SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

KENYA MA NOQON DOONTAA RUWANDADII 2AAD EE AFRIKADA BARI.

DHACDOOYIN NAXDIN LEH OO KU AADAN MUSTAQBALKA KENYA

Qariidad ay ka dhexmuuqato kenya

Kenya (taariikh kooban)

Dulka Kenya waxaa uu la,egyahay masaaxadiisa (580,367 km)

Kenya waxay ku taalaa bariga afrika waxaa daris la ah  ugandha dhanka waqooyi  galbeedka tanzaaniya,  koonfurta iyo koofur galbeed waxaa ka xiga sudan dhanka bari waxaa ka xiga Somali iyo badweynta India.

Qarnigii 8aad ee miilaadiga waxaa soo degan ganacsato carab ah  xeebaha bari ee Kenya madoonayo in aan sii galo taariikhihii iyo carabtii timid xeebaha bari ee Kenya iyo waliba islaamka Kenya waqtiga uu soo galay waayo waa war aad u dheer oo aan lagu soo koobi Karin halkan laakiin si kooban u ogoow islaamka Kenya waxaa loo celiyaa in uu soo galay 12-23 hijrada  oo ku aadan 636-646 oo ku aadanayd waqtigii cumar R,C hadalkalaa jira dhahaya waqtigii umuwiyiinta c/malik min marwan 65-86 ku aadan 684-705 si walba ha,ahaatee bariga afrika waxaa waa ka jiri jiray imaara islami inkastoo la,isku qilaafsanyahay taariikhda islaamka soo galay Kenya sida la,iskugu khilaafsan yahay tirade dadka muslinka ah tira koobkii waayadii isticmaarka waxaa uu sheegayaa dadka muslimiinta Kenya in ay yihiin 10% halka dadka muslimiinta Kenya naftooda ay isku khilaafsanyihiin shariif naasir waxaa uu ahaa wasiir xukuumadii hore ee kanu waxuuna mas,uul ooga ahaa mombasa waxuu qabaa in muslimiinta Kenya ay yihiin 30% ninka layiraahdo DR.xasan mwakimaku oo ka dhiga jaamacada Kenya waxaa uu leeyahay muslimiinta Kenya waa 35% si walba ha,ahaatee

qarnigii 16 waxaa dalka degay purtaqiiska  kadib shirkadii afrikada bari ee ay lahaayeen ingiriiska waxaa ay kireesatay dhul yar  1887 miilaadiyada ayadoo markaas sheegatay in ay caq u leedahay 1888 waxaa heshiin dhulka lagu qaybsanayo saxiixday jarmalka iyo ingriiska sidaas ayaa bariga afrika lagu qabsaday ingriiska ayaa la siiyay Kenya iyo inta badan dhulka soomaalida degi jirtay  meeshan waxaa ku jira taariikh aad u dheer oo aan la soo koobi Karin

  Kenya waxay xornimada qaadatay dhib kadib sida afrika kajirtayba waagaas 1383 hijriga oo ku aadanayd 1963 miilaadiga  sanadkaas sanadka xigana waxaa ay noqotay jamhuuriya . 

Tirada dadka Kenya

Tirada dadka Kenya ee sanadkii 2007 waxaa lagu sheegaa 33 malyuun dadka Kenya daga waxaa lagu tilmaamaa qaarada afrika marka laga hadlayo dad la,isku keen keenaya waxayna u qaybsamaan afrikan carab asian yurubian waxaa Kenya dega dhanka qabiilka ilaa 42 qabiil

Tirada qabaa,isha iyo diimahooda

Sidaan horay ku sheegay Kenya waxaa dega 42 qabiil waxaan halkan ku sheegayaa kuwa ugu waa weyn

  1. kikuyu 22% waxaa ka dhashay kibaaki, luhya 14% waxaa dhashay odinga, luo 13% kalanjin 12%  kamba 11% kisii 6% meru 6% afrika inteeda kale 15% asian yurubta carabta 1%.
  2. Xaga diimaha waxaa ay kala yihiin sida tan  35% protestant, 20% katoliik, 40% muslimiin, 1% hunuud inta soo hardayna waa diima kale laakiin tira kooban tira koob ka duwan oo waxaa lasameeyay waagii gumeestaha kabaxayay wadanka sheegayana sida tan laakiin gumaystaha waxaa uu kalahaa ujeedo 45% protestan 33% katolik  10% dad aan diin lahayn 10% muslimiinta 2% inta kale si walba ha,ahaatee waxaa cad in wadanka maalintii uu xuriayada qaatay ilaa hada uu xukumayay halqabiil oo kaliya taasoo dhalisay dhacdada taagan hada ama hormar la,aanta wadanka Kenya amaba waxa loo yaqaano domuquradiyada seefaha lagu kobcinayo.

