SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qaddiyadda Soomaaliya iyo Caqabadaha hortaagan. 
 

Qadiyadda soomaaliya waa arrin cad, qofkasta oo Soomaali ahna ka tarjumayso rabitaankiisa dhabta ah. Waa dib usoo noolaynta nidaamkii dawladeed, sharcigii iyo kaladabayntii ,nabaddii iyo horumarkii la tiigsanayay. Si kooban waa dhisidda qarankii burburay.  
 

Qadiyadda soomaalidda saddex caqabadood ayaa ugu weyn waxyaabii hor taagnaa muddadii 17ka sano aheyd ee ugu danbeeyay. 
 

  • Tanhore waa qabqablayaasha dagaalka siiba kuwa Muqdisho.
  • Tan labaad  waa qabiilka indhaha la’.
  • Tan sadaxaad waa dowladaha deriska ah iyo faragelintooda siyaasadeed ama military.

    Saddexdaas caqabadood oo isla falagalay ayay Soomaalidu ka dhaqaaqi waayeen, baabi’yayna qadiyadda dadka iyo dalkaba.  

    Caqabadda hore ee ah qabqablayaasha dagaalka, Sanadkii 2006da markii Maxkamadaha Islaamiga ah ay muqdisho iyo gobollo dalka kamid ahba qabsadeen waa laga gudbay oo Qabqablayaashii muqdisho wey ka takhalluseen. Waxaa muuqatay ififaalo ah in qaddiyaddii Soomaalidu ay rajo soo yeelanayso. 
     

    Kadib markii la jabiyay Maxkamadihii Islaamiga ahaa, Ciidamada Itoobiyaanka ahna ay soo galeen gudaha Soomaaliya Qabqablayaashii way soo laabteen balse ayaga oo aan laheyn awoodoodii hore.

    Qabqablayaasha waxaa lagu tilmaami karaa cunsurka ugu weyn ee arrinta soomaaliya curyaaminayo, maxaa yeelay labada cunsur ee kale ayagaa garoonka keensanayay, ha ahaato si xun u isticmaalka qabyaaladda iyo adeegsiga dowlado shisheeye ama sida saxda ah u adeegidda dowlado kale siiba Itoobiya.

Hadda inkastoo awooddoodii qaar la dhimay haddana waxay huwan yihiin magaca dowladda federaalka ku meelgaarka ah.

Halkii ay ka tanaasuli lahaayeen qabyaaladda iyo u adeega dowladaha shisheeye waaba sii siyaadiyeen oo hadda waxay leeyihiin argagaxisaan la diriraynaa.

Caqabada 2aad ee ah Qabyaaladda indhaha la’ saameeynta ay shacbiga soomaaliyeed kuleedahay waa mid weyn. Dadka intooda badan kalsoonida iyo u hogaansanaanta qabiilka ayaa ugu horreysa midda qaranka, sidaas daraadeed qabiilku waa caqabad horfadhisa qaddiyadda soomaaliya, si looga gudbana ubaahan dadaal iyo in laga tago dhaqanno badan  
 

Caqabadda 3aad ee ah faragalinta shisheeye, waa mid soo jirtay muddadii dagaallada sokeeye ay dalka aafeeyeen inkastoo waqtigan la joogo ay cirka isku shareertay kadib markii Itoobiya si ulakac iyo xadgudub ah ay ciidan usoo galisay gudaha soomaaliya  ayadoo ku andacoonaysa in ay difaacayso Dowladda KMG ah.

Waxaa suurtogal ahayd amaba dhawayd in Maxkamadaha Muqdisho iyo Dowladda kumeelgaarka ah ay heshiiyaan haddii aysan jiri laheyn faragelintan ay ku kaceen ciidamada Itoobiya.

Waa xaqiiq jirta in Dowladda KMG ah oo sideedaba ka samaysan qabqablayaashii dagaalka ay maciin bidday Itoobiya, si ay u ilaaliso sii jiritaankeeda waxaase hubaal ah inay sii jiri laheyd haddii ay siyaasad taa ka duwan qaadan laheyd dalkuna uu ka badbaadi lahaa burburka iyo barakaca ay ka geysteen Xabashidu. 
 

Si taas ka duwan waxaa sanadkii 2007 ka dhacay Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho xasuuq iyo burburin ay  gaysteen xabashida oo ku madax qabsanaya Dowladda KMG ah.

