SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

MADAX KA TIRSAN ISBAHEYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYA OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA BERMINGHAM, UK...

image

LONDON 03/01/2008 Waxaa magaalada madaxda labaad ee dalka England  Bermingham,  si heer sare ah loogu soo dhaweeyay madax ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo booqashooyin shaqo ah ku marayay wadamo ka mid ah Yurub iyo Mareykanka.

img_1848_400_02

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Bermingham ku nool ayaa si wanaagsan uga soo qayb galey kulan balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Golaha dhaxe  ee Isbaheysiga dib u xoreynta  Soomaaliya ee dagan magaalada Bermingham oo ay ka dhaxmuuqdeen xubnaha kala ah.

Abdi wali sheikh, Sheikh Abdiraxiim Yusuf, Advocaate Qaareey, Abdi Abshir & Mohamud Abdi Gaab.

Wafdiga Isbaheysiga oo ka koobnaa xubno ka tirsan golaha fulinta iyo golaha dhaxe ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo kulamo diblomasiyeed ku kala bixinayay  wadamada  Galbeedka YURUB I iyo USA bilihii la soo dhaafey haatana ku sugan wadanka Ingiriiska, ayay kala ahaayeen marti sharafka sidatan:

·         Prof . Abdiraxman Ibbi oo ah kaaliyaha Gudoomiyaha golaha dhaxe ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

·         Drs. Fowsiya Mohamed Sheikh oo ah Xoghayaha xuquuqul insaanka iyo dabagalka tacadiyada dagaalka Soomaaliya ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

·         Mudane Mohamed Abdi Yusuf oo ka tirsan golaha dhaxe ee Isbaheysiga dib u xoreynta  Soomaaliya.

·         Drs . Amina Ahmed Warsame oo ah gudoomiyaha xuquuqul insaanka  iyo dabagalka tacadiyada dagaalka Soomaaliya ee golaha dhaxe Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

·         Mudane Abdi-dhere oo ka tirsanaa baarlamaankii dowladii TNG ee Soomaaliya oo isna ka mid ahaa marti sharafkii lagu casumay shirka .

·         Mudane Prof dhicisow oo ka tirsan jaaliyada Soomaalida Finland

img_1852_400

Waxaa shirka ka soo qayb galey Soomaali badan oo ku nool magaalada Bermingham oo lagu casumey.

Ugu horeyntii waxaa shirka furey Abdiwali Sheikh,  isla markaana ahaa xiririyaha shirka isagoo si diiran u soo dhaweeyay madaxda isbaheysaiga dib u xoreynta  Soomaaliya,isagoo war bixino koobana ka siiyey dadkii ka soo qayb galey shirka ujeedada loo qabtey.

Sheikh Abdiraxman ayaa ayado quraan ah ka aqriyey, kadibna waxaa  wacdi isugu jira diini iyo bararujin ah ka jeediyey Sheikh Abdiraxiim Yusuf oo ka tirsan isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Prof Ibbi ayaa isna ka hadley barnaamij uu ugu magac darey ‘’Yaa masuul ka ahaa in Ethopia qabsato Soomaaliya’’

img_1858_400_01

·         Prof Ibbi ayaa hadal dheer ka jeediyey oo uu kaga hadlayeey halgankii dheeraa ay la soo galeen Ethopia iyo kuwa ay wadanka ku qabsatey, isagoo ka bilaabey dhisidii dowladii ku meelka aheyd ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti. 

·          Madaxwayne Soomaali ah iyo dal Soomaaliyeed ayaa idin dhisay dowlad Soomaaliyeed oo ka kooban Madaxwayne, Xukumad iyo Baarlamaan  aqoon iyo tayabo leh, hasayeeshee shacabka Soomaaliyeed ma aysan garanin inay dalka nala dafacaan.

·         Ethopia shirkii carte natiijooyinkii ka soo baxey ma aysan aqbalin, waxayna isla markii biloowday dhisid Isbaheysi loo bixiyey SSRC oo ka koobnaa qabqablayaashii dagaalka Soomaaliya, si ay u hor istaagto dowlada Soomaaliyeed ee ka soo baxday shirkii Carte.

·         Ethopia waxay hub ku soo daabushay Soomaaliya si qabqablayasha dagaalka u hor istagaan dowladii TNG ee madaxwaynaha ka ahaa madaxwayne Dr. Abdiqasim Salad Hassan,hasayeshee waxaa sharaf noo ah hadaan nahay TNG in aan diidnay inaa daadino dhiiga Ummada Soomaaliyeed.

