga, iyadoo xafladda lagu xusayay....

  • Shirkadda Isgaasiinta ee Telcom Somalia oo loo magacaabay Agaasime cusub, iyadoo howlaha shirkadda...

Magaalada Muqdisho oo laga xusay maalinta Afka Hooyo ee Soomaaliga, iyadoo xafladda lagu xusayay....

Xaflad lagu xusayo maalinta Afka Hooyo ee Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana xafladda lagu xusayay afka Hooyo soo qabanqaabiyay Laanta Koonfurta Somalia ee Naadiga Hal-abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed [Somali Speaking Pen].

Xafladda oo ahayd mid ay kasoo qaybgaleen dad Soomaaliyeed oo fara badan iyo martisharaf ka socotay qaybaha kala duwan ee waxbarashada dalka, sida jaamacadaha, iskuullada, macaahidda, abwaaniinta, qorayaasha iyo saxaafadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyay xubno kala duwan oo kala duwan.

Ugu horreyn; waxaa hadalka qaatay xoghayaha laanta koonfurta ee Somali Pen Mr. C/naasir Yuusuf Macallin, wuxuuna soo dhaweyn kaddib sheegay in xuska maanta la qabanayo uu qayb ka yahay xusaska in ka badan 6-kun oo quuladood oo dunida looga hadlo.

Xoghayuhu, wuxuu sheegay in Laanta Koonfurta Somalia ee Somali Pen intii ay jirtay ay qabatay howlo badan oo lagu horumariyay afka Somaliga; wuxuuna sheegay in howlahaas oo dhan ay noqdeen kuwo lagu guulaystay horumar la taaban karana laga gaaray.

Sidoo kale, waxaa hadal ka jeediyay xafladdaas Prof. Mustaf C/llaahi Cali (Dheeg) oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho, isagoo si weyn ugu dheeraaday Afka Soomaaliga iyo muhiimaddiisa, wuxuuna sheegay in afka uu kasoo uskumo; Hooyada, dhulka iyo Dadka.

"Afka Soomaaliga, wuxuu ka mid yahay afafka Dowliga ah ee dunida ka jira, wuxuuna ka mid yahay afafka Kushitiga ah ee looga hadlo dalalka Bariga Afrika, isagoo weliba ah afka ugu baaxadda weyn, maadaama uu yahay af leh maamul dowli ah oo loo shaqeeyo xafiisyada iyo howlaha kale ee Somalia" ayuu yiri Mustafa Dheeg.

Mar uu ka hadlay khatar sababi karta inuu afka Soomaaliga noqdo mid gabi ahaan baaba'a ayuu sheegay inaysan taasi muuqan, qarniyada soo socda xitaa uusan ku imaan karin afka Soomaaliga burbur, maadaama afka Soomaalig uu yahay luuqadda labaad ee Luuqadaha bariga Afrika, isagoo sheegay inay ku hadlaan 25-milyan oo qof.

"Dadka ku hadla Afka Soomaaliga waa kuwo ku firirsan dalalka Somalia dariska la ah sida, Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya; waxaana sii dheer intaas dadka Soomaalida ah ee ku nool dalalka ku yaalla shanta qaaraddood ee Dunida" ayuu yiri Prof. Dheeg, oo sidoo kale ku boorriyay saxaafadda inay cusleyska saaraan sidii Afka Soomaaliga uu ku noqon lahaa mid horumar intaan ka badan sameeya.

Mudane Yuusuf Cali Cusmaan oo ah guddoomiyaha Golaha Suxufiyiinta Qaranka iyo Maxamed Ibraahim Isaaq (Pakistan) oo ka mid ah xubnaha NUSOJ iyo xubin ka tirsan INSI ayaa si wadajir ah u sheegay in afka Somalia uu yahay mid horumar sameeyay, isla markaana laga doonayo saxafiyiinta inay horumarka Afka Soomaaliga ka shaqeeya.

Iyadoo lagu soo bandhigay xafladda joornaallo kasoo baxay gudaha Somalia tan iyo intii afka Soomaaliga la qoray, lana hirgeliyay, iyagoo si weyn ugu nuuxnuuxsaday in horumarka afka Soomaaliga uu yahay mid mas'uuliyadi ay ka saaran tahay qof walba oo Soomaali ah.

Xoghayaha Maaliyadda ee Somali Pen Qamar Salaad Cumar iyo ku simaha guddoomiyaha Somali Pen laanteeda Koonfurta Somalia Dhicisoow oo hadal ka jeediyay hadalkaas ayaa waxay u mahadceliyay kasoo qaybgalayaasha iyo cid walba oo gacan ku siisay Somali Pen horumarinta Afka Soomaaliga.

Suugaanley kala duwan ayaa waxay xafladda kasoo jeediyeen erayo suugaaneedyo ay ku cabirayaan horumarka Afka Soomaaliga; waxaana abwaannadaas ka mid ahaa: Barre Maxamed Bangaladesh, Saynab Sheekh Maxamed, Cumar C/llaahi Guure iyo kuwo kale.

Shirkadda Isgaasiinta ee Telcom Somalia oo loo magacaabay Agaasime cusub, iyadoo howlaha shirkadda...

Xaflad loogu magcaabayay agaasime cusub shirkadda Isgaarsiinta ee TELCOM SOMALIA ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho.

Xafladda oo ay kasoo qaybgaleen shaqaalaha shirkadda Telcom iyo marti-sharaf kale ayaa waxaa loogu magcaabay agaasimaha cusub ee shirkadda Telcom Mr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsnaa shaqaalaha Hay'adda CRD.

C/llaahi Maxmed Xuseen oo ahaa agaaasimihii hore ee shirkadda Telcom oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay inuu xilkaan isaga wareejiyay si mutadawacnimo ah, uuna soo hayay muddo 1-sano, isagoo ku wareejiyay mas'uulka cusub qoraallo ka tarjumaya mas'uuliyaddii uu ka hayay shirkadda Telcom Somalia.

Agaasimaha oo xafladda ka hadlay kaddib markii xilkaas lagu wareejiyay ayaa sheegay inuu ka codsanayo shaqaalaha shirkadda iyo madaxda kale ee shirkadda kala howlgalaysa inay garab ku siiyaan howlaha culus ee dusha laga saaray.

"Waxaan ahaan jiray nin ka shaqeeya howlaha samofalka, balse waxaan hadda dareemayaa inaan ahay mas'uul loo dhiibay howl laga rabo macaash, inkastoo ay howshaan qayb ka tahay howlaha samofalka ah ee loo hayo Bulshada Soomaaliyeed" ayuu yiri agaasimaha cusub ee Telcom Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha cusub, wuxuu daboolka ka qaaday in howsha loo dhiibay uusan ka soo bixi karin haddii uusan garab ka helin howlwadeennada kale ee shirkadda, wuxuuna ka dhigtay hal ku dhig, gacmo wadajir bay wax ku qabtaan.

Maamulaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Max'ed C/llaahi Sheekh oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo xilka lagu wareejiyay mas'uulka cusub ee noqonaya agaasimaha Shirkadda Telcom Somalia.

"Shirkaddu Telcom Somalia waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka ka furta isgaarsiin ay Somalida gudaha iyo kuwa dibaddu ku wada xiraan, waxaana lagu billaabay afar madax oo lagu shubayo lacagta, balse maanta waa shirkad aad u weyn oo shacabka Soomaaliyeed u qabtay howlo isgaarsiineed oo baaxad weyn" ayuu yiri Maxamed C/llaahi Sheekh Madaxa Shirkadda Telcom Somalia.

Waxaa soo tebiyey Amiin Yuusuf

Feb 23, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com