SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Saadaasha 21aad oo ay Soomaliya ku sii Socoto ma Dhab baa?

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com 

Waxaa sii kordhaya Saadaasha ay Dad badani kaga Warbixinayaan arimaha Soomaaliya oo ah waqtiyadii iyo marxaladihii kala duwanaa oo uu Dalku soo maray ,sida 21Kii Sano ee uu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan la Dagaalamayey Gumeystiyaashii reer Yurub iyo kan Itoobiyaba, Waxaa kaloo jiray 21Kii Sano ee Xoriyadda iyo Musmaasuqa, Waxaa kaloo na soo maray 21Kii Sano ee Dowladii Maxamed Siyaad Barre ee Militriga ahayd,Hadda ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu Dagaalkan Sokeeye ee Daba dheeraaday uu ku socdo Xaaladihii hore ee 21Ka ahayd Cabsidan weyn ayaa waxay ku timi Shacabka Soomaaliyeed oo sugayey Nabadii muddo imminka ka badan 17-Sanadood oo weli uu Waddankii gacanta ugu jiro Gumeysi aan Shacabka u naxayn Alle Raxmaan aan ka baqanayn ee Madow ah.

Taariikhda Dalka Soomaaliya ayaa waxay maraysaa heer aad u Madow oo laga naxayo markaad aragto sida uu Gumeystuhu u Xasuuqayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalkoodii Hooyo Dhexdiisii ,Gobolada kale ee nabadda ah ee Dalka Soomaaliya ayaa ku fiirsanaya Walaalahooda kale ee lagu laynayo Waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho ,taasina wax Dow ah maahin berrito Xagee baad ka galaysaa Gumeystaha markuu Walaalkaa uu Dilo sidee adiga uu kuu daynayaa ,Qof waliba waa inuu ogaadaa inuu yahay Muwaadin Soomaali ah uusan ku fiirsan Gumeystaha inuu Dalka Gudihiisa ku laayo Maatida iyo Carruurta Midnimadu waa Sharaf Dalkuna wuxuu ku Xoroobayaa Midnimadeena

Markaan Dib ugu noqono Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliya ayaa waxaad moodaa in Saadaashan 21Ka ahi aysan ahayn mid Dhab ah ,sida Sahlan ee ay u soo Celiyeen Nabadii iyo kala dambayntii lagu bartay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xilligii ay Maamulka hayeen oo yaraa sida ay Shacabku u jeclaysteen adeegyadii bulshada oo ay si Dhaqs ah ku soo celiyeen ammaankii oo ay sugeen ,iyo Qabiilkii oo ay bulshadii isaga tagtay ogaatayna inuusan wax faa'iido ah u soo hayn ,Qabqablayaashii oo lafahoodii la Cararay Markii uu Qabiilkii Dhammaaday ee uu Xaqiina yimi (Qur'aanka)oo ah Kitaabka Alle

Sanadkii dhashaba waxaa xiga Sanad kale rajadii nabaduna weli wey liidataa oo Itoobiya ayaa Durbaanka u tumaysa DFKMG ah oo aan Mustaqbal u soo hayn Shacabka Soomaaliyeed Dadkii u dhashay Dalka waxay u kala qaybsameen kuwa Dalka Gudihiisii lagu Xasuuqayo,kuwa Xabsiyada ku jira ,kuwa Barakacay,kuwa Tahriibay,kuwa la Tarxiilay ,kuwa Qaxooti ah Xeryha Qaxootiyada,kuwa Qurbihii ku Baaba'ay iyaga iyo Ubadkoodiiba oo Cayrta Quud Mooday, iyo kuwa Daba-Dhilif ah oo Gumeystaha u adeega.

Maqaalkan oo aannu ku soo qaadanay Saadaasha 21-ka ayaanu ahayn rajada Dalkeena ee rajada waxay ku jirtaa Gacanta Alle Raxmaan ,Haddii aannu la imaano Xaqa Alle wuu inoo naxariisanayaa Dunida Liibaan ayaanu gaaraynaa Aakhirana Janno ayaan helaynaa waana Dhab ,waxaa Tusaale inooga filan Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliya iyo Xalkii ay la yimaadeen ee ahaa Kitaabka Alle marka Saadaashan waxaan filayaa inuu Waqtigeedii ku ekaa oo keliya Dowladii hore ee Militeiga ahayd ee Dalka Xukumaysan 21-Ka Sano.