·         Shirkii Khartoum TNG & Ethopia doodii dheerayd ee ku dhaxmartey ayuu xusay isagoo sheegay in Madaxwayne Abdiqasim iyo Zakariye ay kaga adkaadeen Musfin iyo Zenawi

Waxaan Ethopia kaga adkaanay golayaasha  ay ku kulmaan wadamada caalamka hasayeeshee shacabka Soomaaliyeed ma usan fahmin inuu taageero baaxad weyn siiyo dowladii Tng aheyd,balse SSRC ayay moodeen inay wadeen xalkooda,taas oo  TNG  ku qasabtey inaan dalbano shir loo dhan yahay si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay.

Shirkii MBAGATHI biloowgiisi ayaan aragnay inuusan aheyn shir Soomaaliyeed, dhawr jeer ayaan isaga soo baxnay kadib markii dalkii iyo diintiiba meel looga dhacay, balse waxaa dhacday in TNG inay khiyaameeyeen madaxdii shirka wafdigiisa hogaaminaysay .

 Waxaa la dhisay Dowladaan fashilantey iyadoo ay u kala qaybsaneyd 3 qaybood biloowgiiba

Qaybta 1aad Qabqablayaasha dagaalka ee Ethopia wadatey 90 xubnood ah.

Qaybta 2aad Baarlamaan xor u ah fikirkooda 90 xubnood ah.

Qaybta 3aad Calooshood u shaqeystayaal hadba meeshii ay beeso ka helaan raaca 90 xubnood ah.

Maalintii la doortey Abdulaahi Yusuf ayuuba bilaabay inuu 20.000 ciidan Ethopian ah dalbado isagoo baarlamaanka hortagin,taas oo keentey inaa ku kala jabno oo aan kuraas la dhacno kuwii Ethopian jeceylka madax martey.

Xamar ayaan tagnay iyagana waxay adeen Jowhar kadibna Hogaamiye Kooxeedyadii Xamar xooga u haystay ayaa diiday qorshihii aan u wadaney, taas oo keentay inaan Baydhabo xaruunta Baarlamaanka  ka dhigano wadahadal ka dib.

Soo bixitaankii Maxkamadaha taageero balaaran ayaa ka gaysaney anagoo ku qasabnay inuu Cabdulahi Yusuf si cad u taageero, taas oo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa Xamar ay maalin qura cagta mariyeen kuwii 17 sano xooga ku haystey.

Waxaa xusid muidan in Maxkmadihii ay muujiyeen lix bilood oo aan horey ummadda Soomaaliyeed u soo marin 16 kii sanno ee dalka dowlad la’aanta ahayd, waxayna ummadda tuseen in gacantooda biyaha uga dhergi karaan nabaddana iyaga isu hayaan BACDALLAAHI

Xamar markii nabadeeda ay soo noqotey si toos ayaan isugu nimid ulana shaqeynay ilaa hadana waxaan isla dhisanay Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed oo maanta dalka halganka dib u xoreynta ka wada gudaha iyo dibadda.

Dalkii waa la qabsadey haatana halgan baa socda, ummada Soomaaliyeed waxaan uga digayaa kuwa raba inay kala qaybiyaan ummadda Soomaaliyeed in laga feejignaado iyagoo ka leh ujeedooyin gaar ah.

img_1859_400 

Drs Fowsiyo Mohamed Sheikh ayaa ka warbixisay safarkeedii Mareykanka.

·         iyadoo sheegtey in si wayn loogu soo dhaweeyay dalka USA oo ay ka tagtey magaalooyin badan,waxaan la kulanay Sanators iyo Congressman badan oo aan u sharaxnay xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee dagan Soomaaliya,gaar ahaan Muqdisho.

·         Dhamaan madaxda aan aragnay iyo wasaarada arimaha dibada iyo qaybta xirrirka caalamiga ee Congreeska Mareykanka dhamaantood waa isku afgaraney arrimihi aan hor dhignay oo maqal iyo muuqaalba lahaa ,hase yeshee waxaan soo ogaanay in labada Aqal  ku kala qaybsan yihiin arrimaha Soomaaliya.

·         Waxaan kale oo la kulanay madaxda hayadda  ka howl gashay dadka ku xiran Xabsiga GUATANAAMO oo  ka dhisan dalka Mareykanka oo aan ka xusi karno hayadda u dooda dadka ku xiran xabsiga Gutanama Bay ,waxay noo balan qaadeen inay si lacag la’aan ah ay arimaha Soomaaliya ugu shaqeyn doonaan.

·         Waxaan gacanta ka galinay qoraalo iyo warbixino wata sawiro muujinaayo tacadiyada ay ka gaysteen Soomaaliya ciidamada Ethopia iyo kuwa la  shaqeysta ee damiirka laheyn .

·         Waxaan tusnay hooyo Soomaaliyeed oo mayd ah oo cunugeedii oo bilo jira uu naaskeeda  caano ka raadinaayo iyadoo dhimatey oo taal wado ku taal Muqdisho, kadib markii ay dileen kuwa ummada ku xasuuqaya Soomaaliya ee ka kooban Soomaali iyo Ethopian ayay tiri drs Fowsiyo.

