SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Feb 25, 2008

  • Khilaafka Dhexmaray Gen. Gabra Iyo Madaxweynaha DFKMG Yuusuf oo Ka Abuurmay in Itoobiya Sheegtay Inay ONLF Joogto Puntland.....
  • Raysalwasaare Nuur Cadde Oo Wada Hadal Hoose La Galay Ururka Dib U Xoraynta Soomaaliya.

Khilaafka Dhexmaray Gen. Gabra Iyo Madaxweynaha DFKMG Yuusuf oo Ka Abuurmay in Itoobiya Sheegtay Inay ONLF Joogto Puntland.....

khilaafkan Dhex maray Madaxweynaha dowlada FKMG ah iyo Taliyaha Ciidamada Xukuumada ethiopia ee wadanka soomaaliya ku sugan ayaa la sheegay inuu dhaliyey gacan ka hadal dhexmaray labada sarkaal islamrkaana la sheegay inuu xafiiska madaxweynaha dowlada KMG ah uu ka dhacay gacan ka hadalkaasi.

Gen Gabreyuusuf
bidix: Gen. Gabre | Midig: C/laahi Yuusuf

Gacan ka hadalkan dhex maray madaxweynaha DFKMG iyo taliyaha ciidamada Ethiopia ee wadanka soomaaliya jooga ayaa la sheegay inuu salka ku hayo arin dhowaanahanba muran xooggan abuurtay islamarkaana ay sirdoonka ciidamada xukuumada ethiopia ay sheegeen inay Maamul Goboleedka Puntland ay joogaan ONLF iyo Weliba Xoogaga "islaamiyiinta" ah, waa siday hadalka u dhigaan'e, taas oo uu Qaadacay madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf islamarkaana ay dhalisay khilaaf keenay gacan ka Hadal dhex mara Gen. Gabra iyo Madaxweyne Yuusuf.

Murankan dhaliyey gacan ka hadalka ayaa la sheegay inuu sidoo kale laga cabsi qabo inuu abuuri karo Bur Bur ku Yimaada dowlada FKMG ah oo garab u yihiin ciidamada Ethiopia islamarkaana hadii ay ciidamada ethiopia Ka tagaan aan Taag badan oo ay kusii joogaan haysan marka loo eego Xoogaga kasoo Horjeeda ee Hubaysan .

Dhinaca kale wararka laga Helayo xarunta madaxtooyada ee Villa soomaaliya ayaa sheegaya in khilaafka u dhexeeya Gabra iyo madaxweyne yuusuf uusii xoogaysanyo islamarkaana aysan jirin wax waan waan ah oo ilaa iminka la sheegay oo ukala dab qaadaya .

Raysalwasaare Nuur Cadde Oo Wada Hadal Hoose La Galay Ururka Dib U Xoraynta Soomaaliya.

Raysalwasaaraha dowlada FKMG ah Nuur xasan xuseen (nuur cadde) oo dhowaanahanba la sheegay inuu Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynahiisa ayaa la sheegayaa inuu Wada hadal hoosaadyo la galay Ururka dib u xoynta Soomaaliya oo fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee wadanka Eretariya .

Wadahadalkan oo la sheegay inuu ahaa dhinaca isgaarsiinta ayay ku wada hadleen xubno sare oo ka tirsan isbahaysiga islamarkaana ku Gorfeeyeen sidii wadankan looga badbaadin lahaa dhibaatada amaan darro ee baahsan ee ka dhalatay siyaasadaha is diidan ee wadanka soomaaliya ka jira.

Nuur xasan xuseen (col. Nuur Cadde )oo tan iyo intii uu qabtay Jagada Raysal wasaaranimo Looga bartay dadaalo nabadeed ayaa La sheegay inay hakiyeen dadaaladiisii khilaaf siyaasadeed oo ka dhex abuurmay isaga iyo madaxweynuihiisa C/laahi yuusuf axmed taasoo salka ku haysa wada xaajoodka uu Nuur cadde la galay Xoogaga kasoo horjeeda dowlada iyo Ciidamada shisheeye .

nuur cadde
Nuur Cadde

Sidoo kale Khilaafkan ayaa keeni kara tafaraaruq ku yimaada dowlada FKMG ah islamarkaana abuuri kara mid lamid ah Midkii Hore u dhex maray Madaxweynaha DFKMG iyo raysalwasaarihiisii hore ee xilka iska casiley cadaadis kaddib..

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Nuur Cadde " Ciidamada Itoobiya Dalka lagama Saarayo ilaa waxbadala la helo,Mucaaradkana arintaasi lagama yeelayo... Daawo Waraysi...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com