SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Soomaaliya: Warka lagu Guuldareystay In la sheego!!!.-- Q.2aad

Warbixintan waxaa Qortay Hay'ada Warbaahinta ee la Yiraahdo People's Voice (Codka dadka)

  • Tarjumadii: Muxyadiin Axmed Rooble


    Qaybta: 1aad | 2aad

Qormo laga qoray Soomaaliya

Awoodaha Gumeystaha waxa ay noqdeen kuwo bartilmaameydsi ka dhigta Somalia wixii ka dambeeyay Shirkii Barlin ka dhacay ee lagu kala qeybiyay Somalia iyo afrikaba ,Imaanshaha Somalia Gumeystiyaashii Britian ,France iyo Italy ayaa waxa ay aheyd mid bilaabatay Qarnigii 19-aad ,waxa ayna Islamarkiiba kala Qeybsadeen Dhulka somalida iyaga oo erayada Somalia ku daray magacyadooda sida British Somaliland oo Gumeystihii Britian uu ula baxay dhulka haatan isku magacaabay Somaliland,Italian Somaliland oo Gumeystihii Italy ulabaxay Koofurta Somalia,Labadaan wadanba waxa ay bilaabeyn in Maamulkooda ku faafiyaan Goobihii ay uga sugnaayeen wadanka,iyadoona Dagaalo ay dhexmareyn.

Damley somali ah Reuters Khamiis 10 Jan

Dagaalkii Labaad ee Dunida waxa uu saameyn ku yeeshay Somalia,Somalia ayeey qaramada Midoobay u ogolaatay Ismaamul hoosaad sanadkii 1949 inkastoo 11 sano kadib xiligaas ay si buuxdo u hanatay Xoriyadeeda xiligaas oo ku beegneynd 1960kii,sikastaba Faragalintii iyo danahii gumeystaha masoo afjarmin xiligaas waxa ayna noqdeen kuwo sii socda,ilaa iyo Dagaalkii Qabowbaa ee Dunida oo ay ku luglahaayeen Ciyaaryahanadii cusbaa ee Maricanka ,Soviet Union iyo waliba Cuba iyo ilaa waqtigan.

wiil yar oo somali ah soconaya wado cidla ah reuters 10 Jan

Gumeysiga ayaa noqday mid sii socda oo u dhaxeeya Dowladaha afrika ,iyadoo Gobolka Ogadeniya Gacanta Gumeysiga uu ku haray kadib markii Gumeystihii Britian uu gacanta u galiyay Dowlada Ethiopia,halkaas oo uu ka dhacay labo dagaal oo waaweyn una dhaxeeyay Dowladaha Somalia iyo Ehtiopia sanadihii 1964 iyo 1977,tirooyin Somali ah ayaa wali hoosta oo ku hoos nool Gumeystaha Ethiopia iyadoo lagu maamulo Siyaasada Adis Ababa.

haweeney somali ah oo soconeysa wado dagaalo ay burburiyeen reu.6 jan 08

Dagaalkii Sokeeye ee ka bilowday Somalia 1991 ayaa noqday mid ka dhashay Faragalinta shishiiye iyo waliba Qabaa'ilo dirirsanaa oo isu ceelqabay taas waxa kazoo baxday dhibaatooyin waaweyn oo Somali badan noloshoodii gaalday.

maleeshiyooyin hubeysan oo somali ah Reuters 3 Jan 08

Somalia ayaa waxa ay noqotay meel shacabkeeda ay Macluul la dagto,waxaana ku dhufatay abaar aad u daran iyo dhibaatooyin Aadninimo,waxaana yaraatay Gargaarka Beesha caalamka ay ka hilayaan dadka somalida ah,Waqti dhibaatada ay aad u korartay ,dad badane ay geeriyoodeyn Ayaa la isku dayay in in faragalin lagu sameeyo Somalia si la isugu dayo in wax laga qabto ,waxa ayna Qaramada Mibooday meel marisay Howlgalkii Rajo soo celinta ee Markii dambe Dagaal isku badalay,1992 bishii December ayeey si rasmi ah Ciidamada Qaramada Midoobay oo ay qeyb ka ahaayeen Maricanka askar ka socotay ay soo cagadhigteyn ciida Somalia ,waxa uuna Howlgalkaas soo afjarmay bishii octobet ee sanadkii 1993,markii in kabadan kun qof oo Somali ah iyo 18 askari oo Maricankan ah lagu dilay Dagaal ay isaga horyimaadeyn Ciidamo Somali ah iyo kuwii Maricanka.

xero qaxooti oo ay ku nool yihiin somali afp 2 jan 08

Taas waxa ay horseeday ka bixitaankii Dagdaga ahaa ee Maricanka uu uga baxay Somalia ,iaydoona wararka Koowaad ee Warbaahinta ay noqotay Reer Galbeedka ma caawinkaraan dad diidan in la caawiyo, Marka kale ay dhibaatooyinkii halkoodii ka sii socdeyn ,xaqiiqda jirta waxa ay tahay in Gumeystayaasha ay noqdeen kuwo maskaxda ka dagan qalbiyada Somalia islamarkaasna deedanaa in ay nabad ka dhalato Somalia .