·         Waxaan la kulanay Raisal wasaarihii hore Soomaaliya Mudane Abdirisaq xaaji Xusen waxaana u noo sheegay inuu ka murugoonaayo dhibaatada Soomaaliya  ku sugan tahey waqtigaan,waxaan soo gaarey halgankii SYL oo aan qayb ka ahaa hadana waxaan noolahay wadankeenii cadaw heysto ,ma jeclayn inaa waqtigaan noolaado inaa dhintaa I rooneyd oo aan arkin Soomaaliya gumeysi haysto,ayuu yiri mudane Halgame Abdirisaaq xaaji Xuseen  .

·         Drs Fowsiyo ayaa ka codsatey dadka Soomaaliyeed inay gacan ka gaystaan sidii sharciga loo horgayn lahaa kuwa dadkeena iyo dalkeena halaaga u horseeday, la’aantiinana ma suurta galeyso qof kasto waa in uu soo uruuriyo tacadiyada oo dhan meelna aan isku wada geyno si loo horgeeyo maxkamadda khusayso.

·         Drs Fowsiyo ayaa ku guubabineysay ka qayb galayashii shirka inay u istagaan inay dalkooda ka xoreeyaan cadawga .,ma dooneyno waxa dhibka ummadda Soomaaliyed u keenay, waxayna hadalkeeda ku soo gunaanadey iyadoo ku faraxsan sida jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibada ay halganka u garab taagan yihiin umadda Soomaaliyeed.

·         Waxaa dhawaan Casmara noogu imaan doono mudanyaal ka tirsan Congreeska Mareykanka kadibna waxay tagi doonaan xeryaha qaxootiga Soomaalida ku jiraan ee Kenya iyo Soomaaliya,si ay ugu kuur galaan dhibaatada baxaada wayn ee Cadawga Ethopia ka geystay Soomaaliya.

img_1841_400_01

Drs Amina Ahmed Warsame oo ka tirsan isbaheysiga ayaa qudbo qiiro leh ka jeedisay:

·        iyadoo ku biloowday in raga Soomaaliyeed ay yihiin kuwa dalka gacanta u galiyey Ethopia ,dadkoodana gumaadaya.

·        Raga Soomaaliyeed waa fulayiin aniga abdulaahi Yusuf 6 sanadood ayaa jeelka Ethopia seexiyey oo aan ka dambeeyay in la xiro,si fiican ayaan isku naqaan odeygaan waa nin fulay ah oo aan geesi aheyn, waxa u ku shaqeystaa inuu dadka waxtarka ah qaraajiyo,wuuna ogyahay inuusan Soomaali ku dhicin waa ta maalintii Ethopia caleemo saaratey uu ka dalbadey 20.000 asakari,taasi waxay na tuseysaa inuusan isku qabin kalsooni, ummada Soomaaliyeedna kalsooni ku qabin ayay tiri drs Amina.

·        Waxaa loo baahan yahay in dalka laga xoreeyo horrarka dhiiga yacabka ah ee gumaadaya maatada Soomaaliyeed,isagoo wadankina gacanta u galiyey Ethopia,cabsida joojiya qof,wadan midna ha oga haybeysanin inaa dalkaada si xor ah u xoreyso ayay tiri Marwo Amina Ahmed Warsame.

img_1879_400

Waxaana markaa  ka dib hadley mudane Abdidheere oo ka warbixiyey :

·         xaalada dalka ku sugan yahay maanta iyo sida la doonaayo in loo xoreeyo.

·         Ma xoroobeyno hadaynan iska daynin khilafaadka yar yar ee dhaxdiina ku jira ayuu yiri abdi dheere.

img_1880_400

Mudane Mohamud Abdi Gaab oo ka tirsaan golaha dhaxe ee isbaheysiga  ayaa ka warbixiyey:

·        kulamo ay la yesheen dowlada Holand iyo baarlamaankeeda,intii aan joognay Casmara ayaan xiriir fiican la yeelanay safaarada Holand ay ku leedahay dalka Eritariya,xirriirkaas oo gaarey meeshii ugu sareysay ,dowlada Holand ayaa si rasmi ah noogu casuntey wasaarada arimaha dibada Holand iyo baarlamaanka Holand.

·        Aniga, mudane Mohamed Abdi Yusuf,  Mudane Abdulkadir sheikh Ismail iyo mudane Abdiwali ayaa kulamadaas la yeelanay dowlada Holand,waxaan ka wada hadalnay dhibaatada baaxada wayn ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee dalkooda inta la qabsadey hadana lagu xasuuqaya sida sharcidarada ah.