Gabagabadii iyo Qoraalkan,Waxaan ku Codsanaynaa inay Madaxda Sare ee DFKMG ah ay fahamto Xuquuqda ay leeyihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed ,ee lagu hayo Xasuuqa,Xarrigga Sharci darrada ah ,Barakaca, Dhaca iyo Boobka ee ay u geysanayaan Ciidamada Maxaysatada Tigrayga ah ee Sharci darrada ku yimi Dalka Soomaaliya 12/28/06,inay si deg-deg ah Dalka uga Saaraan una joojiyaan Fal-Dembiyeedyada ka dhacaya Dalka oo ay Ciidamadaasi geysanayaan ,isla Markaana si deg-deg ah Xabsiyada uga Siidaayaan Dhammaan Odayaasha,Siyaasiyiinta ,Culimaa'udiinka,Dhallinyarada ,Haweenka iyo Carruurta ku jira Xabsiyada Dalka Gudihiisa ee Koonfurta ku yaal iyo kuwa ay Maamushaan Ciidamada Cadowga ee aan la garanayn Rugtooda ka baxsan Dalka Soomaaliya.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Ganacsigii hore ee Soomaalida & Ganacsiga Maanta maxay ku kala duwan yihiin.‏

Ganacsiga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo aad iyo aad u kala fog ilaa iyo inta Taariikhda la og yahay ayaa Dadka Soomaalida waxaa lagu yiqiinay Ganacsi waxayna ganacsatada Soomaaliyeed Xiriir la lahaayeen Dunida inteeda kale taana waxaa inoo Caddaynaya markii ay Ganacsatadii Dhoofka ku iman jirtay ay u baxsheen Soomaaliya Dhulkii-Udugga oo taa uu Macnaheedu ahaa" Dhulkii Beeyada ama Fooxa"
Waxaa kaloo soo baxay Qarniyo ka dib in ganacsigii uu is bedelay, waxaanna uu noqday mid Xowli ku socda oo lagaga faa'iday Xoolaha,Hargaha,Saamaha,Fooxa,iyo Beeyada.

Haddaba,waxaa intaa dheeraa oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ay ku caan baxeen dhoofinta Kalluunka oo noocya fara badan lahaa Xilliyadii dambana ganacsatadu waxay gaareen horumar aad u ballaaran oo ay bilaabeen inay dhoofiyaan waxyaabaha ka soo baxa Beeraha sida Muuska,Liinta oo noocyo fara badani lahayd,Xabxabka(Qaraha) iyo kuwa kale
Horumarka ay ganacsatadu ay gaareen waxaa mar waliba hortaagnaa Maamuladii Dowliga ahaa ee ka jiray Dalka kuwaa oo ganacsatada ku hayey Cadaadis xagga Siyaasadda ah oo ay ku Xakameynayeen Maamulka Ganacsiga ee Dalka oo ay doonayeen inay ilaaliyaan.

Dagaaladii Sokeeye iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa iyana ah muhiimad gaar ah oo haboon in laga hadlo ,Xaalad aad u murugsan ayaa waxaa ka dhex muuqday ganacsatada Soomaaliyeed oo aan hagrasho lahayn ugu adeegayeen Shacabkooda Soomaaliyeed inkastoo aysan kaafin karin nolosha inteeda badan xaaladda Dalka uu ku sugnaa darteed iyo Nabadgelyada oo aad u xumayd ,waxaa kaloo iyana jirtay Xaalad ay ganacsatadu ay ku sugnaayeen Xeryaha Qaxootiga oo Maciishada iyo Xilliguba ay aad iyo aad u adkayd hase ahaatee mar waliba ganacsatada Soomaaliyeed way ku faraxsanaayeen
ganacsigooda iyo Macaamiishooda ay Xiriirka la lahaayeen waqti walba oo soo mara.