Ciidamo ka socda Au oo ilaalinaya xeebaha somalia afp 30 dec 07

Taniyo waqtigaas Somalia waxa ay aheyd waraka ugu muhiimsan ee Warbaahinta Caalamka, dhab ahaantee Dhibaatooyinka Gumeystaha ayaa sabab u noqday holaca Somalia iyo waliba Africa.

Weeraradii Argagixiso ee 11 September lagu qaaday Maricanka ayaa maricanka waxa ay u muujisay in ay muhiim u tahay Qaarada Africa si looga aargudo kooxihii ka dambeeyay weerakii 11 September ee 2001, bil uun kadib Weerarkaas Paul Wolfowitz oo ah Masuul sare oo ka tirsanaa Maricanka islamarkaasna ahaa Ku xigeenka Xoghaya Difaaca ee Maricanka ayaa Ethiopia kula kulmay Kooxo kala duwan oo Somalia ah ,isaga oo u sheegay in kooxo ka tirsan Al-Qaeda ay ku dhuumaaleysanayaan Deegaanada Raaskaboni iyo qeybo kale oo ka tirsan Somalia.

Bush iyo Paul Wolfowitz google Search

Sanad kadib Maricanka ayaa abaabulay Ciidamo loogu magacdaray Task Force oo ka howlgalay Geeska Africa iyaga oo tababaro siinaya Ciidamada Dowlada Geeska Africa si ay ula dagaalamaan Argagixisada Geeska Africa.
Askarta maricanka ayaa door ku yeeshay xaalka Geeska Africa iyaga oo khilaafka Geeska afica sii kordhiyay ,waxa ayna wararka sheegayaan in Maricanka uu ku luglahaa caawinta Ciidamada Ethiopia ee galay gudaha wadanka Somalia bishii December ee 2006,iyaga oo duqeeyay deegaano ay ku sheegeyn in Al-Qaeda ay ku dhuumaaleysaneyso.

oday somali ah oo dhaawacmay afp 27 dec 07

Qabsashada Ethiopia ayaa noqotay mid lagu baneystay Dowlada ayaa u yeeratay ,iyadoona Dowlada KMG ah lagu sheegayo inay tahay mid hoostagta Maamulka Ethiopia,waxa ayna Ethiopia markii ay gashay Somalia ay lumisay Maamulkii maxkamadihii islaamiga ahaa,kuwaas oo Muqdisho kala wareegay hogaamiyayaal Awood sheegtay oo ku midoobay aakhirkii wax ay ugu yeereyn Isbaheysiga Argagixiso la dirirka,iyagoona ku faafay Dalka inteesa badan.

Sidoo kale waxaa fashilmay isku dayo Beesha caalamka iyo Dowladaha Reer Galbeedka qaar kood ay wadeyn oo ay ku doonayeyn in ay ku hishiiyaan Maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo Dowlada
Sikastaba ha ahaatee,Maricanka oo dabada ka reexayay Ethiopia ilaa December 2006dii ayaa January 7,2007 si cad ugu lugyeeshay Dagaalka Somalia ka socda,Iyadoo Diyaaradaha Maricanka ee AC-130 ay duqeeyeen gobo ka tirsan Somalia ,taas oo sababtay Dhibaatooyin soo gaaray dad rayid ah,inkastoo Maricanka ay deedeyn inay qaataan masuuliyada Dhibaatooyinka ay geysteen Diyaaradahooda.


wiil yar oo dhaawac ah reuters 22 dec

Faragilintii ugu dambeysay ee qeyb ka noqotay Burburka Somalia ayaa aheyd Dowlada KMG ah ee Somalia (oo ay dabada ka reexayaan Un,Usa iyo Au)iyo Maxkamadaha Islaamiga ah (oo lagu eedeynayo inay dabada ka reexayaan Dowlada Eritrea iyo qaar ka mid ah Dowladaha Carabta).

Ciidamo ay balanqaadeyn midowga Afika ayaa laga helay tiro aad uga yar inta ay balan qaadeyn oo ka socda Uganda iyo Burundi.

Ciidamo Burundi oo Jooga Muqdisho afp 24 dec, 2007

Xaaladaan ayaa la tagtay Tiro aad u badan oo Somali ah taas oo ay sabab u yhiin Awoodaha shishiiyaha iyo Ciidamada Danaha gaarka ah u adeega,walina Dhiig daadashada waa ay ka socotaa Somalia.

Qofkasta oo Somalia ah waa in uu raadshaa xalka Somalia iyo siddii ay nabad dib loogu soo celinlahaa Somalia, ka shaqeyn Danaha Wadankaada ,haka shaqeyn Dano Qabaa'il la soco Qabiil Faa'iido malahan.

Qaybtii 1aad: Halkan ka akhri.....

W/D:Muxyadiin Axmed

Nairobi,Kenya

Email: Saadaam_7@hotmail.com

Muhudin01@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com