    Goboladda Kenya

    Kenya sida lawada ogsoonyahay waa 8, gobol (ama mandiqo) waxaa cadeenaya jadwalkan hoose

    GOBOLADA DHEXE

Magaala madaxda nyeri
masaaxadeeda 13,236 km 2
Tirade dadka 2007 4,145,000
Inta laga deganyahay 313/km 2

    GOBOLKA XEEBTA

Magaala madaxda mombasa
masaaxadeeda 84,113/km 2
Tirade dadka 2007 3,035,000
Inta laga deganyahay 36/m 2
 
GOBOLADA BARIGA (Eastern Province). 
 
Magaala madaxda EMBU
masaaxadeeda 154,354/KM 2
Tirade dadka 2007 5,277,000
Inta laga deganyahay 34/M 2
 
GOBOLKA NAIROBI
 
Magaala madaxda NAIROBIA
masaaxadeeda 684/KM 2
Tirade dadka (1999) 2143254
Inta laga deganyahay 3133.4/M 2
 
 GOBALKA WAQOOYI BARI (Northern Province East) 
 
Magaala madaxda GARISA
masaaxadeeda 126,186/KM 2
Tirade dadka 2007 1,762,370
Inta laga deganyahay 14/M 2

GOBOLKA NYANZA(Nyanza Province) 

Magaala madaxda KISUMU
masaaxadeeda 12,507/KM 2
Tirade dadka 2007 5,050,000
Inta laga deganyahay 404/KM 2

GOBOLKA RIFTI VALLY(AMA TOGII QANDHADA BADNAA)

Magaala madaxda NAKURU
masaaxadeeda 182,413 KM 2
Tirade dadka 2007 8,786,000
Inta laga deganyahay 48/ M 2
 
 GOBOLKA GALBEED
 
Magaala madaxda KAKAMEGA
masaaxadeeda 8,285 M 2
Tirade dadka 2007 4,023,000
Inta laga deganyahay 486/KM 2

XASUUQII BARIGA AFRIKA EE KOWAAD.

        RUWNDA . 
 


Sawiro hore ruwanda xasuuqii 1994


Sawiro cusub Kenya 2008 

Ujeedadu maaha ruwanda laakiin waxaan ka soo qaadanayaa wax yaalaha la isdhihi karo waa ay iskaga mid yihiin Kenya iyo ruwanda

  1. maalinta ay xornimada qaateen waa isla sanadkii ruwanda qaadatay xornimda
  2. qaabka qabaa,ilka waxa ay iskaga mid yihiin Kenya waxaa dadka ku weyn qabiilka waxaana wadanka ugu weyn laba qabiil kukuya 22% 14% oo ah luhya halka ruwanda 80% ay yihiin huudu 20% tutsiga xagada diimaha waa ay isku dhawyiihiin waxaa labada wadanba ku xoogan mad,habta protestant iyo katoliga waa sida waraka qaar sheegayaan .

    qaabka dagaalka ayaa isku yara dhow .

6- apr 1994 waxaa la duqeeyay diyaardii siday madaxweynaha ruwanda waxaa meeshaas ku dhintay dadkii saarnaa oo dhan  24 saac kadib waxaa bilaabatay xasuusuuqii loo gaystay  qabiilka tuutsiga waxaa la gowracay 100 maalin gudohooda  8000 kun oo ruwaanda ah .

Halka hada dalka Kenya 24 saac in ka yar natiijada doorashada ay bilaabatay in la gawraco dadka, qaab qabiil ahaan .

