SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxay tahay Caburinta, Cadaadiska, iyo Caqabadda hortaagan Saxaafadda Dalka?

Caalamka ayaa wuxuu ku tallaabsaday heer aad u sareeya dhinaca Saxaafadda oo ka Quwad weyn markaad aragto Hubka ugu Culus ee Dunida sida ay kula Dagaalamayaan Saxaafadaha iska soo horjeeda ee Dunida ,kuwaas oo inta badan ka been abuura Mujtamaca Muslimiinta ah kuna sheega waxyaabo ay iyagu abuurteen oo been ah taasoo ay ka shidaal qaataan Dowladaha soo koraya ee ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqdeen kuwa la Dagaalama Mujtamaca Islaamka ee doonayo in lagu Xukmo Dalka Shareecada Islaamka ,DFKMG ahina ay u adeegsatay inay Saxaafadaha Dunida uga been abuurato Mujtamaca Islaamka inay yihiin kuwa diidan nabadda iyo Dowladnimada Dalka.

Haddaba,Caburinta iyo Cadaadiska Saxaafadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay soo martay Xaalado kala duwan inta Taariikhda laga ogsoon yahay tan iyo 1960kii markii uu Dalku Xornimadiisii qaatay iyo Dowladihii Xukunka ku kala dambeeyey ,Saxaafaddu waxay ku koobnayd oo keliya Raadiyo Hargeysa , Raadio Muqdisho iyo Wargeysyadii ku soo bixi jiray Afafka khalaad ee koobnaa mana aysan qori karrin wax aysan Dowladda ogayn ama aysan la socon ,Kacaankii 21kii Oktoobar ee Xukunkii Miliretiga ahaa ayaa la yimi mid ka adag kuwii hore kaddib markii Ciidamadii la oran jiray NSS-ta ay noqdeen kuwa si Xoogan isu hortaagay Saxaafaddii Dalka oo dhan oo ay timi "Afkii baa Juuqda Gabay" iyo kuwa kale

Sidaa darteed waxaa haboon in lays weydiiyo Saxaafadda Dalka Soomaaliya maxay Xor u noqon la'dahay?Dowlad walba oo ka dhalata Waddamada soo koraya waxay Cuburin ku Samaysaa Saxaafadaheeda si ay Shacabka ugu dhigto gacan adag oo aysan u samayn Kacdoono Siyaasadeed oo Dowladooda Lidi ku ah Soomaaliyana kuwaa ayey ka mid tahay ama weyba ka sii liidataa Wariyeyaal iyo Suxufiyiin fara badan oo Soomaaliyeed ayaa ku Xiran Xabsiyada Dalka Soomaaliya kuwaa oo aan wax Dhibaato ah geysan ahaana kuwa ka Run sheegayey Xaqiiqada Dhabta ah ee ka jirta Dalkeenii oo Gumeyste gacanta u galay.

Warbaahinno fara badan oo Soomaaliyeed ayaa maanta waxay noqdeen kuwa loo Caga jugleeyo kaddib markii ay noqdeen kuwa soo bandhigga Xasuuqaydii loo geystay Mawaadiniintii Soomaaliyeed ee lagu Xasuuqay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo meelo kale oo fara badan oo ka mid ah Dalka Gudihiisa,waxaana sii badanaya Hanjabaadaha ay Ciidamada NSS-ta iyo Boliiska ay u soo jeedinayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Gudihiisa oo weliba ay qaar maanta Xabsiyo ku Muteen.

Maqaalkani waxaan kaloo ku Xusaynaa in nabaddi ay ku jirto horumarinta Saxaafadda Dalka iyo in la badbaadiyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed si loo helo Xirfado Aqooneed oo ay Shacabku ka faa'idaysan karaan Culuumtooda Akhriskana uu u bedelo Shaqsiyaadka doonaaya inay Horumariyaan Aqoontooda Maadiga ah iyo tan Diiniga ahba loona helo Bulsho horumarsan oo Aqooneed oo kala garan karta wixii wanaagsan iyo wixii Xun oo Shacabka ku keeni kara kala fogaansho iyo Qabiil ,Saxaafaddu waa Aqoon gaar ah oo loo baahan yahay haddaba waa in qof waliba uu ku dadaalaa sidii uu Wanaajin lahaa mar kasta.

Dowladda Federalka ee KMG ah iyo Dhammaan Maamul Goboleedyada ka jira Dalka Soomaaliya ,Waxaannu ka Codsanaynaa inay si deg-deg ah Xabsiyada uga Siidaayaan Dhammaan Suxufiyiinta iyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee Xaq darrada ugu Xiran Xabsiyada ay Gacanta ku hayaan,isla markaanna Xoriyadooda si deg-deg ah loogu soo Celiyo iyadoon wax Shuruudo ah lagu Xirin ,Waxaan kaloo Codsanaynaa in la Dhowro Dhammaan Xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida Sharci darrada ah loo Xirxirayo.


Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com