SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Talo soomaalinimo, iyo mid deegaanba

Maxamed Qandala (UK)
qandala@hotmail.co.uk

rayigaan waxaa iska leh aniga aniga ayuuna igu khaas yahay, waana talo ku socota shacabka, ganacsatada iyo dowladaba

BRR.

Waxaa wax laga xumaado in Dowladahii iska danbeeyay ee loo dhisay Soomalida kadib markii ay burburtay Dowladii Soomaliyeed 1991kii, waxaa nasiib xumo noqotay in shacabka masaakiinta ah ee Soomaalida lagu harqiyay lacago la iska soo daabacay iyadoo aysan jirin Hay’adihii contoroli jiray lacagta mid dowladeed ama mid hay’ad madax banaanba.

Waxaa muhiim ah intaanan sharixin dhibta, inaan ka dhawaajiyo in dowladu ay tahay inay gudato xuquuqaadka uu shaqsiga muwaadinku ku leeyahay, muwaadinkuna uu guto xuquuqda lagu leeyahay.  Waxaa horta mudan in la sheego in dowlada xuquuqda shacabka ay ku leedahay ay ugu horeeyaan anigoo u kala hormarinaya muhiimadooda iyo awooda dhaqaaleed ay dawladu leedahay.

  • Xuquuqda doorashada dowlad uu isagu raali ka yahay (one man one vote).
  • In la difaaco Naftiisa, iyo Hantidiisa (dhaqaalihiisa) ugaarka ah.
  • In la ilaaliyo Caafimaadkiisa iyo nadaafada deegaankiisa.
  • In ay helaan Biyo Nadiif ah.
  • In lakobciyo aqoontiisa.
  • In loo dhiso infrastructure guud: isbitaalo, iskoolo, wadooyin, airports IWM.

Anigoo mid mid u qaadaya dowladaha soomaliya ka dhashay tan iyo intii ay duntay dowladii Soomaliyeed, dowladihiii ka danbeeyay waxaynu wada ognahay sidii wax loo doortay, waxay wada ahaayeen doorashooyin u dhacay:

    • Niman is-magacaabay (self nominated) MP’s amaba la magacowday oo sidaa ku noqday MP’s shacabkiina aan waxba laga waydiin inay raali ka yihiin iyo inkale oo aan AFTI loo qaadin.
    • Nimankii MP yada ahaa oo si Gacan taag ah ama Nalkoo la isku dansado (Nairobi) ku doorta Madaxwaynaha ama Raisal wasaaraha markaa xukumi doona dalka.
    • In xitaa nimankii ku fadhiyay magaca qabiilka ee MP yada ahaa, aysan helin xornimo ay si qarsoodi ugu doortaan ninkay is leeyihiin waa nin dhibka umada ka saari kara, ee layiraahdo aanu u vote garayno habka doorashadu u dhici doonto, oo lacag lagu siiyo markaa, hadhow hadana gacan taagii doorashadana lacag kale lagu siiyo, halkaana dowlad ay ku dhalato.
    • Markay intaa dhacday: ayaa hadana waxaa shacabkii masaakiinta ee xalaal quudatada ahaa loogu daray in aan la ilaalin naftiisee la dulkeeno cadow shisheeye oo aan arxan u galayn, qaarna lagu laayo, qaarna lagu dhaco hantidoodii oo dollarkii yaraa ee diasporada u soo dirtay looga badesho lacago lagu daabacday guryaha iyadoo la isticmaalayo warqado iyo double sided laser printers.
    • Caafimaad, nadaafada deegaanka, waxbarasho, wadooyin loo dhiso iyo ceelal loo qado warkooda daa!

    Iyadoo marwalba shacabka iyo ganacsatada laga qaadayo lacagtaa canshuurta ah yaanan hadana waxba u mada loogu qaban: la ilaalin xuduudaha dalka, la ilaalin hantidii gaar ahaaneed ee umada, iskulo, xarumo caafimaad, ceelal la qodo, iyo wadooyin loo dhiso warkooda iyagu daa!

