SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Saxaafadda ama warbaahinta, dhab iyo dhalanteed

Saxaafaddu wa mihnadda ah in la uruuriyo lakalana shaandheeyo wararka laguna hubiyo waxii dhab loona soo gudbiyo bulshada.

Badi wararkaasi waa kuwo ku xiran xaaladda taagan markaa ee siyaasadeed, caalami iyo deegaanba ama arimo ku saabsan ciyaraha dhaqanka iyo arimaha bulshada.

Taariikhda saxaafaddu waa mid aad u weyn waxaana ay ka bilaabantay xilligii baabiliyiinta, xilligaas oo ay sameeyeen qoraa maalin walba qora waxii dhaca una soo gudbiya bulshada. Roomaankuna waxay waxay qori jireen goaanada golaha odayaasha sharciyada ,heshiisyada, xukunka garsoorka iyo arimaha muhiimka ah oo ka dhaca imbiraadooriyadaas waxayna u soo gudbin jireen shacabka arintaas oo soo socotay ilaa ay ka dhacdo imbiraadooritaddii roomaanku. Ilaa qarniguu 15aad ayey istaagtay saxaafaddii waxayna dib u soo noolaatay bilowgii qarnigii 16aad markii gotenberg oo deganaa magaalada minez ee dalkaasi jarmalka uu ikhtiraacay qalabka wax lagu daabaco (teebka) xilligaas oo la bilaabay in la qoro wararka markaas ku saabsanaa dhacdooyinka markaas dhacaayey iyo weliba ogeysiisyo. Sanadkii 1465 ayaa la bilaabay in la la faafiyo joornaalo daabacan markaas ayeeyna saxaafaddu bilowday hadalhaynteeda dhabta ahayd waa bilowgii qarnigii 16 aad e. Qarnigii 17 iyo 18aadna waxay ku fiday yurub iyo amarykanba waxaana markaasi dad badani bilaabeen inay saxaafadda ka dhigtaan mihnad ay ka raadiyaan nololmaalmeedkooda. Kacaankii faransiskuna waxaau ka mid ahaa kuwii saxaafadda casriga ah soo saaray halka magaalada London ay ahayd xarun saxaafadeed.

Saxaafadda caalamka kuwii ugu horeeyey waxaa ka mid ahaa kuwan.

1702 Daily Courant jariidad maalmeedkii ugu horeysay caalamka.

1788 waxaa soo baxaday jariisdada Times.

1805 waxa soo baxday Courier.

Dunida muslinka jariidadii ugu horeysay waxaa waxaa soo saaray Maxamad Cali Baasha oo xukumaayey dalkaasi masaarida.

Wadamada carbeed ee jaraaidka soo saaray kuwii ugu horeeyey ee masar ku xigay waxaa ka mid ah :Ciraaq,Algeria ,Lubnaan, Tuunis,Liibiya iyo Suuriya.

Soomaalida haddaan u soo laabano ma aaminsani inay jirto saxaafad ka qadiimsan habkii qadiimiga ahaa ee aan ilaa maanta isticmaalno oo ahaa maxaa la sheegay ee warka la isugu gudbin jirey afka isagoo aan lagu darin waxna laga dhimin , waana runtii saxaafadda aan maqlo ama arko oo ugu hufan saxaafadda caalmaka.Waxaase dhibaato ay ka jirtaa saxaafadda m,aanta ee soomaaliya oo isugu soo biyo shubatay in reer walbaa uu yeesho ilaa 8 bog oo kuwa internetka ah oo ay ku qoraan waxii ay doonaan dhab iyo dhalanteedba aanna laga xishoon waxa la qoraayo ilaa aad gaarto in qaarkood aad ka qaaddo madaxwareer. Bal u fiirsada saxaafadda soomaalida ee maanta ma laha in yar mooyaane wax dhadhan ah ama macaan ay kugu soo jiitaan waxaana ay ka dhamaan waayeey beesha reer hebel iyo anagoo ah reer warfaa iyo siyaasad nin nebcaysi ah halkaasoo uu ku lumay qiimihii saxaafigu . Waxaan maqaalkan ugu baaqayaa umadda soomaliyeed in ay saxaafdda kala bartaan tan dhabta ah iyo tan dhalanteedka ah lagana fogaado kuwa wararkoodu yihiin micno la,aan inay wax dumiyaan mooyaane aan aqoon inay wax dhisaan, lagana feejignado fidmo iyo been iyo in la is nebcaysiiyo umadda soomaaliyeed. Dhalinyarda maanta ah saxaafiyiintana waxaan leeyahay saxaafi ma aha nin kasta oo wax iska qora waxuu doonona sheega.

Waxaan fursadda ku xusayaa saxaafi soomaaliyeed oo ka dhex muuqda bahda saxaafdda soomaaliyeed in kastoo aanu arimaha soomaalida gaar wax uga qorin wa walaalkeen Raage Oomaar oo runtii ah saxaafi alle u siiyey hibo saxaafadda iyo fankeeda una guta wajigeeda saxa ah iyadoo aanu marin wadada ay mareen kuwo badan oo dheh dabaalnaaya saxaafdda dhalanteedka ah.

Waxaa jira iyana dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo saxaafiyiin ah oo u guta howshooda sida dhabta ah waase kuwo aad u yar waxaan alle inooga baryayaa in ay saxaafadeenu noqoto mid dhab ah oo aan ahayn dhalanteed.

Maxamad Bashiir Jaamac
gumburi1885@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com