SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Puntland waa hoyga nabadda , waxaase ku socda qalalaase u baahan in laga hortago

Waxaan salaamayaa akhristayaasha qaaliga ah ee webka www.somalitalk.com waxaana u rajaynayaa in sandka sandkiisa ay ku gaaraan nabad iyo wanaag iyo horumar.

Waxaan habeenkii xalay dhegeystay barnaamij ka socday idaacadda bbc oo looga hadlaayey xaaladda amaanka puntland oo faraha ka sii baxaysa, waxaana uu ahaa barnaamij runtii si fiican loo soo agasimay loona qaybinaayey dadkii doodaas ka qayb galay ,waxaana la isla falanqeeyey arimo badan oo ku saabsan amaanka , sharciga,barlamaanka iyo arimo kale waxaana doodaas ka qaybgalay wasiiro iyo xildhibaano iyo masuuliyiin hore oo maamulakaas ka tirsanaa.

Waxaa aad wax loogu farxo ah in doodaasi ay ahayd mid aan lahayn xanaaq iyo caro iyo dagaal balse waxaa hadalka loo qaybsanaayey si hufan oo qof walbaana uu fikirkiisa xorta ah dhiibanayo. Intii ka soo qaybgashay doodaas waxay kuligood isku raacsanaayeen jirtaanka iyo midnimada puntland iyo sidii loo saxi lahaa. Waxaa dhaliilo badan loo soo jeediyey maamulka gaar ahaan madaxweyne cadde muuse halka amaan badana loo soo jeediyey. Barnaamijkaas waxaa lagu soo daayey waraysiyo odayaal dhaqameedyo qaarkood dhinteen hadaladooduna waxay ahaayeen kuwo qiimo leh oo ay ku dheehnayd wax gradnimo iyo xushmad sida uu ka marag kacay wariyihii warysanyey.

Barnaamijkaas iyo doodahii la isku weydaarsanayey waxaan ka dhadhansaday inay ahaayeen kuwo dhiirri gelin u ah xasilooni iyo nabad waarta oo ka dhalata degaanada puntland, waxaana uu suurad fiican barnaamijkaasi ka bixiyey in puntland tahay hoy nabadeed balse uu jiro qalalaase yar oo u baahan in laga feejignaado lagagana gudbi karo samir iyo dulqaad iyo wada tashi iyo iyadoo meel looga soo wada jeesto sidii loo heli lahaa puntland ka sii qurux badan tan maanta oo runtii haddii loo eego meelo badan oo caalamka ka mid ah aad daremaysid in puntland ay gaaraty horumar iyo nabad alle loogu mahad naqo.

Waxaan gunaanadka hadalkayga ku baaqayaa in shacabka puntland ilaashadaan nimcada nabadda ee alle siiyey uguna mahad celiyaan xusuustaana dhibaatada ka taagan soomaaliya inteeda kale ayna u guntadaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen sidii dhibka ka taagan koonfurta soomaaliya mar u dami lahaa soomaaliyana ku soo noqon lahayd soomaliyadii hore ee ku dhisnayd is jacaylka midnimada iyo walaatinimada. Ilaahay ayaana ka baryayaa inaan arko soomaaliya nabad ah oo looga soo daawasho tago dunida daafaheeda, dadkeeduna ku faanaan soomaalinimada iyo islaamnimadooda aamiin.

Maxamad Bashiir Jaamac
gumburi1885@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com