SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixinta Nafaqada ay saarayso Deyrta '07/08.

Mudanayaal/Marwooyin,

Fadlan waxa eegtaan Qormada halkan ku lifaaqan ee Firada Gaar ka ah ee Warbixinta Nafaqada ay saarayso Deyrta ‘07/08.

Fiiradan Gaarka ah ee Warbixinta, waxay ka kooban tahay soo koobid xogta nafaqada oo laga soo ururiyo xogbixiyayaal kala duwan (sahamada nafaqada, qiimayn ah cabbirka wareegga deg dega ah (MUAC), xogta baraha la socodka nafaqada, xogta la xiriirta xarumaha caafimaadka, xarumo quudinta ah oo la xushay iyo kuwa kale oo badan) laga bilaabo bishii 9aad ilaa bishii 12aad 2007, oo laga helay gobollada oo dhan waxayna ku siinaysaa warbixin la falanqeeyey xaaladdii u dambeysay oo ay ku jirto Khariidadda Qiyaasta Xaaladda Nafaqada.

Warkan waxa lagu soo bandhigaa gobol ahaan ayadoo dib u eegaysa falaqaynadii hore ee Gu 07 iyo xaaladda lagu jiro, waxa kale oo dheer iyadoo la eegey isbeddelladii hore taariikhiga ahaa meelaha ay ku habboontahay si loo helo xog falanqeyn guud ee xaaladda nafaqada.

Xaaladda haatani waxay muujineysaa inay jirto xaalad Halis ah oo sii socota (>15%) oo ah nafaqo darro aad u xun taas oo inta badan laga soo sheegay qaybo badan oo Koonfurta iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya (marka laga reebo gobolka Juba iyo meelo cayiman oo ka tirsan Bakool iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya) iyo dadka muddada dheer ku barakacsanaa eek u sugan gobollada waqooyi bari iyo waqooyi galbeed. Heerarkan nafaqo darrada aadka u xumi, weli way sarreysaa xataa meelaha ay xaaladaha hubidda cuntadu ay fiicanyihiintaas oo iftiiminaysa xaaladda murugsan ee nafaqo darrada xun ee Soomaaliya. Waxyaabaha sal digga u ah waa shubanka oo ay keentay helid biyaha nadiifta ah oo aad u kooban, goobaha faya dhowrka, iyo adeegyada caafimaadka oo lagu daray daryeelka ilmaha oo aad u liita, sida lagu iftiimiyey cimi baaris dhaweyd ee KAP ka.

Waxa kale oo ku lifaaqan, shax muujinaysa 38kii sahan nafaqo ee la sameeyey 2007. Ugu dameyn waxa lagu soo bandhigay laba arrimood oo dhawaan ay FSAU curisay oo kooban (kana mid yihiin hubinta sida ay caqligal u tahay qiimayntu iyo awoodaha lagu hormarinayo qiyaasta da’da).
Mar walba talo bixinnada iyo warcelinta waa la soo dhawenayaa !

Wanaag baanu idiin rajeyneynaa,

Grainne Moloney

Food Security Analysis Unit - Somalia (FSAU).
United Nations Food and Agriculture Organization (FAO).
P.O. Box 1230 - 00621 (Village Market), Nairobi, Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com