Burburkii Dalka ayaa waxaa ka faa'idaystay Waddamada Soomaaliya deriska la ahaa iyo kuwa kaleba ganacsatadii ayaa waxay Maalgelin Xooggan ku samaysteen Waddamada Kenya,Ethopia,Tazaniya,Zambiya,South Africa, Yurub ,Asia iyo North Amerika oo dhan
taasina waxay keentay inay la qabsadaan ganacsiga Casriga ah ee dunida maanta ka jira ee ah E-Commerce ,ganacsato fara badan oo Soomaali ah ayaa waxay leeyihiin Small Business ama (Independent Business Owners ) kuwaas oo ka sameeya nolol ay ku noolaadaan iyo Mustaqbalka Carruurtooda ee dambe taasina waa horumar wanaagsan.

Ganacsatada Duulimaadyada iyo Dayaaradaha ayaa waxay noqdeen kuwa aan marnaba laga maarmayn ,hase ahaatee Dhibaatooyin fara badan u geysta Shacabka Soomaaliyeed ee aan Qaarkood aan aqoon luqadaha Shisheeye ama "Ingriiska ",Sababtoo ah inaysan siinin Macaamiishooda Xog iyo Warbixin ku filan oo ay markay ka baxaan Xadka Dalka Soomaaliya ay ula Xiriiri karaan Qalabkii ay Safar ahaan u siteen ,oo taasina ay dhacdo marar badan in Qofkii iyo Alaabtii uu Watay Laba Waddan oo kala gedisan ay ka kala Degaan taasina ay Macaamiishoodii ay ku reebaan Uurxumo aad u weyn ama ay Lacag dheeraad ah ka Qaataan Qof kale kuna bedelaan Booskii mid kale oo ku Xaq lahaa.

Gudaha Dalka Soomaaliya oo ay Ciidamo Shisheeye ku sugan yihiin ayaa Dalku uusan lahayn Hay'ad Dhexe oo Xadidda Ganacsiga Dalka Gudihiisa ama "Somali Trade Commision" waxaanna abuurmay Ganacsi been abuur ah oo ay ka faa'idaysanayaan Dad aan Dhalashadoodu Soomali ahayn taasina ay keeni karto Cawaaqib Xumo ku timaadda Ganacsigii Dalka Soomaaliya ,kuwaas oo ay ugu badan yihiin Qalabka loo isticmaalo Cusbitaaladda ,Daawooyinka Dadka iyo Xoolahaba, iyo Raashinka Carruurta yar yar oo Dhaammaan ay ka ganacsanayaan Tigrayga Dalka Xoogga ku haysta iyo kuwa kale.

Maqaalkani ayaan waxaan ku soo gabagabaynayaa in Ganacsiga Dalka Soomaaliya uu maanta marayo Xilligii ugu Xumayd iyadoo weliba uu Dalku ku sugan yahay Xaalad Gumeysi oo aysan jirin Sharci iyo kala damabayn Dad aan Soomaali ahayna ay gacanta la galeen Ganacsigii ay Xaqa u lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo u badan Tigray iyo kuwa kale oo Shacabkii ka gadaya Badeecad Been abuur ah ama aan Sax ahayn waxaa Muhiim ah inay Shacabka Soomaaliyeed fiira gaar ah ay arimahani siiyaan lana Socdaan.

Dayaaradaha iyo Duulimaadyada Hawada Maamulkooda guud waa inay Xaq Dhowraan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Macaamilka ay la wadaagaan tixgelin ballaarana siiyaan Macaamiishooda u kala gooshaya Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba una Akhriyaan Xeerarka Safarada ee Adduunka iyo meelaha ay ku Hakanayaan Safaradooda iyo sida ay Xamuulkooda ula degayaan si aysan u dhicin inay kala Haboobaan Qofkii iyo Alaabtii uu sitay oo marar badani ay arintaasi ay ka timi Dacwooyin Lidi ku ah Maamulka Dayaaradaha ka Hawlgala Dalka Soomaaliya oo Dhalliilo fara badani nalooga soo gudbiyey oo aan haboonayn ,Ganacsigu waa inuu noqdaa mid ku Salaysan Cabsida Alle iyo Xaq Dhow.


Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com