SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
26 February 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Dhibaatooyin kala duwan oo dadwaynaha loo gaystay

Ururka Dhalinyarada Ogaadeenya oo London lagu asaasay .

Xasuuqii Wardheer: Dhacdo murugo iyo farxad isugu jirta


======================


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu jabiyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladani waxay u dheceen sidatan;

23/02/08 Qurux-boob, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tegay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

22/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar ir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Dhagaxbuur, waxayna ka dileen inta la ogyahay 7 askari, 4 kalana way ka dhaawaceen.

21/02/08 Qabaale, oo Shilaabo ka tirsan, waxaa lagu gubay baabuur Uuraal ah oo ciidammada gumaysigu lahaayeen, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkaas iyo askartii saarnayd oo dhan.

Isla 21/02/08 waxaa weerarro kala duwan loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halwgal u tegay deegaanka Huuraale oo gobolka Jarar, waxaana weerarradan ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacy 6 askari. Dagaalladani waxay ka kala dhaceen Is-dabadeg, Tagaabeeye iyo Xaarrey, oo dhammaantood ku dhaw Huuraale.

Sidoo kale 21/02/08 waxaa weerar gaadmo ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Qarjajabo, oo Dhuxun ka tirsan, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

19 iyo 20/02/08 waxaa weerarro lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Daara-salaam, oo u dhaxaysa Garbo iyo Dhuxun, waxaana laga dilay 13 askari, 8 kalana waa laga dhaawacay.

19/02/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuxun, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

18-19/02/08 Qansaxa, oo Sagag ka tirsan, waxaa weerarro gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal halkaas u tegay, waxaana isu gayn laga dilay 10 askari, 9 kalana waa laga dhaawacay.

17 iyo 18/02/08 waxaa weerarro mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Garasley, oo Dhuxun ka tirsan, waxaana laga dilay inta la ogyahay 2 askari, 1 kalana waa laga dhaawacay.

17/02/08 Bacaadka, oo Garbo ka tirsan, waxaa lagu weeraray kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysigu, waxaana laga dilay inta la ogyahay 9 askari, 5 kalana waa laga dhaawacay.

14/02/08 Qarjajabo, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa lagu miray cidammo gumaysigu leeyahay halwgal halkaas u joogay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

12/02/08 dagaal ka dhacay Qansaxa, oo Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/02/08 Barmiilka waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tegay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Dhibaatooyin kala duwan oo dadwaynaha loo gaystay

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa dhibatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkan, oo ka dhacay gobollo kala duwan, waxay u dheceen sidatan;

22/02/08 Dhurwaale, oo Daara-salaam u dhaw, waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqabteen oo ku xidhxidheen magaalada Dhuxun dadka kala ah;
1- Ardo Xuseen Dhacar iyo
2- Maxamed Xarbi

Sidoo kale 22/02/08 magaalada Garbo gudeheeda waxay ciidammada gumaysigu si xun ugu jidhdileen C/llaahi Iidaale Cabdi Sahal.

20/02/08 Xaraarey, oo Nogob ku taalla, waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysigu ku mirrijiyeen Deeq Axmed Kaariye. Ninkan ayaa markii ayay dadwaynaha deegaanku soo badbaadiyeen, ka dib markii ay nolol ugu tageen. Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale isla meeshan ku kufsadeen gabadh da’yar oo lagu magacaabo Sawda Cabdi Qoor-leex Wayne iyo hooyo 50 jir ah oo iyadana lagu magacaabo Sureer Macalin Qorane.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu isla maalinkaas jidhdil ba’an u gaysteen, ka dibna la tageen dadka kala ah;
1- Xalane Miyir iyo
2- Cibaado Jillaale. Labadan qof waxaa lagu xidhay magaalada Dhuxun.
Waxay iyagana maalintaas six un u jidhdileen dadka kala ah
1- Ramle Rashiid Xasan iyo
2- Cabdi Xaashi oo curyaan ah.

18/02/08 Abeesaale, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- C/raxmaan Maxamed Diiriye
2- C/naasir Maxamed Diiriye
3- Maxamed C/llaahi Nuur
4- Ismaaciil Maxamed Cumar
5- Tamaan Qawdhan Maxamuud
6- Cabdi Macalin Nuur iyo
7- C/llaahi Maxamed Xaaji
Waxay sidoo kale jidhdil ba’an ugu gaysteen C/llaahi Cabdi Gurey.
Waxay iyadana dukaan ay lahayd ka dhaceen gabadh lagu magacaabo Maan Cabdi Maxamed oo wixii dukaanka yaallay oo dhan ay ka dhaceen.