Xuquuqda muwaadinka lagu leeyahay waxaa ugu wayn:

  • Inuu ilaaliyo shuruucda la isku raacay ee uyaal wadanka.
  • Inuu bixiyo canshuuraadka ku waajibay.

Marka waxaa wax laga naxo ah in soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Mogadishu iyo Puntland ay ka jiraan xuquuqaha muwaadinka lagu leeyahay uun, oo aysan jirin ama aanba laga wada hadal xuquuqdii lagu lahaa dowlada ee ahayd arimaha aan kor ku soo xusay.

Mar hadaan ka dhawaajiyay meeshay sartu ka qurantay, ee ah nimaan raali ka ahayn systemka ma lagu dhaqi karaa sytem, nimaan arag cadaalad ma lagu dhaqi karaa sharci, nimaan arag dowlad gudanaysa xuquuqdii lagu lahaa ma lagu dhaqi karaa sharci, nimaan arag dowlad cadaalad ku dhisan ee wax ku xukunta qofka aqoontiisa iyo garaadkiisaa ee kuxunta 4.5 ma lagu dhaqi karaa sharci.

Nin arka madaxwayne iyo wasiiro naaxay asaga iyo reerkuusuna beerku isku dhageen malagu dhaqi karaa sharci, nin arka cadow ladul keenay ee aan arxin u galayn malagu dhaqi karaa sharci, nin arka lacag la iska daabacanayo oo waliba laga sheegayo BBC malagu dhaqi karaa sharci, nin arka eex iyo cadaalad daro baahsan malagu dhaqi karaa sharci.

Intaa ha iga ahaato afeef aan usoo noqdo arinka aan layaabay ee ka dhacday Soomaliya marar badan ee ah lacag la iska soo daabacanayo iyadoon aan lagu salayn macro-economy policies uyaal wadanka ama regionkaa, iyadoo danta laga leeyahay aanan runtii garan Karin, maxaa yeelay waxaan qabaa dadka samaynaya inay u gaynayso aqoon daro (waa kuwa dowlada ku jiree), ama diin la’aan hadiiba ay jiraan shacab ayagu sameeya arinkaa wallow aanan aaminsanayn.

Hadii ay dowladu samaynayso ma waxaa dan ugu jirtaa inay burburiyaan dhaqaalaha wadankaa ay ayagu maamulaan waa la yaab, sababta aan suaashaa isu waydiinaynaana waxay tahay sidee dowladi lacag u daabacdaa ayadoon soo marin amaba samaysan policies of money control, mise hor iyo horaanba dan ma ugu jirtaa in dowladu ay ku cayaarto dhaqaalaha wadanka, yaase u faaiido badan BOOMING ECONOMY or BUSTED ONE, qof walba oo yaqaan habka la isugu daro ama loo kala jaro tiro wuu garan karaa dowladu in Revenue ahaan ay u hanti badan tahay marka lacagtu qiimo leedahay oo la controlo oo uu ganacsiguna kordho, waxaa taa u dheer oo aan rabaa inaan xasuusiyo nimanka dowlada sheegtay in hadii umada aad dowlada u sheegateen aad dishaan, ku cayaartaan dhaqaalahooda, maciishadiina daruuringa ahaydna ku cariirisaan, dolarkii yaraa ee loo soo dirayna ka dhacdaan guryaha dhalada ah aad dagan tihiin aydaan nabad ku seexan doonin, oo aydaan dowlad sii ahaaneen.

Talo Ku Socota Shacabka iyo Ganacsatada.

