SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qoraaga hadalkiisa ah "Puntland Dhankii Loo saaraba waa Boog" maxaa ku qarsoon 

Mohamed Abdullahi Omar
faysal1@hotmail.com

Soomaalidu waa wada siyaasi,hadana siyaasadda qalad ayey ka fahmeen, oo waxay ka qateen ama la noqotay in wax la burburiyo ama la dhaleeceyo qof siyaasadda markaa ku jira, haseyeshee Dunidda aqoonta ku horumartay qofka si wanaagsan ayey waxa ugu sheegaan , iyagoo adeegsanaya, qirayana qofkaasi wanaaga uu qabtay, haseyeshee, waxay raaciyaan anigu sidaas iyo sidaas ayaan u maarayn lahaa, sidaa ayaan wax usamaynlahaa, maxaa yelay umma fiicna dhaqaalaha ama nabadgelyadda ama hawshu laga faaloonayaa meesha ay ku haboonytahay. 

Haddaan usoo gudbo mawduuca qoraalkaan Puntland waxaa ka dhacay falal aad u xun, malaha markaas boogi majirin, ama wax lama dhaleecaynkarin ama wax loolan siyaasadeed ah lama geli Karin. 

Waxaa qoraaga ka dhadhansan kartaa in uu cid Puntland uu isagu ogyahay usoo wado anigoo ka soo qaatay hadaladiisa:-

(Waa in lagu dhiiradaa gedo iyo tabo raali geliya bulshada, mustaqbalkana loona aayo. Tusaale ahaan, M/weynihi hore ee Puntland Maxamed Cabid Xaashi taariikhdu abid waxaa ay xusi doontaa in uu ahaa halyey jeexay tub awood wareejineed (legacy of power transfer), reer Puntland-na ay abid abaal ugu hayn doonaan [4].)

Dhacdooyinka Puntland ka dhacay  Mammuladdii hore haddaan soo qaado, ama ka dhacay magaalooyinka aan filaayo in qoraagu ka soo jeedo. 
 

  • Malaha Boog ma ahayn xiligii Abdullahi yusuf, inta doorasha xaqi dhacday in dagaal dhacay, oo mammulkii jiray lagu baabiyey.
  • Malaha Boog ma ahayn In maalin cad Isim Qiima iyo sharaf ku leh Puntland lagu dilay si bareer ah.
  • Malaha Boog ma ahayn  in magalooyin dad wada dhashay deganyihiin lagu duulay oo Isimo kale u sacaba Tumayeen.
  • Malaha Boog ma ahayn in xabsiyadda dadka lagala baxo
  • Malah Boog ma-ahayn in Parlamaan qoryo lala horfariisto
  • Malaha Boog ma ahayn in isbaarooyin la dhigto

Mammulka hadda jiraa dhaliil waa leeyahay, waxaanse qabaa arinta nabada iyo maqnaanshaha laas canood in aan mammulka lagu eedaynkarin sababahaan awgood

Dawladdu waa daafacday dhulka Puntland, hase yeshee haddii ninkii daaficlahaa Dabacayuun soo ka xaystay cidamadii dhexdoodana khalkhal kala galay miyeysan adkayn in ay adagtahay inta lahelaayo dad iskuduban. 

Mida nabadgelyadda magaalooyinka haddii magala madaxdii ayadu biloowday falal amaan daro ah soo magaalooyinka kale ku dayan maayaan 

Mammulka hadda jiraa waxaaa uu qabtay oo wanaaga lagama helin mammuladdii soo maray Puntland 

Xafiisyo Dawladeed ma jirin mammuladdii hore xataa hal wasaaradda ma dhisin

Waxaa la taagay Airporo, waxaa socda mashaariic dhaqaale sida xoolaha, kallumaysiga 

Waxaa dhismay Magalooyinka Puntland oo dadka gurya loo dhisay sida Garoowe iyo Xafuun 

Waxaa la hellay nabad oo lakala badbaadiyey in dadweynuhu isku dhaco 

Arimahaas oo dhan qoraagu ma arag ee waxaa uu jeclaystay in bal mar uun nin isaga la jifa ah uu booska ku fariisto 

Mohamed Abdullahi Omar
faysal1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com