SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharaxa u Tar tamaya Madaxtinimada Puntland Prof Muxiyadin Cali Yuusuf ayaa soo bandhigay Qorshayaashiisa hadii la doorto mar uu la kulmay Haweenka G/ Bari dhawaan.


Bosaaso:-Musharax Madaxweynenimada Puntland Muxiyadiin Cali

Yuusuf ayaa maalmihii danbe Degaanada Puntland ka waday kulamo kala duwan oo qaybaha bulshada uu la yeelanayo.

Musharaxa ayaa Hotel Karama2 Boosaaso ku qabtay munaasad balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Ururada haweenka gobolkan.

Muxiyadiin Cali Yuusuf oo munaasabada Qado sharafta ka hadlayay ayaa haweenka u sheegay in ay yihiin lafdhabarta Bulshada,sidoo kale musharaxa waxa uu soo bandhigay qorashahiisa dhinaca haweenka hadii madaxtinimada Puntland uu ku guuleysto.

Munaasabada oo ahayd mid kooban ayaa waxa ka hadlay hooyooyin badan oo soo dhoweeyay Muxiyadiin Cali Yuusuf.

Haweenka Gobolka Bari waxay balan qadeen in ay la shaqeyndonaan Muxiyadiin Cali Yuusuf balse waxa ay hoosta ka xariqeen in ay sameyn donaan isbar bardhi ku aadan musharaxiinta iyo qorshahooda haweenka kadibna kan ugu wanagsan ay qaadan donaan.

Muxiyadiin Cali Yuusuf waxa uu ahaa Hormuudka Kuliyadda Wabarashada Jaamacada Bariga Africa,sidoo kale waa mushraxii ugu horeeyay ee xilkan Madaxweyne ee Puntland isu soo sharaxa.

Dhamaan dadka Reer Bosaaso ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan Musharaxaasi iyaga oo taasi ku til maamay inay tahay ka dib markay arkeen aqoonta sare ee Musharaxaasi.

Jaamac Ayaanle Feyte
Somaliltalk.com/ Bosaaso

Hadaaftimo:- Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka Sanaag ayaa isku hor fadhiyay xalay (Feb 24) goob u dhow Degmada Hadaaftimo..

Goobta la isku horfadhiyo ayaa waxaa lagu magcaabaa Kal-Gubataa oo dhinaca Galbeed ka xigta Degmada Hadaaftimo iyadoo ay ciidamada Deegaanku isku fidiyeen dhamaan buuraha Hadaaftimo oo ay hore Jabhadii SNM dhibaato weyn u geysey markii uu socdey dagaalkii ay kusoo qaadeen deegaanada reer Maakhir dhamaadkii 80tii.

Ciidamada Deegaanka ayaa waxaa hogaaminaya Col Cabdulahi Cumar Cashuur iyadoo ay sidaas oo kale ciidamada Somaliland ay yihiin kuwo laga keeney Magaalada Berbera oo ku gaashaaman baabuurta Dagaalka.

Cabsi xoogan ayaa ka jirta Dhamaan Gobolka Sanaag iyadoo ay odayaal dhaqmeed maanta ku guul dareysteen iney dib u celiyaan ciidanka Somaliland oo doonaya inuu soo galo Magaalada Badhan kana gudbo oo qabta dhinaca Magaalada Galgala ee Gobolka Bari.

Dhaqdhaqaaq milateri ayaa waxa uu ka socdaa gudaha Magaalada Badhan iyo magaalooyinka Xingalool, Ceelbuh iyo Dhahar oo sida naloo xaqiijiyey dhamaan magaalooyinkaas oo idili ay dagaal isu diyaariyeen.

Ciidamo gur mad ayaa goor dhoweyd gaarey goobta la isku hor fadhiyo iyadoo goor aanu la xiriirney saraakiisha difaaca ay noo xaqiijiyeen in maanta ay tahay maalin loo midoobo difaaca Gobolka.

Sidaas oo kale ayaa waxaa soo baxay Qeylo dhaan ka timi wax garadka Deegaankaa oo isugu jira kuwo maamul iyo kuwo dhaqmeed iyagoo ICLAAMIYEY IN GOBOLKU KU JIRO XAALAD DAGAAL OO LOO BAAHAN YAHAY QOFKASTA OO AY KU JIRTO WADANINIMO INUU U ISTAAGO DIFAACA DHULKA

Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com/Bosaaso


Xiif cali taar oo shil baabur kugeeryooday (Feb 24, 2008)

waxaa geer yooday talihii kulmista ciidamada daraawiishta puntland sareeye guuto cabdi cali taar (xiif calitaar) ayaa ku geeriyooday deegaanka Tukaraq oo kutaala gobolka sool, shil baabuur..

Maxkamadda darajada 1-aad ee Galkacyo oo 5 sano oo xarig ah ku xukuntay eedaysane fal uu gaystay uu dhimasho sababay.

Maxkamadda darajada 1-aad ee Galkacyo ayaa maanta xukun ku ridday eedaysane loo haystay in uu ka danbeeyey dilka haweenay lagu magacaabi jiray Aamino Xasan Faarax oo 25 jir ahayd, taasi oo geeriyootay horaantii bishaan Febraayo.

Xukunka maanta lagu riday eedaysane C/fataax Xasan Ereg ayaa ahaa 5 sano oo xarig ah iyo magdhow gaaraya 50 halaad oo la siinayo reerkii ay ka geeriyootay haweenaydaasi, waxaana xukunkaasi uu yimid kadib markii maxkamadda horteeda ay ka cadaatay in uu falkaasi ka danbeeyey.

Dilka gabadhan ayaa ahaa mid aan si toos ah u dhicin wuxuuna yimid kadib markii uu damcay C/fataax Xasan Ereg oo ah ninka maanta maxkamaddu xukuntay in uu si buracnimo ah uga furto lacag ay gacanta ku sidatay isagoo ula soo baxay tooray ay ka argagaxday marxuumadu, taasi oo dhalisay in ay ku cararto meel ay ku taallo makiinad cuntada lagu shiido, kadibna ay maryaheedii qabsatay mashiinkii halkaasi ka shidnaa, sababtayna in ay marxuumada uu dhaawac ka soo gaaro madaxa. Marxuumada ayaa maalmo kadib u dhimatay dhaawacaas ka soo gaaray shilkaas.

Sidoo kale maxkamaddu waxay maanta siidaysay dadkii lahaa makiinaddaasi oo horay loogu eedaynayey in ay si taxadar la'aan ah matoorkaasi u soo dhigteen suuq dadku ku badan yahay, isla markaana aysan u samayn wax xayndaab ah oo looga joogsan karo, waana markii ugu horaysay oo fal caynkan oo kale ah inta la xasuusto uu ka dhaco magaalada Galkacyo.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2008

BAARID | SEARCH


 

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008

MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com