SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SHAN MADAXWEYNE SOOMAALI AH

Waxaa dhacay in Ciidii Fidriga iyo tii Carafo ee sannadakan 1428H - 2007 ay shan madax weyn oo soomaali wada ah ay u direen hambalyo dunida Isalaamka, waxaanay kala ahaayeen:

. Ismaaciil Cumar Geelle
. Daahir Riyaale Kaahin
. Cadde Muuse Xirsi
. C/llaahi Xasan KILILKA SHANAAD
. C/laahi Yuusuf Axmed

waxaana laga yaabaa in sanooyinka soo socda ay ku soo biiraan madaxweynayaal kale oo gaaraya ilaa tobaneeyo.
Ilaa hadda waxaa la soo hadal qaaday waa:
1- Gal mudug state
2- Midland State.
3- Ex.Banaadir State.
4- Awdal State.
5- Juba land State.
6- Ogadenyea State.
7- Somali galbeed State.
8- Galbeed state.
9- Digil iyo Mirifle State.
10- Makhir State.

Laakiin maddaxda badan Soomaalidu ma ku kala
tegaysaaa ummad ahaan?.

Marka waxaan ku baraarujinayaa dadka u damqanaya soomaalinimada inaanay quusan ama aanay qalbi jabin, waxaan xusuusinayaa in qarnigii 19naad ay jarmalka iyo talyaaniguba lahaayeen tobannan dawladood oo boqorro iyo amiirro iyo konteeno ah, waxaana lagu hayey fara gelin joogto ah lagu kal qaybin jirin, hubka la isugu dhiibi jiray waxaa fara gelinta ku hayery dawladahii dariska la ahaa sida Farnsiika iyo Imbardooriadii Ustriya. Europe
waxa u kacay rag ku qanciyey dawladihii yaryaraa inaanay qaybsanaata iyo iska horjeedka meel lagu gaareen magac maal midna ku helayn, waxaaa ka mid ahaa raggaa u kacay Kaafuur oo talyaaniga mideeyey iyo Bismaarik oo jarmalka mideeyey.
Marka tabanaankii dawladood ee yaryaraa waxay u noqdeen hal dawlad oo Magac iyo miisaan ku leh dunidaoo dhan loona taxgeliyo kaalintooda. Waxaana caawiyey inay umma ahaan ku midaysnayeen xaga laqada iyo dhaqanka. Waxay ku kala tagsanaayeen siyaasada arka madaxdoo dii waxay ku mideeyeen ummadoodii xagii syasada.
Haddaan soomaalida u soo naqonno , waxaa loo baahan yahay in la kala garto qaranimada iyo Ummadnimada. Maxaa yeelay qarannimada dadkaa samaysta ummadnimadnimaduna waa abuurista Ilaahay.
Marka xaga ummadnimada oo waxaa Ilaahay ku mideeyey Soomaalida: Luqada Diinta Haddaha, waxbarashada asaasiga ah oo ilma kasta oo Soomaali ah waa in dugsi quraan la geeyo sido kale xaga dhaqaalaha maxaa yeelay waa isku cunto ,isku dhar isku suuq marka kuleyba soomaali waa kalama maarmaan.
Marka waxaa muqda in soomalidu marayso marxalad taariikhi ah oo kala guur ah: marxalad lagu daminayo jahliga, tacasubka, eexda iyo damaca
Sad-bursiga iyo kala qoqobida qoysaska.
waxaase hubaal ah in dhamaan dawlad goboleedyada iyo dawlad beeleedyadu ay gaari doonaan heer ay ku qancaan inaanay wax qiimo ah iyo qadarin midna kaga heleen dunida una wada baahan doonaan inay iskaashadaan dawlad goboleedyada la dariska ah, waxay gaari doonaanaan mar ay shacabkoodu oodaha jabsan doonaa iyogoo leh naga hor dhaqaaqa hanaga faquuqina walaalahayaga kale een isku danta nahay, waana laga guuri doonaa dowlad goboleedyada iyo dowlad beeleedyada.

Waa la gaari doonaa in Ummadada soomaalidu dhisato qaranimo oo dhamaan beelaha iyo gobolada wada deeqi doona, waxaa la gaaridoonaa soomaali midaysan oo dunida ku leh miisaan iyo taxgalin, marka waxaa loo baahan yahay dadka u ololaynaya dawlad goboleed ama dawlad beeleed, ha u qaateen marxalad looga guurayo ilaa midnimo qaran ee ha ka qaateen kaalintooda dhismaha guud ee loo socdo, hana ogaadeen dawladaha yaryar ee deeqaha ku nool waxaa loo arkayaa dawlado daciifa laangaab, wax qadarin, qiimayn, iyo miisiinan midna lagu tixgelinayn.
Marna yaan laga qalbi jabin ama laga daalin in loo halgamo qaranimo awoodi karta inay qaadato kaalinta ay dunida ku leedahay marka la qiimeeyo goobta ay dunida kaga taallo oo wadnaha dunida ka mid
Soomaalidu waa ummad u abuuran inaanay madaxa hoos u dhigin una hogaansamin dulmi iyo dulli . waxaad moodaa inay ku qanacsan yihiin Fikrada gabayaa soomali ahaa oo ku guubaabiyey beeshiisa gumaysi diidka oo Yiri : Haddi luqunta la idinka jaro Lugaha meermeersha.
Mana ah in loo halagamo qarannimo iyo midnimo Soomaaliyeed ee waxaa la higsanayaa geeska afrika oo midasan iyo Afrika oo midaysan oo ka xorowda tuugsiga, qaxotinimada iyo quursiga.
Waxaan ugu ducaynayaa ummadda soomaaliyeed in Ilaahay garansiiyo awoodooda, kartidooda, dadnimadooda iyo meesha Ilaahay kaga abuuray dunida iyo inay qaataan kaalinta ku haboon xasiloonaanta iyo nabadgalyada caalamka.

By: Adv. A/ Rahman Abuxamsa.
odowa40@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Europe in the nineteenth and twentieth centuries
By: Grant & Temberly

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com