SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

Madax Mareykan ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo shir balaaran ku yeeshay magaalada Casmara.

Casmara 07/01/2008: Waxaa maanta magaalada Casmara ee Dalka Eritrea, shir ballaaran isugu yimid Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo madaxa arrimaha Afrika iyo Caafimaadka u qaabilsan congresska Mareykanka Mr. Donald Payne, shirkaas oo socdey dhawr saacadood.

Warar ku dhow-dhow shirkaas oo albaabadu u xirnaayeen ayaa sheegaya in lagu soo qaaday waxyaabihii ka dhacay dalka Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay iyo mushkilida ka taagan hadda Soomaaliya.

Waxaana laga tilmaamay duulaano xagga cirka ah oo Mareykanku ku qaadeen qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyo duullaankii ay Ciidamada Itoobiya ku qabsadeen Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo weliba kooxo ajnabi ah oo Mareykanku sheegeen iney dalka Soomaaliya ku dhuumaaleysanayeen, inkastoo wax caddeyn ah arrintaas loo waayey.

Shirkaan oo ay ka wada qeyb galeen madaxda sare ee Ururka Isbahaysiga dib u Xoreynta qaranka Soomaaliyeed, kuwooda ku sugan Casmara oo aan ka xusi karno Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya mudane Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Mudane Zakariye Xaaji Mohamud, Xoghayaha arimaha dibbada Isbaheysiga mudane Yusuf Ibraahim 'dheeg'' iyo xubno kale.

Wafdi ka kooban 3 ruux ayaa waxaa hoggaaminayey madaxa waaxda arrimaha Afrika iyo Caafimaadka ee aqalka Congresska Mreykanka Mr. Donald Payne.

Kulanka ayaa ku soo gabagaboobey is-afgarad laga gaarey arimo badan oo markii hore laga hadli jirin, islamarkaasna waxaa meesha ka baxay shaki badan oo hore loo abuuray, balse markii laga wada hadlay laysku raacay in daaqadda laga tuuro.

Mr. Payne iyo wafdigiisa ayaa ballan qaaday in Mareykanku haatan wixii ka dambeeya u guran doono dhinaca nabad wax ku raadinta, waxaana abuuri doonaa buu yiri jawi deggenaansho oo Soomaalidu isku arki karaan kuna wada hadli karaan, hasayeeshee wuxuu aad u dhalliilay taageerada Xukuumadda Washington siisay kooxda Mbagathi oo Mr. Payne ku tilmaamay dagaal oogayaal aan heysan 2% ee kalsoonida Shacbiga Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayaa aad u doon dooneysa iney si weyn wax uga beddesho arrimaheeda Siyaasadeed ee ku wajahan Soomaaliya, kadib markii Siyaasadeheedii hore oo mala-awaalka iyo maquuniska ku dhisnaa uga shaqeyn waayeen Soomaaliya.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa arinkaan war murtiyeed ka soo saari doono sida ugu dhaqsaha badan, sida laga helayo ilo wargal ah.

Dowlada MAREYKANKA ayaa hadda wado qorsho cusub ay wax kaga qabaneyso Soomaaliya,iyadoo garoowsatey danaha ay ka leedahay Soomaaliya u soo mari karin Ethopia, kadib markii ay ku fashilmeen duulaankii qawaanaa ay dalka Soomaaliya ugu gacanta galiyeen Tigreega iyo kuwa ay ku adeegato ee jooga Soomaaliya.

Waxaa dhawaan magaalada Casmara isugu wada tagaya xubnaha ugu firfircoon ee isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo safaro shaqo ah ku joogay dibadaha sida Sacuudiga, Mareykanka iyo Yurub, si ay uga wada hadlaan hindisayaal badan oo caalamka iyo Soomaaliduba wadato oo lagu doonaayo in wadanka wax looga qabto dhibaatada jirta awgeed.

ilo-wargal ah

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2008

FG: Sawirada kulanka marka aan hello ayaan halkan kusoo tebin doonaa, insha Allah.

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com