SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Budhcad Badeed iyo Boqor

  • Qore: Maxamed Saalax


Nimankii afduubtay Markabii “The Golden Nori” xagee beey aadeen? | SQ. C.J.

Naom Chomsky ayaa Buug uu qoray oo la yiraahdo ”Emperor and Pirates” ayaa wuxuu ku soo qaatay hadal uu yiri Baadari la oran jirey St. Augustine hadalkaas oo ahaa in Emradoorkii Alexander the Great oo Adduunka mar caan ka ahaa wadamo badan oo uu xoog ku qabsadayna xukumi jirey, loo keenay niman Budhcad Badeed ah Doonyaha Badda ku dhaca, markaas ayuu Alexander Nimankii canaan iyo hanjabaad isugu daray wuxuuna u sheegay in uu laynayo waayo nabadda ayey wax u dhimeen. Markaas ayaa Budhcad Badeedkii waxay yiraahdeen Alexanderow annagu Markab yar ama Doon ayaan dhacnaa markaas ayaa waxaa naloo Bixiyey “Budhcad badeed” adiguna waddan dhan baad qabsataa oo dadkiisii Badihiisii iyo barrigiisiiba qaadataa Markaas ayaa laguu bixiyey Emperor(Imbardoor ama Boqor). Haddaba Budhcadka kii ugu weynaa waa adiga.

Haddaba maanta tan ka dhacday Bosaso oo Madaxweyne Cadde Muuse iyo Maamulkiisu adduunka ugu sheekaynayaan wiilal Budhcad ah ayaan soo qanbanaynaa oo ammaanka Puntland ayaan sugeynaa, Ayaa la mid ah taas Alexender The Great iyo Budhcad badeedka dhex martay. Waayo Cadde Muuse Waddan dhan ayuu liqay oo intuu caddaystey ma ahee intii kale oo Bad iyo Berriba leh ayuu doonayaa in uu Shirkado tuugo ah ugu yeedho oo lacag kaga qaato. Markaa haddii innamdaasu yihiin Budhcad isaguna Madaxweyne sow maha “Budhcad Weyne”.

Haddii aan usoo noqdo maanta iyo Puntland, looma baahnayn in cadow gudaha ah la samaysto oo Beelaha la kiciyo, iyadoo dhulkii markii uu Cadde ku guuleystey doorashada Madaxweynaha furihiisa loo dhiibay qayb xoog lagu haysto.

Maxaa keenay in haddii arrinkaas sax iyo khalad kii ay ahaataba la soo afjaray oo lagu guuleystey in si nabad ah wax loo dhammeeyo in dagaalkaan la qaado. Miyaan odayaasha Arrinka soo dhammeeyey ballan loo qaadin oo wax la isku afgaran.

Anigu waxaan ka mid ahay dadka qaba in uu jiro qorshe Cadde la soo galay Somaliland, arrinkaan Budhcad la dirarka ahna wakhtiga lagu dilayo.

Waxaa ka furan Garoowe xafiis ay leeyihiin Budhcad Badeedku, wakiillo iyo Madaxiba u fadhido, Dawladda Puntlandna ka war hayso oo la yaqaan. Kuwaas oo fuliyey afduubyo faro Badan oo ka dhacay inta u dhaxaysa Garacad iyo Caluula. Waxa u dambeeyey markabkii Israa’iil u rarnaa oo Dekedda Bosaso la keenay. Maraykanaka oo Badda ka ilaalinyana inta nimankii lacag lagu sheegay $1,000,000 la siiyey Budhcaddii dekedda laga soo dejiyey. Lacagtaas oo sida la sheegay maamulka khalkhal gelisay sidii loo qaybsan lahaa ama loo kala qarsan lahaa.

Nimanakii Budhacadda ahaana ay hadda Bosaso iyo Garoowe iyo Gaalkacyo joogaan oo ay guryo dhisanayaan, ayaa waxaa is weydiin leh wax kuwaas loo qaban waayey????

Waxaad marar badan arkeysaa kuwo ku faanayo oo leh lacagtii adeer Cadde nooga qaaday gaalada.

Kuwaas keliya ma ahee kiisas badan ayaa ka dhacay Puntland oo Maraakiib lagu afduubay oo raggii dembigaa galay ay Puntland Xorriyo ku maraan iyagoo Tujaar ah.

Sida cadna nimankaas la sii daayey oo Magaalada xorriyadda ku mara ayaa ku dhiirri gelisay wiilashii Reer Bosaso in ay Falkaas oo kale ku kacaan hadiiba ay arkeen kuwii sidaas yelay oo aan waxba la yeelin xorriyad iyo lacagba haysta.

Markaa arrintani waa arrin qalafsan, Budhcad oo dhan ha la soo qabto oo mise madaxweyne Cadde wuxuu u arkaa wiilshaan reer Bosaso niman meesha ku soo cirrirshay oo hawshaan afduubku dad bay gaar u ahayd.

Calaa kulli xaal, meeshaan nabadi kama soo socoto, dadweynaha reer Punlandna waxaa laga doonayaa in ay Puntaland badbaadiyaan tolnimadii la isugu yimid ee dhulak lagu wad joogeyne looga aamusin in Cadde Muuse Ceel ku rido oo kaga tago. Qorshihii Burbirnta Puntlandna hirgeliyo.

Budhcadda Wax afduubtana sharci la wada ogyahayna laga soo saaro hadda wixii ka dambeeyaa.

Nabad iyo Caano

Maxamed Saalax

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com