SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dugsiga Qurduba ee Magaalada Boosaaso ayaa Der- Deri galiyay Heerkiisa A qooneed

Bosaaso:- Dhawaan ayaan booqday rugta uu ku yaalo Dugsiga Qurduba waxaanuna halkaasi kula kulnay Maamulka Iskoolka iyo Macalinmiintaba iyaga oo war bixin dheer naga siiyay qaabka ay wax u wadaan, maamulka ayaa sheegay inay meel wacan marayso wax barashada dugsigaasi isla markaana ay xarumo badan ku leeyihiin Gobolka Sanaag.

Ardayda Iskoolku waxay isugu jiraan Wiilal iyo Gabdho waxana uu noo sheegay Maamulka Iskoolkaasi inay ardaydaasi bartaan Dhawor Maado oo kala ah Xifdinta Quraanka oo safka hore kaga jirta Casharada halkaasi ka baxa.

Maamulka Iskoolka Qurduba ayaa shaaciyay inuu Dugsigaasi ay dhigtaan Arday gaadhaysaa ilaa 300- oo Arday,waxa uu sheegay inay jiraan Degmooyin kale oo uu ka furan yahay Dugsigaasi sida Degmada Buraan ee Gobolka Sanaag ka tirsan.

Maamulku waxa kaloo uu intaasi raaciyay in galabtii Dugsigaasi lagu barto Maadooyinka ay ka mid yihiin Carabi, Somali , iyo English, Juquraafi, taariikh, iyo Tarbiyo, Xisaab, iyo Maadad Sayniska.

Waxa noo xaqiijiyeen Maamulka Iskoolka Qurduba inay Dugsigaasi dhigaan Macalimiin khibrad dheer u leh barida Ardayda kuwaasi qaarkood si wacan u xiftisan Quraanka Kariim ka ah.



Dugsiga Qurduba ayaa ah mid ay hada iyo jeer u mahad celiyaan marka ay waalidnta Ardaydaasi arkaan qaabka fiican ee ay usocdaan Duruusta Dugsigaasi oo ay ku til maameen inay tahay mid u baahan in Ardayda Somaliyeed ka faa iidaystaan.

Maamulka Guud ee Dugsigaasi Cawil Cali Ciise ayaa sidoo kale tibaaxay inay Mustaqbalka dhaw ay hiigsanayaan inay qaabab kale oo dheeraad ah ku soo kordhiyaan Dusgsigaasi iyaga oo had iyo jeer talo wadaag la ah Waalidiinta Ardayda oo laftigoodu had iyo jeer soo booqdo Xafiiska Iskoolka.

Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalkcom/Bosaaso

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com