·        Dowlada Holand ayaa si cad ugu sheegtay masuuliyiintaan in ay ka xun tahay dhibaatada ka jirta Soomaaliya, waxaan hordhigeynaa shirka EU ee ugu horeeya ayay balan ku qaadeen inay arimaha Soomaaliya kala hadli doonaan.

Mudane advocaate Qaareey oo ka mid ah golaha dhaxe ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya .

·         isagoo soo dhaweeyay madaxda Isbaheysiga ee martida ugu ah maanta magaalada Bermingham ,wadankii waa la haystaa waana in la xoreeyaa oo loo kala harin ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

img_1888_400

Mudane Mohamed Abdi Yusuf ayaa isna ka hadlay :

·         Halgankii Ummada Soomaaliyeed u soo galeen xornimada Soomaaliya iyo sidii loo fashiliyey dadkii iyo ururkii SYL ee Soomaaliya u soo halgamay, kadib markii gumaystayaasha dalka ka baxeen, mar walbo qabiil baa fashiliya ummada Soomaaliyeed,isagoo tusaale u soo qaatey hadii aan Ethopia dalka ku soo hogaamiyo, ummada Soomaaliyeed laayo oo aan hantida dadka iyo dalka boobo, oo aan dambiyo waawayn ka galo dalka ,diinta iyo dadka, waxaan hoos galayaa qabiil oo waa la I cafinayaa kadibna madaxwayne ayaaba la I dooran ayuu yiri  Mohamed Abdi Yusuf isagoo ku tilmaamay arinkaan arin fool xun oo aan la qaadan karin lana aqbali karin inay sidaasi mar walbo dhacdo.

·         Marka ummada Soomaaliyeed waa inay waxaas ka gudubtaa qof walbo waxa uu yahay lagu qoraa book cad ama book madoow si hadhow lagu kala garto kii dalkiisa khaa’imay iyo kii dalkiisa u soo halgamay,isagoo hadana tusaale u soo qaatey waxaa jira dad kursi jaceel iyo hanti boob ugala meel walba inay jiraan si ay u helaan waxay doonayaan,waxay wax ku raadiyaan qaab qabiil ,qaab diiimeed iyo noocyo badan xataa gobanimo doonka kama ah run ayuu yiri isagoo tilmaamaya kuwa isku khariya dadka ay danta gaarka ah wato.

·         Waxaan biloownay kadib markii dalka la qabsadey inaa Kenya ka sameyno  shirar joogta ah oo aan caalamka kagala hadleyno arimaha Soomaaliya.

·         Kenya dowlada ka jirta waa cadaw la mid ah Ethopia way na xirxirtey kadibna dalka ayay naga saareen, Jabuuti baan tagnay kadibna waa hadalnay laakinse walaalaheena Jabuuti ma rabin in aan Amerikaanka isku taagno,waan ka tagnay Casmara ayaan tagnay anagoo ah Baarlamaanka Xorta ah ,waxaan la kulanay madaxwaynaha dalkaas,wadahadal kadibna waxa uu noo sheegay in calanka Soomaaliya uu miiska saaran yahay loona baahan yahay in dalka la xoreeyo ayna gacan wayn ka heleyno madaama labada dal walaalo iyo isku qadiyad yihiin.

·         Waxaan annaga iyo walaalaheen Maxkamada Islaamiga wada doonay dhamaan dadka aan isku fikirka nahay ee ka soo horjeedo Gumeysiga Ummadda Soomaaliyeed qabbsaday. Waxaana wada dhisanay Isbahaysiga Dib U Xoreybta Soomaaliyeed .

·         Qabiil ma jiro qabiilkeynu waa Soomaali wax ka hooseya ma jirto ayuu hadalkiisa ku soo koobay mudane Mohamed Abdi Yusuf

img_1867_400

Jaaliyada Soomaalida Bermingham ayaa talooyin iyo su’aalabo waydiiyey madaxda halkaasi ka hadashay.

img_1855_400

Shirkii Bermingham waxa uu ku dhamaaday guul iyo is afgarad,halkaasna waxaa loogu duceeyay Soomaaliya ,iyadoo shirkaan sanadkii hore 2007 iyo kan cusub 2008 uu ku soo beegmay .

Waxaa soo diyaariyey

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
Bermingham

Soomaaliya sidii Lagu Xoreyn Lahaa
Warbixin dhamaystiran ee kulankii looga hadlay daahfurka dhibaatada Soomaaliya ee ka dhacay Minneapolis Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

Maanta, Jan 1, 2008 waxaa hal sano laga joogaa markii ciidamada Itoobiya galeen Kismaayo. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ka hor intii aysan gelin Soomaaliya waxaa kamid ahaa erayadan "...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya"... Akhri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com