SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Afkii Soomaaliga & Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Aragtida laga qabo mustaqbalka ayaa waxay noqotay mid ay Dad badani Walaac ka muujiyeen Qorista,ku Hadalka iyo Tarjumiddaba Af Soomaaliga taasoo ay ugu wacan tahay Dhibaatooyinka laga Dhaxlay Dagaalada Sokeeye ee Dabadheeraaday ee ka socda Dalka Soomaaliya Sababtoo ah Qaxii ku dhacay Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay u kala goosheen Dhammaan Dunida Daafaheeda Dadkaasi waxaa ka mid ahaa Carruur yar yar oo aan weli baran Af Soomaaliga waxayna la Dhaqan iyo la Af noqdeen Dadyowgii ay Jaarka Wadaageen ama Waddankii ay Waalidiintood ka heleen Degenaashaha Qaxootinimda .

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha ayaa intooda badani waxay ku hadlaan luqadda" Ingriiska " ereyada qaarkoodna aysan ku garanayn Af Soomaali ama uu u isticmaali "Labkii ,Dheddig "waa murug aad u weyn oo la soo gudboonaatay Shacabka Soomaaliyeed qaarna aysanba ku hadli karrin Afkii Soomaaliga inay Dhegaha ka fahmaan mooyaane waxaa jira Xaalad aad u adag oo ay keentay inay Afkii Soomaaliga Iloobaan Laakiin Waalidiinta ayaa leh Dembigaas oo ay Carruutoodii ku hadli karin Afkoodii Hooyo ee Soomaaliga ahaa ,oo weli iyadoo ay heli karaan qaarkood inay fasaxyada geeyaan Dalka .

Guurka ajaanibta ayaa wuxuu noqon karaa iyadana Xaaladaha ugu waaweyn oo keenay inuu Afkii Soomaaligu noqdo mid Suula oo aysan ku hadli karin Carruurta Soomaaliyeed ee ku Dhalatay Qurbaha oo ay iska dhaleen Laba Waalid oo kala jinsi ah ,waxaa kaloo uu Afkii u Lumay oo ay Carruutu ugu hadli la'yihiin TV-ga oo 24-Saac ku hadlaya Luqadaha Ajaanibka ah ee Waddanka ay markaasi ay Qaxootiga ku yihiin ,Dadyow badan oo Waddankan Maraykanka hore loo keenay ayaa maanta waxay la'yihiin Qof keliya oo Luqadoodii yaqaan ama ku hadli kara sida Dadka Madawga ah oo la keenay Waqtigii ka Ganacsiga Dadka .

Dugsiyada, Madarasooyinka iyo Masaajidda ayaa waxay wadaan Dadaal aad iyo aad u weyn hase ahaatee waxay u baahan yihiin in weli ay gacan ku siiyaan Waalidiinta Carruurta Dhalay si loo helo bulsho isku duuban oo dhowrata Diinteeda,Dhaqankeeda,iyo Afkeeda Hooyo ka faa'idaysiga Waxbarashada ayaa waxaa ka mid ah in marka hore uu Ardaygu yaqaano Taariikhda Dalkiisa,Diintiisa,iyo Dhaqankiisa Carrurtana waxaa loo baahan yahay in Waqtigooda loogu daro inay ku hadlaan Afka Soomaaliga isla markaana ay Qoraan.

Dadaal inoogu galo sidii loo xoojin lahaa geedi socodka nabadda ee Dalka Soomaaliya Sababtoo ah lama huraan waa Dhulka Hooyo Maadaama uu Dagaalkii Sababay Dhibaatooyinkan oo dhami Maanta waxaa jira ama la moodaa inuu soo Dhowaaday Geedi Socodkii nabbadda oo R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo Cali Maxamed Geedi uu u Dhexeeyo Farqi Siyaasdeed oo aad u Weyn marka R/Wasaare Nuur oo ah Kaadir Siyaasadeed oo Rugcadaa ku ah arimaha Siyaasadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga yabaa inuu noqdo "Geesigii Nabadda ee Soomaaliya ",sida uu Durbadiiba u dejiyey Siyaasadii ay Carqaladda ka muuqatay ee ka jirtay Dalka Soomaaliya oo dhan.

Gunaanadkii iyo Maqaalkani waxaan ku soo koobayaa Af Soomaaliga ka jira Qurbaha wuxuu u baahan yahay in la Turxaan bixiyo Waalidiintuna ay Xil adag iska Saaraan sidii ay Caruurtooda ugu hadli lahaayeen Afkooda Hooyo ee Soomaaliga ah ,isla markaana ay u Qori lahaayeen Maalin walba Hal Bogg oo dhan kuna Hadli lahaayeen inta ay Guri joogaan oo dhan si ay u noqdaan Caruur adkaysata Afkoodii Hooyo,Diintoodii iyo Dhaqankoodii.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com