Ururka Dhalinyarada Ogaadeenya oo London lagu asaasay

Galabnimadii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 23/02/08 waxaa magaalada London ee carriga Ingiriiska lagu qabtay shir wayn oo uu soo qabanqaabiyay Golaha Adayda Ogaadeenya ee UK. Shirkan, oo si wayn looga soo qayb galay, waxay ujeeddada ugu wayn loo qabtay ahayd in lagu asaaso urur dhalinyaro oo kulmiya ururrada dhalinyarada Ogaadeenya ee ka jira wadammada kala duwan ee Yurub, waxaana halkaas lagaga dhawaaqay urur lagu magacaabo Ogaden European Youth Leage.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka socda wadamada ay ka midka yihiin Denmark, Finland, Switzerland, Swedan, Norway, Jermany iyo France. Ergooyinkai waxay matalayeen ururrada dhaliyarada Ogaadeenya ee ka jira dalalkaas. Waxaa sidoo kale shirkan ka soo qayb galay madax ka socota Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, Ururka Hooyooyinka Ogaadeenya ee dalka UK, Aqoonyahanno iyo siyaasiin u dhashay dalka Ogaadeenya iyo ururrada dhalinyarada ee Soomaaliya, Eritereya iyo Oromiya.

Furitaankii shirka waxaa khudbad dheer oo ka xogwarramaya halganka Ogaadeenya ka jeediyay guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Admiraal Maxamed Cumar Cismaan, oo dadwaynaha kala hadlay qalabka isgaadhsiinta ee maqalka ah. Guddoomiyuhu wuxuu si waafi uga warbixyay xaaladda uu ku sugan yahay halganka Ogaadeenya iyo guulaha dhinaca walba ah ee laga soo hoyiyay gumaysiga Itoobiya.

Shirkan waxaa lagu soo bandhigay warbixino dhaadheer oo ka turjumaya xadgudubyada dhinaca xuquuqda aadanaha ee ciidammada gumaysigu u gaystaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Waxaana halkaas lagu soo bandhigay warbixino lagu lifaaqay muqaallo dhab ah oo aad u dhaqaajiyay dareenkii ka qayb galayaasha.

Gabagabadii shirka waxaa shahaado sharafyo la guddoonsiiyay fannaanka caanka ah ee Ogaadeenya Maxamuud Axmed Cumar (Jangoo) iyo qaar ka mid ah dhalinyarada OSF oo lagu abaalmariyay sida firinfircoonida leh ee ay uga qayb qaataan abaabulka dadwaynaha iyo sida ay beesha caalamka u gaadhsiiyaan tacaddiyada xaquuqda aadanaha ee Itoobiya ka galayso dadwaynaha Ogaadeenya.

Xasuuqa Wardheer: Dhacdo murugo iyo farxad isugu jirta

14 sano ayaa ka soo wareegtay markii ay ciidammada Wayaanuhu xasuuqa ba’an ka gaysteen magaalada Wardheer oo ay hal subax ku laayeen in ka badan 80 qof oo shacab ah oo u dhashay magaalada Wardheer iyo nawaaxigeeda. Maalinta uu xasuuqaasi dhacayo waxay ku aaddanayd 22/02/1994.

Xasuuqa Wardheer wuxuu xanbaarsan yahay dareen murugo iyo guul ku-faan isugu jira. Qof kasta oo maqla ama lagu soo qaado Xasuuqii Wardheer wuxuu ka murugoon sida naxariisa darrada ah ee ciidammada gumaysigu u gumaadeen dadwaynihii denbi laawayaasha ahaa ee reer Wardheer, haddana wuxuu dhinaca kale ku naalloon sidii ay sharaftooda iyo qadiyadooda u difaaceen ee dersinka lama illaawaanka ah u siiyeen ciidammadii gumaysiga.

Xasuuqa Wardheer arrimaha sida gaarka ah loogu xusuusto waxaa ka mid ah iyadoo Ciidammada Wayaanaha, oo berigas curdan ahaa, ay ahayd markii ugu horraysay ee ay si fiican uga hirqadaan dhiigga shariifka ah ee dadwaynaha Ogaadeenya.