Nasiib darro ilaa hadda ma muuqato waxyaabo tilmaamayo saansaan nabadeed maadaama ay madaxda Itoobiyaanku ku andacoonayaan in Soomaaliya ay marayso waqtigii ugu wanaagsanaa tan iyo markii ay dagaallada sokeeye billaabmeen muddo dhan 17 sano,halka qaramada midoobay iyo Hay’adaha aan dowliga ahayna ay caddeeyeen in Soomaaliya ay marayso waqtigii ugu xumaa, kana dhacday  musiibo foolxun oo ay geysteen ciidamada Itoobiyanka ah iyo kuwa Dowladda oo dhinac ah iyo ragga ka soo horjeeda oo dhinaca kale ah. 

Waxay dadka qaar niyadda ku dhisteen markii la aasaasay isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya. Inkastoo isbahaysiga oo maxkamadihii ay horseed u yihiin la filayay in xaaladda siyaasadda iyo geeddi socodka nabadda ay dhaqaajiyaan haddana ma muuqato ilaa hadda tallaabo dhinacaas ku aaddan oo ay qaadeen. Waxaa muuqato in dhanka meletariga aay cadaadis xoogan ku hayaan ciidanka Itoobiyaanka laakiin dhanka siyaasadda ma arkayno wax dhaqdhaqaaq ah.

Waxaa fursad ah beesha caalamka oo wadday dhaqdhaqaaq siyaasadeed si looga xaajooda bixitaanka ciidamadda Itoobiya looguna badalo ciidamo afrikaan ah.

Isbahaysiga waxaa looga fadhiyaa in ay ogaadaan in aan loo heli Karin wax kasta sida aad u rabto, sidaa daraadeed Waxaa ila habboon in ay siyaasaddooda ku darsadaan in lagu badalo ciidamada Itoobiyaanka ah kuwo dhaxdhaxaad ah.

Hadalladda kasoo yeeraya Shariifka ee ah “In ciidanka Itoobiya ay ka baxaan dalka” kadibna, ay diyaar u yihiin waxwalba oo heshiis ah waa hadallo muhiim ah lana rabo in laga miro dhaliyo.

Waxaa murugo leh in C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisalwasaarhiisii hore Geedi aysan kamuuqan hab layskugu soo dhawaado.

Hadda Nuur Cadde ma ka muuqataa ififaalo layskugu imaanayo? Waqtiga ayaa kala cadaynayo.  
Dowladda federaalka waxaa la arkay in aysan ciidan dhisi Karin, in aysan nabadayn karin Soomaaliya xitaa haddii ay isticmaaleen ciidanka Itoobiya. Taas waxay na tusaysaa in loo baahan yahay labada koox ee ah kooxda Beydhabo iyo kooxda Asmara inay furaan wadahadal dhexdooda ah sidii Itoobiyaanka ay uga baxi lahaayeen soomaaliya. qaab hal mar ah ama qaab marxalado ah sidii lagu heshiiyo, laguna badelo ciidamo kale oo wadamo dhexdhexaad ah ka socda 

Hadalka mac waa shey wanaagsan laakiin waxa ladoonayo waa ficil.

Haddii arrinta ay sii socoto joogitaanka Itoobiyaankuna sii raago xaaladdu way ka sii daraysaa oo waxay gaaraysaa heer aay waxyaabo cusub oo arrimaha sii murgiya ay yimaadaan.marka. Waxaa waajib ah in dadka iyo dalka la badbaadiyo. Badbaadinta dhamaanteen masuuliyad ayaa naga saran gaar ahaan kuwa horseedka bulshada ah.

Waxaa la og yahay in Maraykanku uu la safan yahay Itoobiya dhanwalbana ka taageerayo sida siyaasadda, milatariga iyo dhaqaalaha asagoo Soomaaliya ku eegaya isha la dagaallanka argagaxisada. mana la filaayo waqtiga dhaw in uu bedelo siyaasadaas. Taas micnaheedu waa in Itoobiya ay Soomaaliya uga wakiil tahay, kana taageero dhan kasta,.mana baxayso ayidoon fasax ka haysan adeerka Maraykanka ah.

Marka haddii Soomaalidu heshiiyaan oo la yimaadaan mowqif siyaasadeed oo cad waxaa la helayaa quwad midaysan oo lagu waajaho Itoobiyaanka kuna dhisan midnimo ciidan iyo mid siyaasadeedba.

Waxay u muuqataa sartu in ay ka qurunsantahay dhanka siyaasadda.

Ugu danbeeyntii Waxaa hubaal ah in qaddiyadda Soomaaliya xaqiijinteedu masuuliyadda ah ay dusha ka saaran tahay Soomaalida oo dhan gaar ahaan dadka horseedka ah. Waa  in laga guulgaaro saddexdaa caqabadood ee hor istaagan wayna sahlan tahay xaqiijinta arrinkaas haddii la helo rabitaan dhab ah.  
 

By: C/kariim Xaaji C/lle Xuseen

      Kariim127@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com