Waxaa kaloo la dhihi karaa oo ay iskaga mid yihiin dadka lagu gubayo meel walba oo ay galaan siiba meelaha dadka gristanka wax ku caabudaan, siiba kaniisadaha sida 50 qof ee lagu gubay eldoret waxaa hada muuqata in loo heshiiyay qabiilka kukuyada oo badanaa qaabaa,ilada dega Kenya ugu weyn

hadii xataa aan loo heshiin waa lawada nacayaa hada  asbaabo la xariiri xukun isku kali yeel waxaa muuqata in Kenya ay hada ku sii socoto wadadii ruwanda amaba kasii xumaato waa hadii ciidanka Kenya dagaalka soo galo ama uu u dhaqmo qaab qabiil wax walbana waa macquul amaba waa ay dhici karaan oo waa loo fadhiyaa.

waa hadii uu san shaqayn caqliga ama wax garadnimo lagu bad baadinayo dawlada Kenya in ay ku soo biirto soomaliya ama geeska afrika taasoo lagu tilmaami karo musiibo ka dhacdo bariga afrika oo dhan amaba geeska afrika waxaa ayadana macquul noqon karta in dagaalada saameeyaan ugandha hadii Kenya saan ay ku bur burto waxaa lafili karaa ethopiana in ay ku xigsato marka waxaa soo baxaya geeska afrika dhul aan lahayn xukuumado oo dadka qaar ay u dhaqmaan qaab qabiil oo loo noqdo waqtigii aduunyada soo bilaabnaysay, 

SOOMAALIDDA DEGAN KENYA IYO DIRIRTA SAAMEENTEEDA.

1994 waxaa jiray dalka ruwanda dad deganaa oo ahaa muslimiin oo lagu sheegi jiray 4.6% dadkaas aadka u yar marka loo eego dadka kale waxaa ay la soo baxayn karti lala yaabay oo taariikda qortay waayo dadkii la xasuuqayay markii ay ku bad baadi waayeen kaniisooyinka waxaa ay u carareyn meel muslim joogo ama masjid ama xataa qof muslim gurigiis dad badan bey bad baadiyeen muslimiinta

taasi waxay keentay in dad badan ay diinta ilaahay soo galaan hada waxaan ka wadaa midaas ayada ah in soomaalida gaar ahaan ama guud ahaan dadka muslimka ah ayku daydaan oo  aysan ka qayb galin dagaalka waayo waxaaba suura gal hadii qof muslim ka qayb galo dagaalada in loo badalo dagaalka nooca uu hada yahay mooyee nooc kale hadii ay sameen karaan sida ay sameeyeen dadkii deganaa ruwanda ee muslimiinta ahaa waa ahlan wasahlan hadii kale waa in ay ayagu faraha kala baxaan waxaaba suura gal ah dawladaha waa weyn sida mareekanka in uu soo fara galiyo maadaama dawladu tahay dawlad meesha lagu ilaalsanayo waa waarid warkaas

Mida kale dagaalka waxaa laga yaabaa oo waarid in uu isku badalo qaab hubaysan oo uu kabaxo qaabka seefaha waa in markaas dadka soomalida aysan dadka hubka u kala gadid ama aysan iskugu dhiibin .

SOOMAALIDA QAXOOTIGA AH

Hadii aan nahay soomaali waxaan ku soo jirnay fawda inkabadan 16sano ayadoo laga yaabo dadka qaar ay ku dhasheen dhibkaas aysan ka naxayn dad kale waxaan leeyahay adinkoo ka faa ii,daysanaya khibrada dagaaladii soomaaliya waa in aad is aruurisaan waayo dadka wax qiyaasa waxa ay leeyihiin 70% hantida soomaliya waxaa ay taalaa Kenya marka waa in aad qiimaysaan xaaladda oo aanan la sugin inta dadka reer galbeedka ay dadkooda kala baxayaan dalka oo si daxadar ah aad u feejoknaantaan  oo aad ku xisaabtantaan xaalada .

Waxay ila tahay hada xaalada taagan waa tii ruwanda hadii aysan kadarnaan doonin waa hadii aysan dhicin wax mucjisa ah ama culays dhanka reer galbeedka ah 

GABAGABO

Dadku waa kala fikrad duwanaan karaan aniga waxaan qabaa dadka ugu badan ee dhib ka soo gaaro dagaal marka laga reebo dadka wadanka u dhashay waa soomali danna umaba ahan saacadan la joogo in ay Kenya ku soo biirto soomaaliya marka waa in laga shaqeeyaa dhibkaas joojindeeda waa qofkiiba samayn kara .

Waa qoray : axmed sadiiq

Qaahira- masar

e-mail: sadiiq120@hotmail.com 

xigasho

dhamaan baaritaankan waxaa ii suura galiyay bogaga internetka siiba mawsuucada wikkip iyo waliba iga caawiyay xaga baarida googlka sidoo kale waxaan adeegsaday makaatibta ku dhex jirta internetka  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com