Ciidammada Wayaanuhu waxay maalinkaas si bahalnimo u laayeen dadwayne rayad ah oo aan haysanin hub u dhigma midka ay iyagu haysteen oo ay iskaga caabiyaan. Waxay sidoo kale xasuuqaas ku dhaawaceen dad boqollaal gaadhaya. Waxay iyadana boobeen oo bililiqaysteen hantidii dadwaynaha ee magaalada taallay.

Maalintaasi waa maalintii ay cdiidammada Wayaanuhu billaabeen inay ku mamaan dhiigga shariifka ah dadwaynaha Ogaadeenya.

Waa maalin ay carruur badani agoontowday, hooyo badanina Asay qaaday. Waa maalintii cadow ku wiirsaday curaddadii qaaliga ah ee cisiga iyo sharafta loo dhammeeyay. Waa maalin cindigu ka gubto, damiirkuna ka cadhoodo.

Hase yeeshee Xasuuqa Wardheer, in kastoo uu yahay dhacdo dareenku ka gubto, niyaduna ka diddo, haddana dhinaca kale waa dhacdo mudan in lagu faano.

Waa maalintii ay dadkeenu ciidammada gumaysiga iyo xukuumadda gumaysigaba FAR waawayn ugu daabaceen inaan dadkayaga marna la sandullayn karin.

Waa maalintii ay ciidammada Wayaanuhu si dhab ah u ogaadeen in dadwaynaha Ogaadeenya ay yihiin kuwo aan marna oggolaan in la quudhsado oo xaqooda dhib yaraan lagu xalaalaysto.

Waa maalintii ay ciidammada Wayaanuhu ogaadeen in dadwaynaha Ogaadeenya ay keena-diid yihiin, isla markaana ay cadowgooda gacan bir ah kala hortagayaan, iyagoon xeerinaynin awoodda iyo kala itaal-roonida, balse adeegsanaya niyaddooda birta ah iyo isku kalsoonidooda, oo aaminsan hadal murtiyeedkii ahaa “Mintid fara yar Midhihii bataa kama macaashaan”.

Waa maalintay ciidammada Wayaanuhu ogaadeen in hubkooda casriga ahi aanuu caabiyi karin waddaniga cadhoodee ciiddiisiyo difaacaya cisiga diintiisa. Waa maalinta ogaadeen in ciidda Ogaadeenya aan ciyaar lagu hanan karin.

Xasuuqa Wardheer ma ahayn xasuuqii ugu horreeyay ee ciidammada Itoobiya u gaystaan dadwaynaheena, mana noqonin xasuuqii ugu denbeeyay. Xasuuqa Wardheer waxaa ka horreeyay xasuuqyo kale oo ba’an, sida Xasuuqii Kanooniga ee ka dhacay nawaaxiga Dhagaxbuur lixdameeyadii iyo xasuuqyadii ka horreeyay ee ciidammadii Minilik ay dadkeena u gaysteen.

Bilo ka hor waxaynu xusaynay “Xasuuqii Qabridaharre”. Hadda waxaa maalin walba ina soo gaadha wararka xasuuqyo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, oo sida la ogsoon yahay ay ciidammada Itoobiya ka wadaan olole aan dalk Ogaadeenya horay u soo marin. Ololahani wuxuu hadda foodda sii galainayaa sannad, wuxuuna sahayday nafta dad aad u badan oo reer Ogaadeenya ah.

Waa xasuuq kale oo gali doona taariikhda ayaamaha madow ee soo maray dadwaynaha Ogaadeenya. Waa xasuuq si gaar ah ugu daabacan xiska xubin kasta oo ka mid ah dadwaynaha Ogaadeenya. Waa xasuuq ay taariikhdiisa dhaxli doonaan jiilalka soo socda ee Ogaadeenya.

Waa xisaab kale oo ku maqan cadowga Itoobiya, oo loo baahan yahay inaynu u guntano sidii aynu cadowga uga gudan lahayn. Haddii ay naftu inugu simi waydana aynu dardaarankeeda ugaga tagi lahayn ubadka ina dhaxli doona.

Hooyada Uurka leh ee la dooxayo, waayeelka iyo carruurta aan loo tudhaynin, gabdhaha sharaftooda la dilayo iyo dhalinta la laynayo, dhammaantoodba waa xisaabo kale oo ku maqan cadowga!!


26 February 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com