Waxaa hadaba iga talo ah, markuu dhib yimaado yaa talo la helaa bay soomaalida tiraahdaa, waxaa iga talo ah, in shacabka iy ganacsatadu hantidooda ilaashadaan sida ugu fudud oo ay ku ilaashan karaan waa in la helo hay’ad dhex dhexaad ah oo shacabku leeyahay ama ganacsatadu oo keenta habka kale oo wax lagu kala gato ee aan ka ahayn habkaan ah in shacabka doolarkii loo soo diray lagu qasbo inay ku bedeshaan shilin soomali lagu daabacay guryo, si ay ugu gataan raashin ama ugu raacaan taxi ama bus, ama iskuul ugu gaystaan ciyaal, ama isbitaal.

Stagflation: high inflation coupled with high unemployment (mar hadii ganacsatadu xirato xarumaha ganacsiga shaqo la’aan baahsan baa jiraysa.

Sida kaliya ee looga hortigi karo “the STAGFLATION”cudurka halista ah ku dhicay amaba ku dhici doona dhowaan dhaqaalaha Somalia gaarahaan south Somalia iyo Puntland, waa in la helaa medium kale ee wax lagu kala bedesho, oo dadku wax kukala gataan, waxaanan ku talin lahaa in la isticmaalo SMART CARDS.

In shirkadaha xawaaladaha lacagaha ama ganacsato hanti badan leh oo lagu kalsoon yahay oo isu tagaan oo ay sameeyaan system lacagtii dirhamka, birta, doolarka, ahayd lagu top up gareesto smart-cardkaa kadibna uu muwaadinku wax kaga iibsan karo xarun ganacsi kasta, ku raaci karo bus ama taxi, ku adeegan karo iyadoo qalabkii aqrinayay (card readers) kararka la dhigayo xarumaha ganacsiga.

http://en.wikipedia.org/wiki/Smart_card Ama mobile phone payment systems like they do in Kenya MPESA oo ay sameeyaan shirkadaha telefonada somaliyeed .

Gabagabo waxaa iga talo ah, in umada daashay laga daayo wareerka dilida iyo dhaca oo loo naxariisto, waxaa wax lagu qoslo ah in markii mudaaharaad shacab la dhibteeyay dhacabo in la yiraahdo reer hebel baa kacsan, ama niman kursi doon ah baa qaska wada, waxaa la yaab ah, haday taa jirto maxaa sababay in mudaraadyadu ka wada dhacaan gobolada ama degmooyinka Puntland hada gacanteeda ku soo hartay iyo dhamaan south somalia; yaan umada lagu dawaqin macdan baa la idiin baraayaaye ama dagaal baanu ku jiraaye yaa dagaal lagula jiraa, arinka soolna waxaan ka leeyahay waa la ogaa in arinku saa u dhacaayo oo waa la ogaa hadii la dhafoor taabto reer hawd iyo ninkoodii Xaabsade arinku sidaan u dhacayo, hadii la rabo in Sool, Sanaag iyo Cayn la soo celiyana waa in lagula dhaqmaa cadaalad Sool arinkeedana aysan ka goin kaliya Afqudhace in talada reer Laascaanood iyo hawd wax laga siiyo waliba In Xaabsade lasoo celiyo oo lagu bedelo Afqudhac ama Jagadiisii oo dhamaystirina loo soo celiyaa ee Wasiirkii Arimaha Gudaha looguna daraa xaal marin; in Puntlanda talada dadku u dhaxaysaaye aysan hal reer isku koobin, oo aniga waxaa iga talo ah in talada loo dhiibo doorkan reer Sool, Sanaag iyo Cayn, mise tii horee gacantaagii iyo nal isku dansashadeenii hore aynu wadnoo hal reer talada waligood ha isku koobayn cidkalena yaysan hawaysan, maba xumee reerkii isku koobay xukunkana dadkoodii baa gaajo u wada bakhtiyaya oo maalin walba mudaaharaadaya, marka ha laiska daayo qabiil owr ku kacsiga iyo anaa u badan reerka, tiro koob dhab aha lama hayee. WABILAAHI TOWFIIQ.

Maxamed Qandala (UK)
qandala@hotmail.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com